Waa maxay Ujeeddada iyo Dhibaatooyinka Caafimaadka Ee Qabsinka (Appendectomy)

#Araweelo_News_Network.

 

 

Ma u baahantahay in si deddeg ah lagaaga saaro (Appendectomy) si qalliin loogu sameeyo lifaaqa (Appendix)?

Waxaad inta baddan maqashaa “waxa loola cararay cusbitaal si loogu sameeyo (appendectomy) qaliin degdeg ah” waa maxay sababtu, su’aashaa iyo wax baddan oo kale, waxa ka jawaabaysa Lana Bandoim, oo ah haweenay Tafaftire dhinaca Sayniska ah oo tobbanaan sannadood oo khibrad ah leh.

Uma baahnid qabsinka, ama Lifaaqa (Appendix). Qabsinka si aad u noolaato haddii lagugu guulaysto waxaad waxaad ku noolaan kartaa nolol caadi ah kaddib qaliinka (appendectomy). Waxaa intaa dheer, ka saarista qabsinka,  looma muujin inay kordhiso khatarta cudurrada mindhicirka ama ugasii dari karta caabuqa Mindhicirka.

 

 

Qabsinka ayaa muddo dheer loo malaynayay in aannu wax shaqo ah oo la taaban karo ku lahayn jidhka bini’aadamka. Wuxuu ku yaallaa caloosha hoose ee dhinaca midig, qabsinka ayaa muddo dheer loo tixgeliyey xubin vestigial, taasoo la micno ah mid ku lumisay shaqadeedii asalka ahayd, iyada oo loo marayo horumar.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa marag madoon ah in xubintan qabsinku ay door ku leedahay habka difaaca jidhka iyada oo kaydisa oo sii daynaysa bakteeriyada wanaagsan ee“flush disease” ee jidhku u isticmaalo in uu ka soo saaro noolaha cuduradda keena mindhicirka.

 

Mawaduucan wuxuu kaa caawinayaa inaad fahamto waxa Qabsinku yahay, waxa loo malaynayo inuu sameeyo, iyo waxa dhacaya haddii qabsinku u baahan yahay in la saaro.

 

Waa maxay Qabsinku?

Qabsinku, waa xubin yar oo far u eg oo qayb ka ah cecumka. Cecum waa kiish ku yaal meesha ay isku xidhaan mindhicirka yar iyo xiidmaha waaweyn oo doorkeeda ugu weyni ay tahay innay nuuggaan dareeraha iyo milixda hadhaaga ah, taas oo dhacda marka la dhammeeyo dheefshiidka mindhicirka.

 

Celceliska cabbirka Qabsinku waa 3.5 nches, in kasta oo qaarkood ay noqon karaan kuwo intaa ka yar oo gaadha  ilaa 2 nches, ama ka weyn ilaa 14 inches. qabsinka ayaa inta baddan ku yaal dhinaca middig ee hoose ee caloosha, una dhow lafta misigta middig.

Waa maxay Ujeeddada Qabsinku?

Taariikh ahaan marka la eego, shaqada Qabsinka weligeed ma cadda. Ilaa maanta, waxaa jira dood ku saabsan doorka xubintu ku leedahay caafimaadka aaddanaha, haddii ay jirto.

 

Charles Darwin waxa uu ahaa kii ugu horeeyay ee si cad u caddeeyay in lifaaqu uu yahay xubin ka timi (evolution) oo aan ujeeddo lahayn. In xubintu ay si weyn u kala duwan tahay cabbirka iyo qaabka waxay ku kordhinaysaa kalsooni dheeraad ah malo ah in qabsinku, dhab ahaantii, uu yahay mid qarsoon.

 

Sanadihii ugu dambeeyay, caqiidooyinkaa ayaa isbedelay. Saynis yahano baddan ayaa sheegaya in lifaaqu uu kaalin mug leh ka qaato difaaca jirka iyo caafimaadka dheefshiidka.

 

Qaar ka mid ah aragtiyaha dhow, qabsinka waxaa loo maleynayaa:

Ilaali mindhicirka:  Habka dheefshiidka waxaa ka buuxa bakteeriyada ” flush disease ” iyo khamiir ka caawiya ilaalinta bakteeriyada “Bad Disease” iyo khamiirka. Saynis yahanada qaarkood waxay aaminsan yihiin in qabsinku yahay hoyga bakteeriyada waxtarka leh marka cudurada shubanka sida (dysentery) ama daacuunku ay soo daadiyaan xiidmaha ama marka dawooyinka antibiyootiga ay dilaan bakteeriyada wanaagsan “flush disease ” oo ay weheliso Bakteeriyada xun.

Taageere difaaca: Unugyada lifaaqa waxaa ku jira tiro badan oo unugyo difaaca ah oo loo yaqaanno (B-cell lymphocytes), kuwaas oo inta badan lagu sameeyo dhuuxa lafta iyo (T-cell lymphocytes ) oo badanaa lagu sameeyo qanjidhada (thymus). Waxa la aaminsan yahay in qabsinku uu door ka qaadan karo ka hortagga cudurrada ugu horreeya ee xiidmaha waaweyn.

 

Dhibaatooyinka Caafimaadka ee Qabsinka

Waxaa jira dhowr xaaladood oo saameeya qabsinka, kuwaas oo u baahan kara in lagaa saaro xubinta oo lagu sameeyo qaliinka loo yaqaan (appendectomy’).

 

Cudurka ku dhaca qabsinka ee loo yaqaan (appendicitis).

Cudurka, ama caabuqa loo yaqaan (appendicitis) waa xaalad caadi ah, kaas oo qabsinaka ka dhiga mid barara oo weynaada, inta baddan waxaa sababa xannibaadda saxarada adag, wayaabaha aan dheefshiidka lahayn, dhaawacyada, cayayaan ka dhasahy Bakteeriyo, ama gooryaanka, ama unugyada qanjidhada (lymphadenitis) oo barara.

 

Xannuunka, ama caabuqa loo yaqaan (appendicitis), waxaa lagu gartaa calool xannuun kasoo bilowda agagaarka badhanka caloosha, isla markana u guura caloosha hoose ee midig. Xannuunku ma baxo oo wuu ka sii dari doonaa wakhti kaddib, gaar ahaan marka qofku socdo, wuxuu yeelanyaa, hindhiso iyo qufac.

 

Marka lagugu sameeyo qaliinka (appendectomy), waxay u baddan tahay inaad si dhakhso ah u bogsan doonto. Inta baddan dadka qalliinka lagu sameeyo waxay Cusbitaalka uga bixi karaan maalin ilaa laba maalmood gudahood.

 

Markaad u baahan doonto inaad si fudud u qaadato oo aad u hoggaansanto taxaddarrada caadiga ah – oo ay ku jiraan daryeelka dhaawaca saxda ah iyo ka fogaanshaha qaadista culeyska ama orodka dadka intooda baddan waxay ku soo laaban karaan dhaqdhaqaaqa caadiga ah kaddib laba ilaa Afar toddobaad.

Waxaa qortay Lana Bandoim, waxa Turjumay  oo isku dubariday, Arraale M. jama oo ah suxufi qoraa iyo culibaadhe Tafaftire ka ah Shebekddaha AraweeloN News Network.

Lana Bandoim waa qoraa iyo tifaftire Saynis oo leh in ka baddan tobban sannadood oo waayo-aragnimo ah, taas oo awood u siisay inay daboosho mawduucyo caafimaad oo adag.
_____________________________________

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com