Araweelo News Network


Ceerigaabo (ANN)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ballanqaaday in xisbigiisu ka shaqayn doono sidii loo horumarin lahaa gobollada bariga Somaliland oo uu xusay inay ka hooseeyaan gobollada kale ee galbeedka dalka.

 

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad qaddo-sharaf ah oo loogu sameeyey degaanka Gaacidh oo dhinaca woqooyi ka xiga buurta Daallo ee Gobolka Sanaag , waxa uu ka hadlay in horumarku ku yaryahay gobollada bariga Somaliland, waxaannu yidhi;
“Runtii aad iyo aad baanu idiinka mahadnaqeynaa sida fiican ee aad noo qaabisheen, noona soo dhaweyseen, guud ahaana horumarku Somaliland waa uu ku kala yar yahay oo gobollada bariga Somaliland aad buu ugu sii yar yahay, barnaamijka Xisbigana waa ay ku caddahay in gobollada horumarku ku yaraa in wax badan laga qabto oo caddaalad dadka loo sameeyo, waxbarashada iyo caafimaadkana wax laga qabto ayaanu idiin ballanqaadeynaa.”

 

 

Weftiga murrashax Cabdiraxmaan Cirro hoggaaminayo oo ay wehelinayeen saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, waxa ay socdaalka ku maray deegaanada Karin, Xero-libaax, Xero-Mooli, Xidh-xidh iyo degaanka Gaacidh oo si diiran loogu qaabilay, iyadoo dadweynaha degaanku muujiyeen inay taageersan yihiin xisbiga WADDANI.

 

 

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan deegaanka Gaacidh ee Gobolka Sanaag oo la hadlayey weftiga Cirro, ayaa waxa ay yidhaahdeen; “Mudane guddoomiye, dadka deegaankani dhibaato xooggan bay qabaan, balse waxa aan rajeynayaa in Xisbiga WADDANI yahay xisbigii dhibaatooyinkaas ka saari lahaa, waxaanan kuu sheegaynaa in dadka deegaankani ay talo ku gaadheen gudo iyo dibadba in ay wixii anfac iyo talo ahba ay kula garab istaagaan inta aad kursiga fuuleyso.”

 

 

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Mr. Cali Qoorsheel oo xil wasiirnimo hore uga soo qabtay Somaliland, isagoo ballanqaaday in ay ka xisbi ahaan fulin doonaan codsiyadii ay halkaas ka soo jeediyeen dadka deegaanku, waxaannu yidhi; “Maanta wixii la qabsaday ee aad halkan ka codsateen maaha wax la ilaabi karo, qofkii tan maanta arka ba innagu na codkeena ayeynu ugu hiilineynaa Xisbiga WADDANI.”
Marwo Faadumo Siciid oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in aanay marnaba ilaabi doonin hadhimo sharafeeda looggu sameeyey deegaanka Gaacidh oo ah meel aad u qurux badan.

 

“Sida fiicnayd ee aad noo soo dhaweyseen waa mid aan la ilaabi kareyn, waana mid aad qalbiga u qaboojinaysa aniga oo hore u arkay meelo badan oo qurux badan hada na halkani waa ay nooga duwan tahay meel walba oo marnaba ma ilaabi kareyno,” ayey tidhi marwo Faadumo Siciid.