Araweelo News Network

 


Hargeysa (ANN)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bulshada codbixiyeyaasha ah ugu baaqay inay taageeraan isbeddelka uu doonayo WADDANI, isla markaana dalka Somaliland ka badbaadiyaan xisbiga KULMIYE.

Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey degaannada Wajaale iyo Geed-ballaadh oo ka tirsan Gobolka Gabilay , waxa uu khudbado u jeediyey dadweynaha degaanadaas, isagoo ugu horayn ballanqaadyo kala duwan u sameeyey bulshada reer Wajaale oo si weyn usoo dhoweeyay.

“Magaalada Wajaale waxa ay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato isbeddelka qabsoomi doona. Waxa xisbiga WADDANI u qorshaysan in magaalada Wajaale ay noqoto caasimadda ganacsiga Geeska Afrika, Insha Allaah, waxa kaloo noo qorshaysan inay noqoto deked qalalan (dry port) oo halkan ka waraabisa 100-ka milyan ee aynu jaarka iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya,” ayuu yidhi murrashaxa WADDANI.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aynu ognahay dhibaatada idinka haysata ganacsiga iyo xuduudka inoo dhexeeya innaga (Somaliland) iyo Itoobiya, waxa aannu doonaynaa cillaaqaadkii in aannu wanaajino, ganacsigiina furno si ay Wajaale u noqoto magaalo lagu soo hirto oo ay noqoto caasimad weyn oo dalalka bariga Afrika u noqota caasimad ganacsi.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale ballanqaaday inay xisbi ahaan wax ka qaban doonaan adeegyada bulshada magaalada Wajaale, waxaannu yidhi; “Ceelashii biyaha ee la balloodhaystay waannu soo celinaynaa, biyahana waannu soo gelinaynaa magaalada, waxa kaloo aannu helnay markii aannu dadka warraysanay in carruurtiinu ay dhinaca Itoobiya waxbarashada u tagto, dugsiyadii waxbarashada waannu soo celinaynaa, macallimiin wanaagsana waannu keenaynaa. Duruufaha dalka haystaa way badan yihiin ee caafimaadka wax ayaannu ka qabanaynaa, waxayna magaaladani noqon doontaa magaalooyinka ugu mustaqbalka wanaagsan Somaliland.”

“Maanta waxa aynu dooranaynaa isbeddelka oo waxa aynu isbeddelka u maraynaa oo sallaankii loo marayey noqonaya waa xisbiga WADDANI, waxaanna inoo ballan ah isbeddel iyo xisbiga WADDANI, gaar ahaan isbeddel khayr qaba,” ayuu yidhi murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI.

Weftiga xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale safar ku maray magaalada Geed-ballaadhan ee Gobolka Gabilay, iyadoo murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas hadal ka jeediyey uu sheegay in degaanka Geed-ballaadh yahay halkii laga huriyey halgankii SNM ee dalka Somaliland lagaga xoreeyey taliskii Siyaad Barre muddo hadda laga joogo 26 sanno.

“Magaaladan taariikhdeeda waa la soo noolaynaa, Insha Allaah, ciidankii afraad taariikhdiisana waa la soo noolaynayaa oo taariikh weyn ayaad leedihiin, dadkuna wuu idin xasuusan doonaa.

Somaliland maanta laga badbaadin maayo Maxamed Siyaad Barre, laakiin waxa laga badbaadinayaa xisbiga KULMIYE. Waxa aynu isku ognahay in aynu taageerno isbeddelka oo aynu WADDANI taageerno, qabyaaladdana uf nidhaahno,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad u jeediyey dadweynaha degaanka Geed-ballaadh ee Gobolka Gabilay shalay.