“Muuse Waxaan Leeyahay Talada Qaranka Waad La Anbatay Intaad karaysay, Xukunkaagii iyo xeelladaadii Waxay Dhashay xabad iyo xinjiro Dhiig leh oo gudaheena ah,” Cabdiraxman Cirro

#Araweelo_News_Network.

“Dagaalka Laascaanood, waa kugu dhimmay oo kaa dhimay, waa mid la dhex-dhigay ummad mid ah.”

 

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa Madaxweyne Biixi ku eeddeeyay sababta dhalisay dagaalka Laascaanood oo uu ku tilmaamay dagaal sokeeye, wuxuuna tilmaamay in dhiigga daadanaya ee Laasaacood uu yahay mid aan la aqbali karin oo shacbiga Somaliland oo dhan ay ka xun yihiin.

“Muuse Waxaan Leeyahay Talada Qaranka La Anbatay Inataad karaysay, Xukunkaagii iyo xeelladaadii Waxay Dhashay xabad iyo xinjiro Dhiig leh oo guddaheena ah,” ayuu yidhi.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in su’aasha Madaxweyne Biixi ku hortaala ee aannu jawaab u haynin ay tahay, “meeyay dalkii iyo Dadkii midaysnaa ee laguu dhiibay?

Murrashax Cadiraxmaan oo maanta warnaahinta kula hadlay Hargeysa, isagoo muujinaya taxadir baddan, isla markaana u muuqday mid si weyn looga soo shaqeeyay qoraalka uu ka hor akhriyay saxaafadda ee uu kaga hadlay xaaladda Laascaanood iyo wacyiga maanta dalku marayo.

“Muuse waxa aan ugu baaqayaa inuu dhagaysto tallooyinka samaha sida, maankiisana uu ku hayo su’aasha ah, sidee ayay u eekaan doontaa Somaliland-ta aad ka tegaysaa dhawaan?”ayuu yidhi, murrashax Cabdiraxmaan Cirro.

Dagaalka Laascaanood, ayuu ku macneeyay inuu yahay aragtidiisa dagaal sokeeye oo aan ahayn laba dhinac, wuxuuna intii dhimatay Allah uga baryay inuu u naxariisto, laakiin wuxuu si cad u xusay in loo baahanyahay in inta nool loo taliyo.

“Dagaalka Laascaanood, waa kugu dhimmay oo kaa dhimay, waa mid la dhex-dhigay ummad mid ah, oo aan meelna kala tegeyn, Laascaanood waxay noola mid tahay, Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceergaabo. Xaaladda Laascaanood ku simantahay waa mid aan farxad gelinayn qof walba oo innaga mid ah.”ayuu yidhi, isagoo raaciyay in qof ahaan ay si gaar ah u damqayso.”waayo dankasta oo shaqsi waxa igala weyn danta caamka ah, dadkayga oo midaysan, waddajira oo wax wada leh.”

 

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmmaan Cirro, ayaa sidoo kale, sheegay in Somaliland soddon sannadood iyo dheeraad sumcadii ay dunida ku lahayd ku weyday dagaalka, waxa jeliya ee ay dunida ka sugaysayna uu ahaa aqoonsi, balse maanta qaramada midoobay la horgeeyay dacwado ka dhan ah oo si waxyeelo ugu geysnaya.

wuxuu ku baaqay in loo gurmado dadka ku barakay dagaalka Laascaanood oo sida uu sheegay laga baaqsan karayay, isla markaana dhibaatooyin bini’aadanimo iyo burbur sababay, sidoo kale barakiciyay shacbigii ku noolaa Laascaanood, wuxuuna usoo jeediyay dhinacyada in annu qorigu xal kernayn”Nin walaalkii geed ugu jiraa genesi noqonwaa.”  ayuu yidhi, waxa kale oo uu soo qaatay xikmada Soomaaliyeed ee tidhaahda “Talla-xumo run weydaay rag sidaad u weydaa?”

Muuqaalkan ka Daawo

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com