Araweelo News Network.

#Puntland Oo Shuruudo Cirka Ku Laalay Dedaalka Beesha Caalamka Ku Xidhay Shirka Loogu Baaqay

#Garoowe(ANN)-Maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ka hadlay mawqifkiisa shirka uu ku baaqay Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Maamulka xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa shuruudo adag ku xidhay ka qaybgalka shirkaa oo beesha caalamku ku duduucayso in ay xal kaga gaadhaan muranka doorashooyinka hoggaamiyayaasha siyaasada Somalia.

Qoraal kasoo baxay maamul gobolleedka Puntland xaruntiisa Garoowe, oo lagaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay shuruudo ay Puntland ku xidhay ka qeybgalka uu ku baaqay Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalkaa oo lagu shaaciyay bogga Facebook ee madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland u aragto in ay jiraan qoddobo muhiim ah oo aannay la’aantood doorashadu hirgelayn.

Sidaa awgeed, waxay ku baaqeen in ay lagama maarmaan tahay in la  fuliyo qoddobadaa, si loo hirgeliyo heshiiska doorashada ee 17 September 2020.

Maamulka Puntland, waxay ku baaqeen in Farmaajo soo saaro wareegto xadidaysa awooddaha fullinta ee madaxweynaha iyo ta sharci dejinta, isla markaana meeshana laga saaro dhammaan go’aamadii la saxeexay wixii ka dambeeyay 8 February, xilligaa oo sida ay Puntland sheegtay ay ku ekayd muddo xileedka Afarta sannadood ahaa ee Madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Puntland, ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in xilka laga qaado taliyayaasha ciidamada booliska, milateriga iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka.

AKHRI: Beesha Caalamka Oo Digniin Culus U Dirtay Hoggaamiyaasha Ku Muransan  Xaaladda Soomaaliya

Puntland, waxay soo jeedisay in xilalkaa loo magacaabo saraakiil cusub, kuwaas oo wadatashi laga yeesho magacaabistooda, waxayna sabab uga dhigeen xil ka qaasita saraakiishaa in ay ku lug lahaayeen falkii mudaharaadkii hubaysnaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 19 February 2021. ee sababay dhimashada.

Dhinaca kale, maamulka Puntland, ayaa qoraalkaa ku sheegtay in la dhiso guddi xaqiiq raadin ah, taas oo sida ay sheegeen baadhitaan ku samaysa wixii ka dhacday magaalada Muqdisho 19 February 2021.

AKHRI: Maraykanka Oo Digniin U Diray Hoggaamiyayaasha Soomaalida

Waxa kale, oo maamulka Puntland ku baaqeen in daneeyayaasha siyaasadda iyo ururada bulshada laga qaybgeliyo shirarka doorashada lagaga arrinsanayo.

Wallaw Maamulka Garoowe shirarka ay aqbaleen inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho balse waxay shuruud uga dhigeen in lagu qabto goob ammaan ah, iyagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay  in amnigeeda ay sugaan goobtaa ciidamo lagu wada kalsoonaan karo.

Dhinaca kale, waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo beesha caalamku dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ugu baaqday in ay deg-deg u kulmaan si xal looga gaadho khilaafka doorashada.

Puntland iyo Jubaland, ayaa ah labada maamul gobolleed ee sida weyn xukuumadda Federaalka khilaafkoodu uga xoog weynaa marka loo eego maamul gobolleedyada kale ee Soomaaliya, waxayna Maamul gobolleedka Jubbaland dhankooda sidan oo kale shuruudo hore ugu xidheen ka qaybgalka shirka.

Jubbaland, ayaa shuruud ka dhigtay in madaxweynaha dowladda federaalka laga saaro arrimaha doorashooyinka oo aannu wax dor ah ku yeelanin hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

AKHRI: Madaxweynaha Jubbaland Oo Soo Bandhigay Qaabka Lagaga Bixi Karo Khilaafka Siyaasadeed Ee Soomaaliya

Dhammaan arrimahan oo muujinaya in xaaladdu sii murgayso, ayaan la ogayn in xukuumadda xilligeedu dhammaaday ee Madaxweyne Farmaajo fulinayso.