Araweelo News Network

 

 

Gurmadka deg-dega ah oo guraya Maydadka iyo dhaawaca qaraxa Ex-Kantarool Afgooye ka dhacay 28 Desember 2019, photo file Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Qarax ayaa lala beegdsay Afaafka hore ee Madaxtooyadda Villa Somalia, warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo lala beegsaday mid ka mid ah Kaantaroolada Villa Somalia laga galo, waxay wararka hordhaca ah ee shebekaddaha Araweelo News Network heshay sheegayaan in ugu yaraan 4 qof ay ku nafwaayeen, kuwaas oo ay ku jiraan Askarta Ilaalada ka ahayd halkaa iyo dad kale oo shacab ah oo uu ku jiro Wiil yar oo Baalashle ah.

Sidoo kale, waxa qaraxu sababay dhaacawyo ugu yaraan tobbaneeyo qof ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee gurmadka deg-dega ah, mana jirto cid sheegatay qaraxaa, iyadoo aannay weli ka hadlin xukuumadda Villa Somalia.

Alshabaab, ayaa inta badan qaraxyo iyo weerraro la beegsada xarumaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, balse qaraxan ayaanay weli sheegan Al shabaab.

Dhinaca kale, War Saxaafadeedka kasoo baxay hogaanka ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerrar ay ciidamada  Maraykanka ku qaadeen shalay khasaare ugu geysteen deegaanka Janaay Cabdalle.
Balse hoggaanka hawlgalka ciidamada Maraykanka, ayaa beeniyay sheegashada weerrarka khasaaraha dhaliyay ee Al shabaab sheegatay.
wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network.