Araweelo News Network

muuqaalkataabeerada1Hargeysa(ANN)Kumanaan qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshadda Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta iskugu soo baxay banaan-bax salmi ah oo ay ku muujiyeen taageerrada ay u hayaan go’aankii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu 10-kii bishan ku kala qaaday doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda. waxa kale oo banaan-baxan lagu naqdiyay bayaankii beesha caalamku ay ku baaqday in mar la wada qabto doorashooyinka.

muuqaalkataageerada2

muuqaalkataageerada3
Banaan-baxayeyaashan oo iskood isku soo abaabulay, ayaa iskugu jiray Madax-dhaqameed, waxgarad, ururrada bulshada , ardayda jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada hoose dhexe iyo sare iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa ku soo bandhigay jidka u dhaxeeya Huteelka Imperial ee magaaladda Hargeysa illaa wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaaraha Somaliland. waxa kale oo ay ku baaqeen in beesha caalamku ay Somaliland ku ixtiraamto go’aan ka gaadhista masiirkeeda.

muuqaalkataageerada6

muuqaalkataageerada5
Dadweynahani waxay siteen boodhadh iyo maryo ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujinayeen siday ula dhaceen go’aanka madaxweyne Axmed Siilaanyo ka qaatay arrinta doorashooyinka. “Waxaanu si mug leh u taageeraynaa go’aanka taariikhiga ah ee madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyadda iyo wakiiladda,”ereyadaas iyo kuwo kale oo macno ahaan la mid ah ayay mudaharaadeyaashu siteen.

Guddoomiyaha gobollka Maroodi-jeex Maxamuud Ismaaciil Cilmi, ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay banaan-baxan. “Banaan-baxan balaadhan ee shacabka Somalilad sameeyeen waxa ujeedadiisu tahay in lagu taageero madaxweynaha go’aankii geesimada lahaa ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada, isaga oo u arkay kala qaadista labadaasi doorasho in ay dani ugu jirto guud ahaan qaranka Somaliland. Madaxweynuhu waa ka aynu u dooranay maslaxadda ummada iyo Qaranka Somaliland, mucaaridkana waxaan leeyahay waxaad sheegteen in aad tallada kala qaadista Madaxweynaha u dhiibteen markaa waa in wixii uu soo saaro aad ku kalsoonaataan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maroodi-jeex.

muuqaalkataageerada4

Maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Siciid Cabdi Shiil oo ka mid ahaa dadkii warbaahinta la hadlay ee horkacayay Mudaharaadkan, ayaa sheegay inay taageersan yihiin qaraarka uu madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho kuna hambalyaynayaan waxaanu yidhi “Madaxweyne, waanu kugu hambalyaynaynaa go’aanka aad qaadatay beesha caalamkanna waxaanu leenahay nagu taageera hadba habka iyo hanaanka aanu u shaqeynayo ee Madaxweynuhu go’aanka u soo saarayo markaa waa inaad nagula shaqeysaan inaanu aayahaga ka tashanno.”

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo isaguna ka mida sulaadiinta reer Somaliland ayaa sheegay ka sakow taageeradda go’aanka madaxweynaha inay sidoo kale ka soo hor jeedaan bayaankii beesha caalamku ku naqdiday in la kala qaado doorashooyinka wakiiladda iyo madaxtooyadda. “Go’aankii beesha caalamka soo saareen waxaanu ku celcelinaynaa waanu diidnay arragtida caalamka.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac ayaa isagunan dadweynaha ku hambalyeeyay banaan baxan ay isugu soo baxeen waxaanu yidhi “Beesha caalamka waxaanu leenahay idinku nooma talisaan ee waxaanu leenahay Madaxweyne qaran, saddex gole qaran ayaanu leenahay Madaxweynaha Somaliland-na waanu ku ayidsanahay shacabkana waxaanu leenahay waad ku mahadsan tihiin.”

Dhanka kale, banaan-bax kan oo kale ahi ayaa ka dhacay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaanay dadweyne tiro badani ay madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyeen tallaabada uu ku kala qaaday doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda. Waxay dadkii banaan-baxan ka qeyb qaatay oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshaddu ay sheegeen in madaxweynuhu uu ka jawaabay salluugii ay ka muujiyeen saami-qeybsiga doorashadda Baarlamaanka lagu gelayo.

Dadweynaha reer Boorame waxa la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa sheegay inuu dadweynaha gobolka la qabo taageeradda ay u muujiyeen go’aanka kala qaadista doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda. “Sida banaan-baxan isugu soo baxdeen waan idinla qabaa aniga oo matalaya. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland go’aanka uu qaatay ee kala qaadista doorashooyinkana waaanu ku taageersanahay, Madaxweynuhu isaga oo innoo shaqeynaya doonayana inuu ka midha dhaliyo qadiyada iyo gooni isutaaga qaranimada Somalilland.”