Muqdisho(ANN)- Qarax weyn oo saaka aroortii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa galaaftay nollosha in ka badan 76 qof, wuxuuna sababay tiro intaa ka badan oo dhaawac ah walaw aan si dhab ah ilaa hada loo ogayn dhaawaca oo wararka qaarkood sheegayaan inuu ka badanyahay 100 qof, halka sidoo kale dhimashadu intaa ka badantahay.

Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.
Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.

.
Qaraxa, ayaa ka dhacay isgoyska Ex.Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ee galbeedka magaalada xilli ay goobtaasi ahayd mashquul, isla markaana ay goobta marayeen gaadiid badan oo qaarkood sideen Arday Jaamacado u socota iyo dad shaqaale ah, waxaana saraakiisha dawladdu sheegeen gaadhi laga shakiyay oo magaalada doonayay inuu soo galo uu sababay qaraxaa oo gaadhay baabuurtii goobta Kantaroolka taagnayd.

Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.
Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.


Dad goob joog ah, ayaa sheegay in marki qaraxu dhacay qiiq weyn hawada isku shareeray, isla marklaana ay goobta taagnaayeen ilaa tabaneeyo gaadhi oo qaarkood sideen Arday Jamaacadeed, sidoo kale waxay sheegeen inay baabuurtaa qaarkood sideen shaqaale iyo dad ajaanib ah.

Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.
Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.


Kooxda gurmadka deg-degga ah ee Aamin ee wata gaadiidka Ambalaaska, ayaa sheegay in dhimashada ka dhalatay qaraxii maanta ay gaadhay 76, sida ay xaqiijiyeen hay’addaha gurmadka caafimaadka deg-degga ah ee Banaadir.Sidoo kale in ka badan 90 kale ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay isgoyska oo aad u mashquul badan.


Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaa, wuxuuna sheegay in gaadhiga qaraxa sameeyay laga hor istaagay inuu magaalada soo galo, kadibna halkaa uu isku qarxiyay.

Gurmadka deg-dega ah oo guraya Maydadka iyo dhaawaca qaraxa  Ex-Kantarool Afgooye ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.
Gurmadka deg-dega ah oo guraya Maydadka iyo dhaawaca qaraxa Ex-Kantarool Afgooye ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.

Sidoo kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirisaaq, ayaa dhankiisa sheegay in tirada dhimashada ay ka badan tahay 90, inkastoo aan la xaqiijin karin tiradaa, maadaama aan si dhab ah loo hayn tirakoobka dhaawaca iyo dhimashada, waxa kale wararku sheegayaan dadka qaraxaa ku dhintay ay ka mid yihiin laba qof oo u dhashay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaarada Turkiga ee Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay labada qof ee kaga dhintay qaraxaa.

Dhinaca kale ma jirto qarax-an cid sheegatay, iyadoo Al-shabaab oo inta badan qaraxyo sidan oo kale ah iyo weeraro uga fuliya Magaalada Muqdisho aanay weli la hadlin.