#Araweelo_News_Network.

 

 

 

Xaruntan cusub iwaxay noqonaysa mid wax ka beddesha Geeska Afrika, iyadoo yareynaysa kharashaadka saadka ee badeecada muhiimka ah sidoo kale waxaya buuridoontaa shaqooyin wadanka gudihisa

Wajigahore ee xarunta ayaa si mudodheer ah looga kireeyeyganacsi weyn

 

Dubai, UAE, March, XX 2023:(ANN)-Shirkadda DP World oo ka bilowday Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland dhisidaxaruncusub oo saliidacuntada ahtaas oo hoos u dhigidoontaqiimahasilsiladdasahaydaabuuridoontanashaqooyinwadankagudihisa ah, waxa la isku waafaqayheshiiskiro oo mudodheer ah.

 

Xaruntansaliidacuntada ayaa ah waxii ugu danbeeyey ee lagu soo darayhabkanganacsiga isku xidhiidhsan ee koraya ee Berbera, waxaana ka horeeyeyAaggacashuuraha ka Caagan ee Berbera(Berbera Economic zone) oo dhawaan la furay. AaggaCashuuraha ka Caagan ee Berbera waxa uu 15 KM u jiraa Dekedda waxuuna ku xidhanyahayWaddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Berbera ilaa Addis Ababa ee dalkaItoobiya.

 

Qorshayaasha DP World ee Berbera oo ku taala marin ka mid ah marinnadabadda ee ugu mashquulka badan dunida ay ugu badalaysoxaruniskugu jirta ganacsiyada la xidhiidhabadda, saadka iyo xarunganacsi oo u adeegta Geeska Afrika, oo ay ku noolyihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

 

Xaruntasaliidacuntadawaxaywajigakoowaad lahaan doontaacabir ah 18,000 oo tan, waxaana la balaadhin doonaa marka baahidukorodho. Waxa ay awood u yeelandoontaa in ay u adeegtomaraakiibtaqotodoodabiyuhu ay gaadhaysoilaa 16 mitir, taas oo u ogolaanaysa Dekedda Berbera in ay markii ugu horeysay ka soo degtoSaliidcunto oo aan baakadaysnen.  Soo dejintasaliidaan baakadaysnayn, iyadoo lagu baakadeeyo   wadanka gudihiisa waxay u suurtagalinaysa in saliida cuntadu noqoto mid jaban oo dadka gobolka ku nooli awooddaan iyo innay abuurto shaqooyin dalka gudihiisa ah

 

Wejiga kowaad ee xarunta waxa si dhamaystiran looga kireeyay si ku salaysan mudo dheer shirkad magaceedu yahay Mzahim Investment LLC, oo hoos timaadaMaalgelinta Essa Al Ghurair ee Isutaga ImaaraadkaCarabta. Mzahim Investments waxa kale oo ay Berbera ka hirgelin doonaa warshad maxalli ah oo baakadaha soo saarta, si ay ugu adeegto macaamiisha ay ku leedahay Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika, taas oo la filayo in laga shaqaaleysiiyo ilaa 100 qof.

 

Essa Abdulla Al Ghurair, Guddoomiyaha Essa Al Ghurair Investments (EGI), ayaa yidhi“Annaga oo ah ganacsi qoys oo ka aasaasan Imaaraadka, waxaanu gobolka la ganacsanaynay muddo ku dhow 40 sano. In aan xarun ku yeelano Berbera waxay sii wadi doontaa xoojinta xidhiidhka ganacsi ee aanu la leenahay gobolka. Joogitaanka shirkadda DP World ayaa kaalin baaxad leh ka qaadatay inay ku dhiirigaliyaan ganacsiyada sidayada oo kale ah maalgashiga gobolka. Saliidac untada ee Berbera waxa ay noo ogolaanaysaa in aan wax soo saarno dalka gudihiisa, anaga oo hubinayna in badeecaddaha daruuriga ah sida saliidda cuntada ay jabanyihiin oo ay noqoto mid ay awood u heli karaan dadka deegaanku. Anagoo adeegsanayna wax soo saarka, waxaanu kaalin ka qaadankaraa abuurista shaqo iyo kobcinta kartida, gaar ahaan kuwa dadka xirfadda leh iyo kuwa xirfaddaha dhexdhexadka ah ku shaqaysta.

 

Suhail Albanna, oo ah Agaasimaha guud iyo madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa yidhi“Samaynta xarunta saliida cuntadu waa mid wax weyn ka bedelidoonta gobolka, waanatusaale kale oo ina tusaya sidaaanu u yaraynayno kharashka ku baxa ganacsiga annagoo u raadinayna xalal daboolaya baahiyaha macaamiisheena, islamarkaana saamayntogan ku leh bulshada deegaanka haday tahay xaga shaqo abuurka iyo xaga in ay si fudud u helaan alaabaha. Waxaanaqayb ka ah dekedda Berbera iyo AagaCashuuraha ka caagan,

xaruntani waa nooca kaabayaasha isku dhafan ee Dekedda, kuwaas oo soo jiitayma maalgashadayaasha caalamiga ah uu  ka mid yahay EGI oo doonaya inay u dhawaadaan macaamiishooda.”

 

DP World Berbera Taariikhda
Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadda DP World siisay qandaraas Dekedda Berbera oo ah teerminaal cusub oo konteerada. September 2016
Ku Wareejintii Dekedda DP World March 2017
Bilaabisti Dhismaha Teerminalka Cusub ee Koonteenarada ee Dekedda Berbera October 2018
Keenidii wiishashkii ugu horeeyey ee dekeda Berbera March 2021
Teerminalka cusub ee konteenarada ayaa bilaabay shaqada. June 2021
Shirkada DP World ayaa daahfurtay wejigii kowaad ee Aaga Cashuuraha ka Caagan (BEZ). March 2023
Shirkadda DP World ayaa bilawday dhismaha xarun cusub oo saliidda cuntadda oo dekedda Berbera ah. March 2023

 

 

-DHAMMAAD-

 

 

 

Wixii waydiimo ah ee ku saabsan warbaahinta DP World, fadlan kala xidhiidh:

 

Adal Mirza

MadaxaXidhiidhkaWarbaahinta

Adal.mirza@dpworld.com

+971 56 355 0899

Tarek Kiwan

Maamulaha

XidhiidhkaWarbahintaCaalamiga ah

Tarek.Kiwan@dpworld.com

+971 50 818 9722

 

Hakam Kherallah

La-taliyaha, XiriirkaWarbaahinta&

MadaxaIsgaadhsiinta

Hakam.Kherallah@dpworld.com

+971 50 552 2610

 

 

Warbixin ku saabsan DP World

 

Waxaan nahay hormuudka bixinta adeegyada saadka ee casriga ah, waxaanu fududeeyna isku socodka ganacsiga adduunka oo dhan. Badeecooyinkayaga iyo adeegyadayada kala duwan ayaa taabanayadhinac kasta oo nolosha ah.

 

Waxaanu nahay shabakad caalami ah oo ka kooban; 350 unug -ganacsi oo ku kala yaal 75 wadan oo ku kala yaala lix qaaradood. kasoobilaamaadeegyada la xidhiidha ganacsiga badda iyo marinnada gudaha ilaa xayndaabka warshadaha iyo sidoo kale adeegyada macaamiisha oo ku salaysan tiknoolajiyada.

 

Meel kasta oo aan ka hawlgalno, waxaan isku dhafnaa waaritaanka iyo masuuliyada bulsho ee shirkadda, annagoo ku dadaalayna wax ku biirintaDhaqaalaha iyo bulshooyinka meelaha aan ku noolnahay kana shaqayno.

 

Waxan uga qaybqaadanaanagoo la samaynaynaxidhiidhowaara oo sii korayadawladaha, shirkadaha wax soo dajiya, ganacsatada, iyo daneeyayaasha kale ee ku lamaan silsiladda sahayda caalamiga ah.

 

Waxaan ka fikirna waxa soo socda, waxaanan ku sii talagalnaa isbeddelka waxaana isticmaalna tiknoolajiyadda hormuudka u ah ganacsiga si aan u abuurno sdeegyadag anacsi ee ugu casrisan, ugu hufan uguna hal-abuursan

anagoo hubinayna ku lahaanshaha isbedel togan oo joogto ah dhaqaalaha, bulshada iyo dunidaba.

 

 

 

 

 

 

 

Kala soco DP World:

 

 

Twitter: https://twitter.com/DP_World

LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/dp-world

 

 

 

 

 

 

Warbixin ku saabsan DP World Berbera

 

DP World Berbera waaqayb ka mid ah DP World iyo British International Investment oo ah hanaaniskaashi oo maalgalinta Afrika.  Hanaankani waxa uu maalgalin doona dekadaha wax laga soo dhoofiyo, kuwa loo dhoofiyo, barxadahakonteenarada lagu kaydiyo, AagagaCashuuraha ka Caagan iyo saadka kale ee Afrika oo dhan si loo kordhiyo ganacsiga, loo abuurofursado shaqo oo cusub iyo inkor loo qaado helitaanka adeegyadadaruuriga ah.

 

Waxa lagu bilaabay saamiyo aad u yar oo ahayd hantida DP World ee sii jirtay oo ay dabasocdeenqorshayaal balaadhineed oo wax ku ool ah, waxa ka mid ah dekedaha Dakar (Senegal), Sokhna (Masar) iyo Berbera (Somaliland). Ganacsiga ku suurtagalayhawlahafidinta ama ballaarinta aan kala joogsigalahayn ayaa la filayaa inuu abuuro 138,000 fursado shaqo oo dheeraad ah xagadhaqaalaha guud. Marka la gaadho 2035, dekedahaan waxaa la filayaa inay si dadbankudhawaad 5 milyan oo qof ka kaalmeeyaanhelidashaqooyinrasmiyaa.

 

 

 

Warbixin ku saabsan Essa Al Ghurair Investment

 

Essa Al Ghurair Investment LLC (EGI) waxaa 2012 kiiaasaasay Mr. Essa Abdulla Al Ghurair, waxu ka koobanyayguddimaamul oo ka kooban afar wiil oo uu dhalay, si looga hawlgaliyo ama qayb uga noqdaan ganacsiga qoyska ee sadexdajiil ah. Xubnahaqoyska EGI waxay ka ciyaareen door wadajir ah, mid walbanaawoodiisa, si uu u maamulokooxda.

Xafiiska EGI waxa uu ku yaalaabadhtamahamagaalada Dubai, xarumeheeda wax soo saarkuna waxa ay ku yaalaanDekada Jebel Ali, oo ah xarun guud oo saadkacaalamiga ah, taas oo ganacsiga wax kala iibsigaaduunka u suurtagalisay inuu noqdo mid haboon.

Mr. Essa Abdulla Al Ghurair waa mid ka mid ah hormoodkahal-abuurka ganacsiga ee gobolkasababta oo ah khibraddadheer ee uu u leeyahay wax soo saarkawarshadaha iyo ganacsiga badeecadaha ee suuqyadacaalamiga ah. yoolkisa iyo istaraatijiyaddiisaganacsiwaxaykeeneen kobaca shirkado kala duwan, tusaale ahaan Dubai Oil Mills (mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweynsaliida ee Barigadhexe iyo waqoyiga Africa(MENA region)), Mills Flour Mills iyo Al Ghurair Resources, (kuwaas oo ah kuwa ugu waaweyn ganacsiga balaadhan ee qoyska  Al Ghurair iyo sidoo kale waa ganacsiga ugu weyn dhinacabadeecadahabeeraha).

Mr Essa Abdulla Al Ghurair, Gudoomiyaha Essa Al Ghurair Investment, sidoo kale waa Maamulaha Guud ee WarshadahaCunnada ee Karam.

Intaa waxaa dheer, Mr Essa Al Ghurair waasaamile weyn oo ku jirakooxda Prime HealthCare, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee bixiyadaryeelkacaafimaadka ee UAE, kaas oo ujeedadiisu tahay inuu noqdobixiyahadaryeelkacaafimaadka ee ugu sareeya gobolka. Kooxdiisuwaxaysidoo kale qayb ka yihiinmashruuc cilmi baadhistoos ah oo ka socda Dubai.

www.egi.ae