Laascanood(ANN)Qarax ka dhacay maanta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sababay geerida Gudoomiyihii Maxkamada gobolka Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii qarax lala beegsaday gaadhigiisa.

 Gaadhiga Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee qaraxa ku dhintay, 2 March 2020, Araweelo News Network.
Gaadhiga Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee qaraxa ku dhintay, 2 March 2020, Araweelo News Network.

Qaraxa, ayaa ka dhacay meel u dhow Huteelka Xamdi ee Bariga Laascaanood gelinkii danbe ee maanta, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha gobolka Sool.

 Gaadhiga Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee qaraxa ku dhintay, 2 March 2020, Araweelo News Network.
Gaadhiga Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee qaraxa ku dhintay, 2 March 2020, Araweelo News Network.


Ma jirto cid sheegatay qaraxa, isla markaana xukuumadda Somaliland, ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa lala beegsaday guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool.

Magaalada Laascaanood, ayaa tobban sannadood ka hor caan ku noqotay qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay fuliyaan kooxo aan la aqoonsan, kuwaas oo lala beegsan jiray Masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan halkaa ee haya xilalka Hay’addaha Dawladda.


Balse 2010, lasoo afjaray dilalka qorshaysan iyo qaraxyada muddada dhawrka sannadood ah ka socday Magaalada Laascaanood, kuwaas oo wiiqay amniga magaalada iyo sidii horuram loogu samayn lahaa bulshada, isla markaana adeegyadii aasaasiga ahaa ee bur-buray loo soo celin lahaa, waxayna xukuumadda Somaliland xilligaa si weyn gacanta ugu dhigtay amaanka magaalada iyo in la gaadhsiiyo nidaamka maamulka, isla markaana waxa wax badan laga qabtay adeegyada aasaasiga ah, iyadoo ay meesha ka baxday fawdadii iyo cabsidii dhanka amniga ee ay sababeen qaraxyada iyo dillalka qorshaysan ee sannada ka socday Laascaanood.

Hase yeeshee qaraxyo iyo dilal qorshaysan, ayaa mar kale ka dhacay horraantii sannadkan iyo labadii sannadood ee u danbeeyay, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana xusid mudan qaraxii horaantii Jan 2020, lala beegsaday Saldhiga Booliska Laascaanood.