#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiirigelin u muujiyay Maleeshiyaadka meelaha qaar guddaha Somaliland dagaal beeleedka ka abaabulaya, isagoo ku tilmaamay innay difaacayaan dalka, sidaa awgeed loo baahan yahay in la garab istaago.

Madaxweyne Biixi oo maanta markii u horraysay kulan ka baxsan Madaxtooyadda hadal ka jeediyay wixii ka danbeeyay 25 August 2023, markii ciidanka qaranka Somaliland laga soo saaray duleedka Laascaanood saldhigii ugu weynaa ee Goojacade, wuxuu khudbad ka jeediyay shir lagaga hadlay dhaqaalaha oo lagu qabtay Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu tilmaamay in Somaliland lagu soo qaaday dagaal, isagoo Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Deni ku eddeeyay inuu doonayo dagaal qabiil oo  la doonayo in lagu qabsado dhulka Somaliland.