Araweelo News Network

Hargeysa(ANNN)-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xilka ku wareejiyay Madaxweynah la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen wufuud ka socota Dalalka Midawga Yurub, Dublamaasiyiin, Safiiro Iyo wufuud ka socotay dalalk Jaarka sida Ethiopia, Djibouti, Kenya, Shir gudoonada labada gole Baarlamaan ee Somaliland iyo sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID, balse Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI. ayaa.kasoo xaadirin munaasibadaa.

sidoo kale waxa kasoo qaybgalay saddex madaxweyne ku xigeen oo Somaliland kasoo noqday madaxweyne ku xigeeno Iyo madaxdhaqameed ka yimi gobolada dalka Somaliland, dalalka iyo marti sharaf dhawr ku. oo qof gaadhaya Ilaa 1500 qof.

Halkan ka Daawo Muuqaalka munaasibadaa oo lagu dhaariyay Madaxweynaha Iyo madaxweyne ku xigeenka cusub.