“Hawlgalka, weerarku wuxuu hoos u dhigay sharaftii maamulka Sahyuuniyadda Israel,” Madaxweyne Ebrahim Raisi.

” Jawaabta Israel ay qaadan doonto Waa go’aan gaar U ah”Netanyahu

> ku akhri hal daqiiqo

#Araweelo_News_Network:

Tehran (ANN)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa u dabaaldageysa guullaha ay ka gaadhay weerarkii yaabka lahaa, taas oo ay ku beegtay xilli la xusayay dhoolatuska munaasibadda Ciidanka.

April 13-14. 2024, ayay hayd  markii Iran ay Israel ku ekeysay  weerarka diyaaraddaha aan duuliyaha lahay iyo gantaallo , kuwaas oo ay in baddan oo ka mid ah  ka difaaceen Maraykanka iyo xullufaddiisa ku sugan gobolka, wallow khasaaraha duqaymaha hoos loo dhigay.

 

Weerarka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,   Sabtidii si toos ah ugu qaadday Israa’iil, taasoo jawaab u ahayd weerar cirka ah oo 1 April 2024,  Israel ku qaaday dhisme ay leedahay qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq.

Laxidhiidha: Bariga Dhexe Xaalladda Faraha Kasii Baxay Iran Iyo Xullufadda Israel Oo Isku Murgay Iyo Digniinta Midawga Yurub

Sida ay baahisay warbaahinta Iran Hawlgalka, weerarka ayaa loogu magac daray Ballanqaadka Daacadnimada, “wuxuu hoos u dhigay sharaftii maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil),” Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa hadalkaa ka sheegay saldhig Millateri oo ku yaal duleedka Tehran.

Laxidhiidha: Israel Weerarka Iran Ee Ka Gudbay Xuduuddaha Oo Dhaliyay Khasaare

“Howlgalkani wuxuu muujiyay in ciidamadeena qalabka sida ay diyaar yihiin,” ayuu ku yidhi, isagoo Madaxweyne Raisi khudbad uu u jeediyay ciidamada caadiga ah iyo Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Dhoola-tuska Arbacadii ayaa lagu arkay ciidamada qalabka sida ee Iran oo soo bandhigay qalab kala duwan oo Millateri oo ay ku jiraan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada riddada dheer.

Khudbadiisa, Raisi waxa uu sidoo kale ku weeraray dalal uu sheegay innay “doonayay innay caadi ka dhigaan xidhiidhka” Israel.

“Wadamadan hadda waa lagu bahdilay dadkooda hortooda, taasoo ka dhigan fashilka istaraatiijiyadeed ee nidaamka” Israel, ayuu raaciyay Madaxweyne Raisi.

Waxa xusid muddan in Sannadkii 2020, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Marooko, Sucuudiga iyo kuwo oo ay ku jirto Suudaan ay caadi ka dhigeen xidhiidhkii ay la lahaayeen Israel, taas oo qayb ka ahayd heshiiskii loo bixiyay “Abraham Agreement”, ) ee uu Maraykanku dhexdhexaadiyay xilligii Madaxweyne  Donald Trump, wallow Masar iyo Jordan ay heshiis nabadeed la saxeexdeen Israel 1979 iyo 1994, siday u kala horreeyaan.

Laxidhiidha: Gantaallada ballistic-ga ah Iran Oo Burburiyay Saldhigga Hawadda ee Nevatim ee Koonfurta Israel

Laxidhiidha: Weerarka waxa Barbar soday weerar kale oo lagu qaaday Raadaalka Israel iyo Internetka

Dhinaca kale, munaasibadda xuska Ciidanka oo sanad walba la qabto, ayaa sida weyn looga dareemay Iran, taas oo kusoo beegantay xilli xaasaasi ah oo ay gobolka ka jirto cabsi laga baqayo weeraro kale oo dhaca, iyadoo Israel weli ku jirto dhufayska.

Dalalka Maraykanka iyo xullufadda la ah Israel ayaa gobolka kusoo daabulaya maraakiibta xanbaara gantaallaha hubka khatarta ah iyo diyaaraddaha, iyagoo ka cabsi qaba in Iran mar kale qaado weerar khatar weyn dhaliya oo uga sii dara xaaladda gobolka.

Sidoo kale, Isreal ayaa loogu baaqay in aannay qaadin weerar jawaab ah, iyadoo dalalka saaxiibada la ah ee ka digaya Xiisadda Bariga Dhexe ku doodayaan in taasi si toos ah u noollaynay collaada, laakiin Benjamin Netanyahu, ayaa Britain iyo Germeny oo  ugu baaqay is xakamayn u sheegay in Israel ay qaadan doonto go’aan iyada u gaar ah’ kaddib weerarkii Iran.

Madaxweynaha Iran ayaa ka digay in “duulaanka ugu yar” ee Israel uu keeni doono jawaab “ballaadhan oo qallafsan”, iyada oo gobolku uu ku dhiiranayo aargoosiga Israel ee suurtagalka ah ka dib weerarkii Iran ee Sabtidii.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com