> “Siyaasaddu waa mid khariban, Arrinta Somaliland iyo Soomaaliya waa mid u taal iyaga” Wasiirka Maaliyadda Djibouti.

Ma lihin tallada waxbaan kugu darsanaynaa. iyadoo xilligaa saaxiibtimo jirto” Ilyaas Wasiirka Maaliyadda Djibouti.

ku akhri laba diiqiqo

#Araweelo_News_Network.

Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee January 1, 2024, Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisal wasaare Abiy ku kala saxeexdeen Addis Ababa.

Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh

Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh.

Wasiir Dawaleh, ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha mawqifka dhabta ah ee xukuumadda Djibouti wixii ka danbeyay heshiiskaa iyo xilligan xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti.

Sidoo kale, Arrinta heshiiska iyo go’aanka Madaxweyne Biixi oo xilligaa Madaxweynaha dawladda Federaalka Heshiis ay dawladda Djibouti diyaarisay ay ku wada saxeexdeen, wuxuu sheegay in ay layaab ku noqotay Xukuumadda Djibouti iyo Madaxweynaheeda markii arrintan soo baxday.

“Madaxweyne Biixi isagaa u taliya dadkiisa Somaliland, xilligan annagu ma falanqaynayno arrimaha Somaliland iyo daneheeda, Lakiin inkasta oo lays dhex wado warar baddan oo kuti-ku-teen ah, waxayse dhabtu tahay, ma lihin tallada waxbaan kugu darsanaynaa. iyadoo xilligaa saaxiibtimo jirto oo la wado arrimo khayr ah,”ayuu yidhi,  Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh oo ku sugan Washington, isagoo ka jawaabayay su’aal Idacadda Maraykanka ee VOA weydiisay oo la xidhiidhay aragtida xukuumadda Madaxweyne Geelle ee Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia. 

Mr. Dawaleh, wuxuu sheegay in Madaxweynaha dalka Djibouti mar walba mawqikiisu yahay mid cad, isagoo yidhi, “Mawqifka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu cadyahay, mawqifka Djiboutina waa cadyahay, laakiin sharafta iyo xadaaradu waxay tahay in cida aad martida u tahay xilliga arrintan aad wada wadaan ee in laga midha dhaliyo la doonayo, mid ka hor imanaysa adigoo u socda, inaad ugu yaraan tidhaahdid “hawl ayaa halkan ii taal oo arrintaa ayaan u socdaa”, waxaan is leenahay Madaxweyne Ismaaciil umma qalmin.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay  Wasiirka Maaliyadda ee Dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh, in mawqifkooda uu yahay in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya iyo xuduuddaha dalalka jaarka ah, “Saacadan la joogo Soomaaliya mid ayaa loo ogyahay, laakiin waan ognahay ficil ahaan habka ay Somaliland ku shaqayso, wayna ku ammaanan yihiin in nidaamka ay samaysteen kusoo gaadhaan maanta, arrinta Somaliland iyo Soomaaliya waa mid u taal iyaga “Somaliland iyo Somalia”, annagana samo-talis ayaan ka nahay, iyadoo aan waxba noo qarsoonayn, .”

Wuxuu sheegay in arrinta heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, ay tahay mid sidaa u taal, “laakiin Ninkii Madaxweyne Biixi ee lagu kari waayay iska seexo, quraaco oo naso beri ayaad bixiye, annagoo xilligaa ogaanayna heshiisyo kale oo wixii halka “Djibouti” lagu saxeexay wax ka duwan, waa taas ta dareenkaagu siduu noqon lahaa ayuu weydiiyay isa weriyaha waraysanayay ee VOA.

Ilyaan oo la weydiiyay in markii hesiishkaasi dhacay kaddib ay la xidhiidheen dhinaca Somaliland, wuxuu sheegay in dawladduhu siyaabo u wada xidhiidhaan, “Laakiin anmiga farriintayda halkan waxay tahay, Djibouti wax gaar ah oo ay Somaliland ka rabto, amma ay ka leedahay ma jirto,  xilligan aan kula hadlayo, “intii waraysigu socday” waanagii sheegaynay waddooyin ayaan u wadnay maalgelintooda Somaliland.”

Wasiirka Maaliyadda Djibout, Ilyaas, wuxuu sheegay in dariiqa isku xidhaya Boorama ilaa kala Baydh dhaqaalaha ku baxaya qayb ay soo heleen, “Madaxweynaha Djibouti ayaa horseed ka ahaa, annigaana kasoo shqeeyay, xilligana World Bank, Midawga Yurub iyo African Development Banka, ayaan leenahay waa in loo helo Somaliland, maxaa loogu helayaa,  Somaliland nabadgelyadeeda ayay ku mudan tahay in loo dhiso kaabbayaasha dhaqaale, annagana halkaas ayay naga taagantahay walaalnimada Somaliland.” ayuu yidhi.

Hase yeeshee Wasiir Ilyaas, wuxuu sheegay in siyaasaddu tahay mid khariban, “Siyaasaddu waa mid khariban, mana aha inaad walaalkaa “khaayinto”, inta kale iyaga yay u taal, shacbiga Somailand waxaan leenahay annaga kalgacal, wallaalnimo , gacal-tooyo, intii aan isku qabnay iyo ka baddan ayaan idiin haynaa, mawqifkayaga arrintaana halkaa ayuu taaganyahay, ayuu yidhi, isagoo u jeedda heshiiska Somaliland iyo Ethiopi ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Janaury 1, 2024, caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ku kala saxeexdeen.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com