Maraykanka Oo Ka Cadhooday Dhaqdhaqaaqa Dublamaasiyadeed Ee Iran Iyo Hanjabaad Digniin Loo Diray Pakistan

Eeddaymaha Waxa Ka Mid Ah Weerar Ay Ku Dhinteen 85 Yahuudda ku Dhaqan Buenos Aires, soddon Sannadood Ka Hor

Ku akhri laba daqiiqo

#Araweelo_News_Network.

(ANN)- Dawladda Dalka Arjantin ee ku yaal Koonfurta Qaarada Ameerika oo caan ku ah Ciyaaraha Kubbada Cagta, ayaa dhexgalay xilligan xaasaasiga ah dagaalka Iran iyo Israel oo xullufoodda Maraykanka iyo galbeedka ah.

Maxkamad ku taal Arjantiin, ayaa weydiisatay Booliska caalamiga ah ee Interpol innay soo xidhaan wasiirka arrimaha guddaha Iran, iyagoo ku sababeeyay arrimo la xidhiidha qarax 1994-kii lala beegsaday xarun ay bulshada Yahuudda ku leeyihiin Buenos Aires, kaasi oo lagu dilay 85 qof.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibaddda Arjantiin, ayaa  sidaa sheegtay Salaasadii  iyadoo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Iran Ahmad Vahidi uu ka mid yahay wafdi ka socda Tehran oo booqanaya Pakistan iyo Sri Lanka, waxayna  booliska Interpol soo saareen wargelinta cas ee lagu dalbanayo xadhigiisa kadib codsiga Argantin.

Sidoo kale, Arjantiin ayaa labadaa dowladood weydiisatay innay soo xidhaan Vahidi, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hase yeeshee wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA ayaa ku warrantay in Vahidi uu salaasadii kusoo laabtay Iran, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu dhaariyay Badhasaab cusub.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sri Lanka ayaa Wakaaladda AFP u sheegay in Vahidi aannu ku jirin liiska wafdiga Iran ee dalkeeda yimi Arbacadii maanta April 24, 2024.

Arrintan ayaa loo arkaa mid siyaasadeed, waxaana 12 April, soo saartay maxkamad ku taalla Arjantin, iyadoo Iran ku eeddaysay weerarkii 1994, ka  dhanka ahaa xarunta bulshada Yahuudda ee AMIA ee badhtamaha Buenos Aires, iyo qarax laba sano ka hor ka dhacay safaaradda Israel, kaasoo lagu dilay 29 qof.

Laakiin Weerarka1994, ee lagu eeddaynayo Wasiirka arrimaha Guddaha Iran ayaan weli cidna sheegan, iyadoo xilligan laga joogo 30 sannadood, mana aha arrin la xaliyay,  hase yeeshee Arjantiin iyo Israel ayaa muddo tuhunsanaa innay kooxda Xizbullah ku fulisay codsiga Iran.

Tehran ayaa beenisay ku lug lahaanshaha eeddaynta weerarka iyo warka kasoo baxay Dacwad-oogayaasha Arjantiin, iyadoo saraakiil sare oo reer Iran ah ay Arjantiin ku eeddeeysay  innay amreen weerarka, laakiin si cad ayay Tehran ay beenisay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale la xidhiidhisay weerarkaa Xizbullah, waxayna ugu yeedhay weerarka AMIA, ugu dhimashada badnaa taariikhda Arjantiin “iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada.”, iyadoo sida ku tilmaamay weerarka soddon sannadood ka hor ee aan la ogayn cidda fulisay, isla markaana ka hadalkiisu kusoo beegmay xilli Israel oo taageero ka helay Maraykanka iyo xullufadda galbeedku ay xasuuq ka wadaan Qaza, isla markaana kumanaan shacabka falastiin ku dileen dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas.

Bayaanka Salaasadii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yidhi, “Arjantina waxay dalbanaysaa xadhiga caalamiga ah ee kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii AMIA ee 1994,  kaas oo lagu dilay 85 qof, iyo kuwa weli xilalka haya ee leh xasaanadda buuxda.”

“Mid ka mid ah waa Ahmad Vahidi, oo garsoorka Arjantina ay u doonayaan inuu yahay mid ka mid ah kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhanka ahaa AMIA,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo sidoo kale ay wax ka saxeexday wasaarada amniga.

Arjantina ayaa hore u sheegtay in Vahidi, oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, uu yahay mid ka mid ah maskaxdii ka dambaysay qaraxii AMIA, waxayna dalbatay in loo soo masaafuriyo, laakiin Iran oo xilligan ciyaaray dhaqdhaqaaq dublamaasiyadeed oo la xidhiidha xiisaadda gobolka Bariga dhexe iyo dagaalka ay kula jirto xullufadda Israel iyo Maraykanka waxay u muuqataa in aannay dhegaysanayn sheekooyinkaa oo kusoo beegmay xilligan xaasaasiga ah iyo xidhiidhka dublamaasiyadeed ee booqashooyinka Madaxweynaha Iran Dr. Seyed Ebrahim Raisi ee Pakistan iyo Sri Lanka oo ka cadhaysiiyay Maraykanka iyo israel.

Maraykanku si aan qarsoodi lahayn ayuu u muujiyay sida uu uga cadhooday heshiiska taariikhiga ah ee Iran iyo Pakistan, isagoo ku hanjabay in ay Pakistan la kulmi karto cuna qabatayn, kaddib booqashadii toddobaadkan ee Madaxweyne Dr. Seyed Ebrahim Raisi oo ahayd markii ugu horraysay muddo sideed sannadood booqasho hoggaamiye Iran uu booqdo dalka Pakistan.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com