Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isla narkaana ah murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  baaq u diray taageerayaasha xisbiga ee ka qaybqaadanaya isu-soo baxyada ololaha xisbiga oo maalintiisii afraad oo ku beegan berri.

Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi waxa uu baaqa ku waajahan taageerayaashiisa ka sheegay khudbad uu ka jeediyey xaflad ballaadhan oo haweenwaynaha degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee Hargeysa ku taageerayeen xisbiga, taas oo galabta lagu qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo Baaqa Guddoomiyaha KULMIYE u diray Taageerayaashiisa.