Madaxweyne Biden Sidee Uga Falceliyay Weerarka Gantaallaha Iyo Diyaaraddaha Drones

Gantaallada ballistic-ga ah Iran Oo  Burburiyay Saldhigga Hawadda ee Nevatim ee Koonfurta Israel

Weerarka waxa Barbar soday weerar kale oo lagu qaaday Raadaalka Israel iyo Internetka

#Araweelo_News_Network:

Tel Aviv (ANN)-Israa’iil iyo saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in la qabtay in ka baddan 300 oo diyaaradood oo ahaa kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay Iran ku garaacday Israa’iil habeennimadii April 13-14. 2024.

 

Weerarkan ayaa sida ay sheegeen waxa ka qayb qaatay ku dhawaad ​​170 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, in ka badan 120 gantaal oo nooca ballistic-ga ah, iyo in ka baddan 30 gantaal oo nooca Cruise-ka ah, kuwaas oo socday ku dhawaad ​​shan saacadood. Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaare toos ah ama burburka kaabayaasha la taaban karo ee ka dhashay weerarrada Iran, in kasta oo ku dhawaad ​​31 qof oo dhaawacyo  soo gaadheen ay Israel qiratay, kuwaas oo ay sheegeen inuu la kulmay  weerarka argagaxa ku riday Israel, iyagoo kusii socda hoyga. Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF).

Taliska Israel ayaa sheegay in tiro yar oo gantaallada ballistic-ga ah ay ku dhaceen saldhigga Hawadda ee Nevatim ee Koonfurta Israa’iil, kuwaas oo geystay burbur qaab-dhismeed fudud, wallow aannay jirin warar madaxbannaan oo xaqiijinaya baaxadda khasaaraha iyo in ay jiraan goobbo kale oo gantaallaha Iran iyo xulafadeeda ee Israel loo diray ay geysteen, iyadoo uu weerarka Israel dhinac socday weerar kale oo dhinaca Internetka Israel, kass oo lagu beegsaday raadaalka iyo difaaca, isla markaana Farriimo cabsi ah oo hanjabaad xanbaarsan loo diray Kumanaan shacabka Iseael ah, sida ay qortay warbaahinta Tel Aviv.

Saraakiisha Israa’iil ayaa ku andacoonaya in qaar ka mid ah hubka lagu bilaabay weerarka laga soo ganay Ciraaq iyo Yemen, iyadoo
Israa’iil, goor danambe sheegtay innay dib u furtay Hawada iyo sidoo kale, Isgaadhsiinta Badbaadada Gaadiidka Muhiimka ah.

 

Dhacdadan ayaa ku kaliftay Israa’iil innay xidho hawadeeda ku dhawaad ​​7 saacadood laga bilaabo 00:30 April 14, in kasta oo tani dib loo furay. Maamulka ayaa sheegay in Garoonka Diyaaraddaha ee Ben Gurion (TLV) ee Tel Aviv uu dib u bilaabi doono shaqadiisa, in kasta oo jadwalka ay u baddan tahay in wax laga beddelo. Hawlihii Ilan iyo Asaf Ramon International Airport (ETM) ee Eilat ayaa hakad ku jira ilaa amar dambe.

Iran ayaa sheegtay in weerarka, oo muujinaya sare u kaca xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel, uu aargudasho u yahay weerar cirka ah oo lagu burburiyay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, Suuriya, 1 April Todoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa la sheegay in la dilay, gaar ahaan waxaa ku jira Sarreeye Guuto Iran Mohammad Reza Zahedi, oo ahaa taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Quds ee IRGC, oo hoggaaminayay cutubyo ka tirsan Lubnaan iyo Suuriya. Iran iyo Suuriya labaduba waxay ku eeddeeyeen Israa’iil weerarka, inkastoo kan dambe aannay sheegan mas’uuliyadda.

Iran ayaa ka digtay jawaab aad u daran haddii Israa’iil ay ka aargoosato duqaymaha todobaadkan.
IDF, ayaa waxa kale oo ay ku dhawaaqday in Xisbullah ay kasoo tuurtay Lubnaan in ka baddan 55 gantaal oo ay u dirtay Israa’iil horraantii April 14 2024. Weerraro dheeraad ah oo saadaasha ah oo ay qaadayaan Xisbullah iyo kooxaha kale ee Iran taageerto ee ka dhanka ah Israa’iil ayaa la saadaalinayaa suurtagal innay yihiin muddada gaaban.

Maamulka Israa’iil ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay machadyada waxbarashadda waxayna soo rogeen xannibaado isu imaatinka, iyagoo ku xaddiday isu imaatinka meelaha qaar 1,000 qof, iyadoo ay xiisaddaha sii kordhayaan. Saraakiisha ayaa laga yaabaa innay adkeeyaan xayiraaddahaas ama ay soo saaraan koontaroolo cusub saacadaha soo socda si ay uga jawaabaan weerarka Iran, sida ay sheegay warbaahinta Israel

Hase yeeshee waxa aad loo adkeeyay Ammaanka, waxaaana  hakad weyn uu ku yimid ganacsiga iyo gaadiidka, oo ay ku jiraan hakad weyn oo duulimaadyada, balse waxa laga yaabaa in saacadaha soo socda uu ka dhaco guud ahaan Israa’iil weerar la.mid kii xalay, iyadoo weerarka Iran uu sababeen weerarrada aargoosiga ah ee Israel ku hayso hantida iyo danaha Millateriga Iran

Sidoo kale, waxa suurtagal ah guud ahaan Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Iran lafteeda innay ka dhacaan muddada gaaban.

Laakiin Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo amaanay ciidamada Maraykanka ee ka caawiyay Israa’iil inay hoos u dhigto “dhammaan” diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay ridday Iran, ayaa wacad ku maray inuu isku dubaridi doono jawaabta caalamiga ah ee weerarka Tehraan ee aan horay loo arag. Pentagon-ka ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay qabteen “tobaneeyo gantaal” iyo diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen kuwaas oo ku sii jeeday Israa’iil.

Xiisadda gobolka ay marayso heerkii ugu sarreeyey tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas lix bilood ka hor, Biden wuxuu ballan qaaday Sabtidii in taageerada Maraykanka ee difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah weerarrada Iran iyo xulafadeeda ay tahay “Mid bir ah.” Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Iran ay weerar Millateri oo toos ah ku qaado Israa’iil, taas oo halis gelinaysa isku dhac gobolka oo ballaadhan.

Biden ayaa si cad ugu sheegay baaq uu u diray Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in Maraykanku aanu ka qayb qaadan doonin weerar kasta oo ka dhan ah Iran, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka oo aan oggolaansho u haysan in uu si cad uga hadlo wada-hadalka gaarka ah oo uu ka hadlay shuruud aan la magacaabin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com