madaxweyenesilanyoberberaBerbera(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ku sugan maalintii labaad magaalada Xeebta ah ee Berbera, ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray Dawlada Kuwait.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, waxa dhanbaalkaa oo ahaa mid kooban lagu yidhi, “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dawlada Kuwait oo u dabaal degidoonta (25/02/2015), sannad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Kuwait awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo guud ahaan shacbiga kuwait oo ah dal iyo dad ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dawlada iyo sahcbiga reer Kuwait Alle uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn.” Ayaa lagu ydhi Dhanbaalka Madaxweyne Siilaanyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews