Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  maanta shaaciyey inuu ka tanaasulay damaciisii ahaa inuu mar kale ku tartamo guddoomiye ku xiggeenka Afraad ee KULMIYE.

 

Mr Saylici, ayaa sidaa ka sheegay munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, wuxuuna sheegay inuu guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay, kuna dhisi doono wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu yeeshay damac uu kaga mid noqonayo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

Muuqaalka Munaasibadaa Halkan Ka Daawo.