#Araweelo_News_Network.

Washington (ANN)–Maraykanka ayaa ka wer wersan  weeraro aargudaasho oo kaga yimaada Iran wax yar kaddib markii weerar xagga cirka ah oo si weyn loogu nisbeeyay Israa’iil  iyo Maraykanka lagu burburiyay dhisme qunsuliyadda Iran ay ku leedahay Suuriya.

Maraykanka ayaa farriin degdeg ah u diray Iran, isagoo ku andacooday in aannu wax shaqo ah ku lahayn weerarka.

Laakiin taasi waxaa laga yaabaa in aannay ahayn mid ku filan innay Iran ka dhegaysato Maraykanka si uu uga fogaado aargoosiga la filayo in lala beegsanayo ciidamadiisa ku sugan gobolka Bariga dhexe.

Taliye sare oo Maraykan ah ayaa Arbacadii ka digay khatarta ciidamada Maraykanka iyo haddii ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu dhawaan ballaadhiyay weerarrada bartilmaameedka ah ee ka dhanka ah Iran u xulufadeedda gobolka , isagoo u arka cadawga gobolka, isagoo sidoo kale  Netunyahu saraakiisha Iran ku daray  kuwa la beegsanayo, balse waxa loo arkaa in beegsiga saraakiisha Iran iyo hoggaamiyayaasha ay sii qoto dheer  usii kordhinayaan colaaddaha gobolka.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xigganay falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in aannay  caddayn  in Maraykanku uu ka fogaan karo in gobolka uu kaga badbaaado, sidoo kale, Maamulka Biden ayaa ku adkaysanaya in aannay wax aqoon ah u lahayn weerarka cirka Isniintii.

Hase yeeshee Maraykanku wuxuu si dhow ugu xidhan yahay millateriga Israa’iil iyada oo aan loo eegin khatarta kaga iman karta danihiisa gobolka.

Maraykanka ayaa weli ah xulafadda lagama maarmaanka u ah Israa’iil iyo weli duulaanka Qaza, sidoo kale, Maraykanka ayaa ah bixiyaha hubka, mas’uul ka ah ilaa 70% hubka Israel soo dejinta iyo qiyaasta 15% ee miisaaniyadda difaaca Israel. Taas oo ay ku jirto in la bixiyo nooca diyaaraddaha casriga ah iyo rasaasta u muuqata in loo adeegsaday weerarkaa iyo kuwo kale, waana sababta aannu Maraykanku uga badbaadi karin weeraro kaga yimaada Iran iyo gamceheeda gobolka.

please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com