Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku dooday in xukuumadda KULMIYE ay burburisay nidaamkii dawladnimo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday jaamacad ka qallin-jabiyey , waxa kaloo uu tilmaamay in muddada Somaliland jirtay ay qabsoomeen afar doorasho oo kala duwan, isagoo xusay in doorashadii Golayaasha Degaanka ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2012 ay noqotay tii ugu xumayd ee soo marta Somaliland.

“Waxaynu galnay afar doorasho; doorashadii dawladaha hoose, haddana tii Baarlamaanka [Golaha Wakiillada] galnay, haddana waxaynu galnay tii Madaxweynaha (sannadkii 2003), haddana tii Madaxweynaha (ee sannadkii 2010), tii dawladaha hoose ayeynu galnay 2012-kii. Waa doorashadii ugu xumayd ee aynu galno taariikhda Somaliland, waxay taasi ku tusaysaa Rayaale oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, afar doorasho ayuu qabtay, beesha dhexe oo uu Siilaanyona ka soo jeedana tii 2012-kii ayuu qabtay, waxay inna tusaysaa in aynaan innagu hoggaamin lahayn dadkeena gobollada dhexe, runta ayaan idiin sheegayaaye. Maxaa yeelay, sharciga ayeynaan aqoonin, sharciga ayeynu ka baqanaa, Maamulka Axmed Siilaanyo wuxuu dhisay xafiisyo, waddadaa Ceerigaabana tiriig bay u tahay, laakiin nidaam dawladeed miyuu jiraa? Walaalayaal, nidaamkii wuu burburay, runta ayaan idiin sheegayaa, anigu waxba ma qariyo ma ogtihiin! cid cid xukuntaa ma jirto, sharcigii ayeynu iska laabnay,” ayuu yidhi murrashaxa UCID.

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in xildhibaanadii maayirrada noqday ee xisbiga UCID uga soo baxay doorashadii golayaasha degaanka ee ka qabsoomay Somaliland sannadkii 2012 ay hadda u shaqeeyaan xukuumadda KULMIYE, isagoo arrintaas ku tilmaamay wax sharci-darro ah.

“Waxa jira dawladihii hoose, asxaab baannu ku tartanay, waxaannu helnay Berbera Maayarkeedii, Laascaanood baannu helnay, Gabiley baannu helnay, Maayar-ku-xigeenkiidii halkan [Hargeysa] ayaannu helnay, intiiba way kaxaysteen oo iyaga ayey u shaqeynayaan ee Ilaahay baan idinku dhaarshee sharci miyey tahay? Sharci ma’aha,” ayuu yidhi Murrashaxa UCID.
Waxa kaloo uu ka hadlay marxaladihii kala duwan ee Somaliland soo martay laga soo bilaabo markii xoriyadda laga qaatay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960-kii, waxaannu yidhi; “Walaalayaal, dalkeennu marxalado ayuu soo maray, ummaddu haddii aanay taariikhdeeda dib u eegin mustaqbalkeeda ma sugto, waddankani waxa uu ka mid yahay wadammadii ugu horreeyey ee Afrika ee xorriyadda qaata, shan maalmood ka bacdi xorriyadeennii waynu iska dhiibnay, waxaynu ku darsanay waddan la yidhaahdo Soomaaliya, oo aynaan xidhiidh la lahayn, oo aynaan aqoonin, oo magacaa Soomaalida aynu wada wanaagno. Waxa la inna odhan jiray, himilada iyo qastiga innoo geeyey, waxay ahayd in aan shan Soomaaliyeed helno, oo ay ka mid tahay; Jabuuti, Killalka Shanaad ee Itoobiya iyo Woqooyiga Galbeed ee Kenya.”

“Walaalayaal, waxa aad aragtaa Somaliland iyo Soomaaliyadii aynu isku darsantay inay maanta shantii Soomaaliyeed ugu liitaan, dhibaatada maanta innaga muuqata waxa weeye qaladkaas aynu sameynay, waa qaladkaas aynu sameynay oo reer Soomaaliya may sameyne waa qaladkaas innagu aynu sameynay ee madaxdeenu garan wayday dalkiina u taliya, ee dadkii suuqa joogay ee idaacadaha dhegaysanayey Soomaali-weyn iyo Carab-weyn ee Jamaal Cabdi-naasir daba galay. Madaxdu ma’aha inay daba gasho shacbiga ee madaxdu waxa weeye inay hoggaamiso dadka. Waxa caddaatay in mafrishyada laga hoggaamiyo siyaasiyiinta shacbiga reer Somaliland,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Murrashaxa UCID, ayaa sheegay in bulshada reer Somaliland ay muddo 10 sanno ah ka dagaalamaysay dulmiga uu ku hayey Taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaannu yidhi; “Walaalayaal, dagaal sokeeye ayeynu galnay oo 10 sanno socday oo ilaa 1981 ilaa 1991-kii, waxa laga dagaalamayey dulmi ayuu ahaa, isir tirtir ayuu ahaa, Ilaahay (SWT) wuu inna badbaadiyey, Burco ayeynu ku saxnay qaladkii dhacday 18 May 1991. (Markaa) sannadkii 1991-kii ilaa maanta oo ah 2017, haddii aad taariikhda sidaa u raacdo waa inaynu taariikhdeena wax baranaa. Sannadkii 1992-kii waxaynu galnay dagaal sokeeye, waxa dagaalkaas sokeeye lagu soo gebogebeeyey magaalada Sheekh, dawladdii markaa taagnayd ee ahayd SNM, oo ahayd waxyaabaha dagaalka sokeeye u dhacay, SNM 10 sanno ayey joogtay, waxa ku jiray saraakiisha ugu fiicnaa Soomaaliya, waxa ugu jiray intaas oo qof oo qallin-jabiyey, oo Madaxweynaheenna maantu uu ka mid yahay, haddana way sameyn kari waayeen hannaan dawladeed oo beddela dawladii ay rideen.”
“Waxaynu lahayn oo berigii SNM lagu kabay wax la yidhaahdo Guurti, Guurtidaas ayeynu ku baxsanay, oo ahayd halkaynu Soomaaliya kaga adkaanay oo Guurti baynu yeelanay dhaqanyahankeenii hoggaamiyey, waa kuwii shirkii Boorama lagu badbaaday ee dawladda lagu sameeyey,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.