Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Murrashaxa Xisbiga mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhaliilo ba’an usoo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheegay in dalku maanta maalin uu ka liitaa aanay jirin. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la badbaadiyo.

Guddoomiye Faysal oo hadal ka jeediyay Xafiis xisbigiisu ka furtay Magaalada Hargeysa, wuxuu ka hadlay arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo dadka dhinaca Ethiopia kasoo gala Somaliland. Sidoo kale wuxuu dhaliilay dhakhaatiirta dalka iyo degmooyinka la magcaabo oo uu ku tilmaamay kuwo qoys qoys loo magcaabay.

“Muddo 25 sannadood ah ayaan ka shaqaynayay Somaliland, waxba yaanu Telefishanka Qaranka ee meelahan borobagaanada ka shubaa been idiin sheegin maanta maalin ay ka xuntahay Somaliland ma jirto, walaalayaal cadaw badan oo isku xidhan ayaynu leenahay Kismaayo, Xamar oo Farmaajo kasoo baxay, Garoowe iyo Zoonaha shanaad ayaa isugu keen tagtay.” Ayuu yidhi.

 

Eng. Faysal, wuxuu sheegay in dhibaatooyinkaa oo jira ay bulshada Somaliland kala qaybsantay oo xukuumaddu qaybisay, isagoo yidhi, “Intaa waxa inagaga daran maanta shacabka Somaliland ma midaysna, waxa lagu kala kexeeyay qabyaalad, musuq-maasuq, cadaaladdaro iyo eex, maanta waa ogtihiin 25% waa inaga maqanyahay, waad aragteen sicir-bararku siduu inagu yahay, waxaynu maalin walba $  500, 000 siisanaa daroogo (Qaad). Aduunka oo dhan waa laga joojiyay daroogo Liisan ganacsi loo qaato oo suuqa lagu iibiyo teenaa jirta. Masaajidada waa aragteen dad isku dhalay oo Ethiopia ka yimi oo Juudaan qaba ayaa inoo jiifa Laantii socdaalku (Emigration) ma lihin dalkii waa baylah, Ciidankeenii wuxuu ku mashquulay marba laba reer oo is dilaya.”

Murrashaxa UCID, Eng. Faysal, wuxuu sheegay dawladda Somaliland  maanta ka talisaa aanay ahayn mid aragti siyaasadeed leh oo isku xidhan, wuxuuna bulshada usoo jeediyay in aanay bixin cashuurta mar haddii aanay haysan adeegyadii ay u baahnaayeen ee aasaasiga ahaa, sida Caafimaad, Waxbarsho, Wadooyin iyo inkaaniyaadkii kale.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in iyadoo xaaladaa dalka iyo dadku ku sugan yihiin ay wax walba kaga daran yihiin rag uu sheegay in ay  usoo bu’ayaan, kuwaas oo sida uu xusay doonaya in ay xukunka qabtaan, Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Dawladda maanta Somaliland ka talisa waa aragtaan ma laha aragti siyaasadeed, mana aha dawlad isku xidhan, raga maanta usoo bu’aya hoggaanka dalkana waa aragteen ee lacagta helay ee marba inta ay xaflad qabtaan odhanaya waa laygu soo biiray, lama dooranayo Cabdi Haybe, Xuseen Caydiid, Sheekh Khaliil Masaajidkiisa ayuu joogayaa, waxa la kala dooranyaa waa Faysal iyo ku xigeenkiisa, Muuse iyo ku xigeenkiisa iyo Cabdiraxmaan iyo kun xigeenkiisa.” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

 

Halkan Ka Daawo khudbada Faysal Cali Waraabe oo waxyaabo badan uu kaga hadlay.