Araweelo News Network

President Rodrigo Duterte

President Rodrigo Duterte

Manila(ANN)Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa hakiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Dalka Philippine President Rodrigo Duterte. Kaddib markii Madaxweyne Obama ka cadhooday hadal kulul oo uu ku aflagaadeeyay hoggaamiyaha wadanka Philippine ee caanka ku ah inuu dhegaha ka furaysto dhawaaqyada siyaasadda reer galbeedka.

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay gebi ahaanba kulan uu la qaadan lahaa President Rodrigo Duterte oo fariin aflagaado ah oo ku waajahan Obama ku yidhi, “Marnaba lama kulmayo Inanka garaca ah ee Obama” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha PhilippineRodrigo Duterte, waxaana markaa kaddib mas’uul u hadlay aqalka cad ee Mareykanku sheegay in Obama uu joojiyay kulan uu si gaar ah ula yeelan lahaa Rodrigo Duterte sababa la xidhiidha weerarka afka ah ee lagu qaaday.

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa ka cadhooday dhaliilaha iyo eedaymaha ku waajahan maamulkiisa ee la xidhiidha xadgudubta xuquuqul insaanka, kuwaasoo marwalba uga yimaada dhiggiisa Mareykanka.

“waan sii wadaynaa la dagaalanka kooxaha Mukhaadaraadka ka ganacsada, waan dilnay kuwa badan kuwa kalane waan kasii nadiifin doonaan wadanka”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Rodrigo Duterte.

Xukuumadda Philippine ayaa bilo ka hor meel marisay sharci dhigaya in maxkamad la’aan la toogto qof walba oo lagu helo in uu daroogo wadanka soo gelinayo, magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi ayaa lagu dilay 2400, oo qof, kuwaas oo lagu helay in ay daroogo ka ganacsanayeen.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn u qaadaa dhigtay arrinta Madaxweynaha Philippine oo ay ku tilmaameen inay ahayd caaydii ugu xumayd abid ee loo jeediyo Madaxweyne Obama, iyadoo Telefeshinka qaranka Philippine uu sii daayay codka madaxweynaha wadankaasi oo leh “Obama waa Garac”.