Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa kulan deg deg ah oo ay yeelatay caawa caweyskii kasoo saartay go’aamo adag iyo awaamiir culus oo ku waajahan xaaladda soo food saartay Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Hamza Abdi Barre oo shir guddoomiyay shirka caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada, ayaa lagaga hadlay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shalay magaalada Muqdisho ka dhacay ee ay geysteen kooxaha ay dawladdu ku tilmaantay  Khawaariijta magaca diinta Islaamka ku qadhaabanaya.

Qoraal saxaafadeed kulanka kaddib kasoo baxay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu muujiyay qodobada kasoo baxay kulanka, kuwaas oo u qornaa sidan:-

  1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
  2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daaweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ee KM5.
  3. Waxaa kale oo Golluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafwaayay qaraxyadii shalay, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.
  4. Xukuumadda ay faraysaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashadda si ay waqti ugu helaan ardayda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbanayaasha weeraradii dhacay.
  5. Waxaa dhammaan Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qayb qaataan gurmadka socda.
  6. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ku dhawaaqaysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana samaynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.
  7. Gollaha Wasiirradu wuxuu si xushmada leh shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkaysi inta lagu guda jiro hawlgalka lagu “cidhibtirayo cadowga khawaarijta” oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaaday, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacabka masaakiinta ah.
  8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadaysaa in Khawaarijta dalka laga cidhib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka-sida ay sii wadi doonaan gulufka guulaha baddan laga gaadhay, kaas oo khawaarijta lagu gaadhsiiyay khasaare ballaadhan.
  9. Gollaha Wasiirradu, waxay sidoo kale, isku afgarteen in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran, si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

 

Golluhu wuxuu mar kale tacsi u dirayaa qoysaska, Ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shalay ku naf waayay weerarrada waxashnimada ahaa ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamay gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

 

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Golluhu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyayaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddida Gaarka ah ee Gollaha Wasiirrada ee Ra’iisal Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shalay, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com