Maraykanka Oo Beeniyay Innay Iran Ka Aqbashay in Aannay jawaab Aargoosi ah Ka samayn Weerarkii Dimishiq

#Araweelo_News_Network

Damascus, Syria (ANN) – Dawladda Kacaanka Islaamiga ee Iran, ku celiyay innay nidar ku gashay ka jawaabtiisa weerarkii lagu qaaday dhisme qunsiliyadeed oo ay ku leedahay dalka Suuriya.

Maraykanka ayay Iran ku eeddaysay inuu Israel ka dhigay wax aannay ahayn, sidaa waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Isniintii ku eeddeeyay Maraykanka inuu Israa’iil siiyey “iftiin cagaaran” si ay gobolka uga fuliso weerarka lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda ay ku leedahay Suuriya oo lagu dilay toddobo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Iran oo ay ku jiraan laba jeneraal.

Hossein Amirabdollahian ayaa mar kale ku celiyay innay nidar ku qaadeen Tehran innay ka jawaabi doonto weerarka.

Qaraxa ayaa si weyn loogu eeddeeyay Israa’iil, kaas oo u muuqday mid muujinaya korodhka bartilmaameedka Israel ee saraakiisha Millateriga Iran, oo taageerta kooxaha Israel kula dagaallamaya Gaza, iyo xadka ay la wadaagto Lubnaan.

Hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah oo khudbad jeediyay Isniintii ayaa ku celiyay in kooxda ay Iran taageerto ay taageeray jawaabta Millateri ee Tehran ka bixisay weerarkii lagu dilay Jenmohammad Reza Zahedi, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadda ilaalada kacaanka Iran ee Quds Force

Weerarka ayaa sii xumeeyay cabsida laga qabo in dagaalku kusii fido Bariga dhexe intiisa kale, iyadoo dhacdadan ay xusuusinay Iran weerarkii Maraykanku ku dilay General Qasem Soleimani oo ahaa Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee Quds Force,  ayaa Maraykanku ku dilay duqeyn cirka ah oo uu  ka fuliyay Madaarka magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. January 3, 2023 ; iyadoo Maraykanka iyo Israel ku tilmaameen inuu hoggaamiye khatar ah oo siyaasadda Maraykanka iyo Israel ee gobolka ka dhigay mid faashil ah, isla markaana Soleimani uu ahaa hoggaamiyaha taageerada iyo khidadaha Millateri ee ka dhanka Israel iyo Maraykanka ee gobolka qaabeeya, isagoo ay ka go’nayd in Qudus laga xorreeyo Israel, sidoo kalena ay guulaystaan rabitaanka shacabka Falstiin ee dhulkooda Yuhuudu haysto.

Dhinaca kale. Maraykanka ayaa beeniyay in Israel ay u ogolaatay in ay weerarto Dimishiq si ay Iran ugu soo celiso xabad joojinta Qaza oo ay Uran ku xidhay hal_xidhaalayaal siyaasadeed

Warbixin lagu daabacay Jerusalem Post oo ay soo xigganay Araweelo_News_Network. ayaa sheegaysa in arrintan ay kusoo beegantay xilli wada xaajoodyada xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha Israa’iil iyo Xamaas ay dib uga bilowdeen Qaahira.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Ka Cabsi Qaba Weerar kaga Yimaada Iran Iyo Xullufadeeda

Maraykanka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Iran ay ku wargelisay Maraykanka in ay ka fogaan doonto innay ka jawaabto weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay Taliyayaasha sare ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ee Dimishiq, haddii xabad joojin laga gaadho Qaza.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Axaddii, iyadoo soo xiganay ilo diblomaasiyadeed oo Carab ah oo aan la magacaabin, kuwaas oo sheegay in Iran ay soo bandhigtay dalabkaas, isla markaana sida lagu xusay Jerusalem post in in ila wareedka  la hadlay warbaahinta laba maalmood ka hor. Iyadoo intaa ku dartay in “Haddii Maraykanku uu ku guulaysto xakamaynta xaaladda, ay u noqon doonto guul weyn maamulka Biden, halka jawaabta ficilka ee Iran ka bixiso weerarka uu Madaxweyne Biden guuldaro u siyaasadeed oo saamayn ku yeelata doorashada.

“Waxaan kuu sheegi karaa in wararkaas aanu run ahayn; Ma ay dirin fariintaas, “ayuu yidhi Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller Isniintii, Laakiin haddii Iran ay rabto xabbad joojin Qaza, taasi waa innay noqotaa wax ay fulin karaan sababtoo ah waxay muddo dheer taageereen Xamaas, waxayna Xamaas ku cadaadin karaan innay aqbalaan heshiiska miiska saaran ee lagu gaari karo xabbad joojinta.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com