Iran oo laga cabsi qabo innay qaado weerar Ballaadhan oo aan ku koobnaan Israel Oo keliya Iyo Israel oo laga filayo Jawaab

#Araweelo_News_Network

Tehran (ANN)-Khatarta iyo cabsida xiisadda colaadda Bariga dhexe ayaa sii xooggaystay, wixii ka danbeeyay weerarkii Iran ku qaaday Israel, iyadoo khasaaraha ka dhashay hoos loo dhigay, wallow gantaalaha iyo diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay sheegeen innay inta baddan qabteen Israel iyo xullufadeeda oo Maraykanku u horeeyo. laakiin Iran ay dhankeeda sheegtay in laga gaadhay weerarka hadafkii laga lahaa, laguna burburiyay saldhiga ugu weyn ee ciidamada Cirka Israel ee Nevatim ee Koonfurta .

Laxidhiidha: Israel Weerarka Iran Ee Ka Gudbay Xuduuddaha Oo Dhaliyay Khasaare

Sidoo kale, Iran ayaa ka digtay in Israel iyo xullufadeedu isku dayaan innay ka jawaabaan weerarka, waxayna balanqaaday in cawaaqib xun uu ka dhalanayo haddii laysku dayo in laga jawaabo.

Iran waxay dhawr dal oo reer galbeed ah uga yeedhay safiiradeeda, kaddib markii sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Iran ay si doqoniimo leh uga hadleen weerarka lagu qaaday Israel ee jawaabta u ahaa duqayntii Israel u geystay 1 April 2024, dhimaha ay lahayd qunsuliyada Iran ee Dimishiq oo lagu dilay Saraakiil Ilaalada kacaanka aka tirsan.

Israel ayaa sheegtay innay jawaab ka bixinayso weerarka, wallow Madaxweyne Biden ku wargeliyay in aannay ku raacayn Israel haddii ay qaado weerar jawaab ah, isagoo ka digay in xaaladdu faha ka baxdo.

Dhankiisa Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, ayaa yidhi,“hal-abuur kasta oo cusub oo ka dhan ah danaha Iran waxay la kulmi doonaan jawaab adag oo laga qoomameeyo”, Madaxweyne Raisi ayaa intaa ku daray, “Haddii maamulka Sahyuuniyadda ama taageerayaashiisa ay soo bandhigaan hab-dhaqan aan taxaddar lahayn, waxay la kulmi doonaan falcelin ka sii daran.”

Laxidhiidha: Gantaallada ballistic-ga ah Iran Oo Burburiyay Saldhigga Hawadda ee Nevatim ee Koonfurta Israel

Laxidhiidha: Weerarka waxa Barbar soday weerar kale oo lagu qaaday Raadaalka Israel iyo Internetka

Dhawr dal oo gobolka ah, ayaa sheegay in aannay aqbalayn in hawadooda ay soo maraan duulaan kale oo Iran laga cabsi qabo innay ku qaado Israel, waxaana sii kordhaya cabsida gobolka oo maraysa meel xaasaasi ah, iyadoo tallaabo kale oo Iran ku qabsatay weerarka kaddib Markab ay sheegtay in laga leeyahay Israel sii kordhisay xaaladda cabsida.

Iran ayaa ku dooday kusoo xadgudbay Biyaha Iran, laakiin saaxiibada Israel ayaa ku doodaya in aan Markabka oo siday Koonteenaro aanu gelin Biyaha Iran ee laga qafaashay meel ka baxsan, sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Iran innay soo deyso Markabka iyo shaqaalaha saaran oo kasoo kala jeeda dhawr dal.

 

Dhinaca kale, Hay’adda maamusha duulista hawada ee Yurub ayaa mar kale ku celisay talada shirkaddaha diyaaraddaha inay si taxadar leh u adeegsadaan hawada Israa’iil iyo Iran, inkastoo ay sheegtay in aanay jirin wax shil ah oo shicib ah oo la geliyay halis intii lagu jiray xiisaddaha ku hareeraysan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada ay ku garaaceen Israa’iil.

Wakaaladda Badbaadada Duulimaadyada Midowga Yurub (EASA) ayaa sheegtay in iyada iyo guddida Yurub ay “si wadi doonaan inay si dhow ula socdaan xaalladda si loo qiimeeyo khatar kasta oo badbaado oo ka iman karta hawl-wadeennada dayaaraddaha EU oo ay diyaar u yihiin innay u dhaqmaan sida ugu habboon”

In kasta oo ay jiraan dhawaaqyo cabsi ah oo muujinaya in xaalladdu faraha kasii baxay, isla markaana la filan karo weerar kale oo Iran iyo gamcaheedu ku qaadaan Israel iyo jawaab laga filayo dhanka Israel iyo xulluafadda Maraykanku u horeeyo, balse waxa jira dhaqdhaaqyo ka socda gobolka oo dublamaasiyadeed, kuwaas oo la doonayo in lagu dejiyo xaaladda si aannay gobolka isugu hirdiyin awooddaha iska soo horjeeda, wallow aannay dheggaha Iran iyo kuwa Israel midna ku hawlanayn innay dhegeystaan dhawaaqyada iyo farriimaha dublmaasiyadeed ee is dhaafaya, waxaana suurta gal ah in xaalladdu faraha ka baxdo.

Iyadoo la saadaalinayo in Iran ay qaado weerar ka baaxad ballaadhan kii hore oo lagu naafeeyo Israel iyo xullufadeeda, isla markaana laga cabsi qabo in weerarka ay ku jiraan danaha Maraykanku ku leeyahay dalal kale oo gobolka ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com