Araweelo News Network

cabdullaahidheereHargeysa (ANN)- Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada hoose/dhexe ee sannad-dugsiyeedka 2015/2016.
Imtixaankan oo ay u fadhiisteen in ka badan 25 kun oo arday wadarta guud, isla markaana kala ah; dufcaddii 21-aad ee dugsiyada Dhexe oo tiradooda guud ee u fadhiistay sannadkan yihiin shan iyo toban kun iyo labaatan arday (15020) oo wax ka baranayey 357 dugsi iyo dufcaddii 17-aad ee dugsiyada Sare oo ay u fadhiisteen sagaal kun sagaal boqol iyo ko iyo toban arday (9911) oo ka kala baxay 108 dugsi, waxa guud ahaan tirada ardayda u fadhiistay ee dugsiyada sare iyo dhexeba imtixaanka ku dhacay tiro ka yar kun arday, halka inta kale guulaysteen.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Aadan Habane iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta imtixaanaadka ee caasimadda Hargeysa shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada imtixaanka iyagoo halkaasi ku soo bandhigay ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay dalka oo dhan, gaar ahaan toban ugu sarreeya dugsiyada sare iyo tobanka hoggaaminaya dugsiyada dhexe.
Guud ahaan natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sannadkan waxa kaalinta koowaad u galay dalka oo dhan ardayga magaciisu yahay Sacad Maxamed Maxamuud Caydiid oo wax ka bartay dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa wiilasha ee Hargeysa, kaasi oo keensaday dhibco dhan 748, isagoo toban dhibcood ka sarreeya ardayga ku soo xiga ee kaalinta labaad u galay waddanka oo magaciisa la yidhaa Sakariye Dayib Ibraahim Daahir oo ka socday dugsiga sare ee Al-Irshad ee caasimadda, halka isla kaalinta labaad uu galay Xuseen Cabdi Diiriye Warsame oo ka tirsanaa dugsiga Sheekh Bashiir ee magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Waa kuwan tobanka arday ee ugu sarreeya dugsiyada sare ee waddanka oo dhan;
imtixanadadusgsiyada
Waxa kaloo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku shaaciyey tobanka arday ee hablaha ah ee ugu sarreeya dalka oo dhan oo iyaga si gaar ah loo qiimeeyo imtixaankooda, kuwaas oo
Dhinaca kale, natiijada imtixaanka ardayda u fadhiisatay imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe waxa kaalinta koowaad ku guulaysatay ardayada la yidhaa Nimco Daahir Xuseen Xasan oo wax ka baratay dugsiga Ilays ee xaafadda Aw Aaden ee magaalada Hargeysa oo soo hoysay dhibco dhan 637, waxa kaalinta labaad galay Mukhtaar Maxamed Cali Haaruun oo dhibciisu noqdeen 635, kana baxay dugsiga Al-bayaan ee Gobolka Togdheer, halka saddexaad uu fadhiistay Cabdixafiid Aadan Faarax Cabdi oo ka socday dugsiga Al-mustaqbal ee Gobolka Togdheer uu helay 633 dhibcood.
Haddaba, waa kuwan magacyada iyo macluumaadka tobanka arday ee ugu sarreeya imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe;
imtixanada2
Geesta kale, fasallada 8aad oo tirada guud ee u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah sannadkani ay ahayd 15,020 arday, waxa guulaystay oo soo baxay 14,377 arday, halka 643 arday ku guuldarraysteen ama dhaceen. Dhinaca dugsiyada sare oo ay imtixaanka galeen arday tiradoodu dhan tahay 9,911 waxa guulaystay 9,599, waxaanna guuldarraystay 312.
Waxyaabaha ku cusub imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare iyo dhexe ee sannadkan waxa ugu wayn dugsiga sare SOS ee ku yaal degmada Sheekh oo weligiiba intii uu jiray aan ka mid noqon jiray kaalmaha ugu sarreeya ama hoggaan jirayba, ayaa gebi ahaan laga waayey tobanka kaalmood ee sare sannadkan, taasi oo layaab ku noqotay bahda waxbarashada, iyadoo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Mr. Duu’aad uu sheegay inay baadhitaan ku samayn doonaan sababta ardaydii dugsigan saaxadda natiijada imtixaanka ka saartay. Sidoo kale, dugsiga sare ee Ilays oo isna lagu yaqaanay kaalmaha sare ayaan ku jirin tobanka arday ee hoggaaminaya natiijada waddanka.
Haseyeeshee, waxa imtixaankan isku muujiyey oo wacdaro dhigay dugsiyo aan hore loogu aqoon hoggaaminta natiijada oo uu ka mid yahay Al-Faruk oo ku yaal magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. Waxaanna xusid mudan in 10 arday ee ugu sarreeya natiijada imtixaanka sannadkan 5 ka mid ah uu helay Gobolka Maroodi-jeex, 4 kalena waxa hantay Gobolka Togdheer, halka laba arday ka soo kala jeedaan Gobollada Awdal iyo Gabiley.
Waxa kaloo sannadkan la shaaciyey tirada arday imtixaanaadka ku dhacday oo aan la sheegi jirin sannadihii u dambeeyey, inkastoo aan ardayda magacyadooda warbaahinta laga sheegin.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa hambalyo u diray guud ahaan arday ku guulaystay imtixaankan shahaadiga ah, gaar ahaan kuwa kaalmaha u sarreeya galay, waxa kaloo uu si gaar ah hambalyo ugu diray Gobolka Togdheer oo urursaday tirada ugu badan arday ardayda safka hore marka la isku daro sare iyo dhexe, sidoo kale, waxa uu bogaadiyey degmada Wajaale oo tiradii ugu yarayd ee imtixaan gashay aanay cidina ka dhicin.
Wasiir Cabdillaahi Dheere waxa uu ballanqaaday inuu ka dabatagi doono natiijada imtixaanka ee dugsi kasta iyo sababta uu ku mutaytay, isla markaana waxa uu ballanqaaday in dugsi kasta lagu abaalmarin doono kaalinta uu ka galay natiijada imtixaanka.