Araweelo News Network

qaraxamuqdishoMogadishu(ANN)Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo lala eegtay xarunta ciidamada AMISOM ee mgaalada Muqdisho.

Qraxyada ayaa ka dhecay duleedka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo khasaare laxaadleh soo gaadhay.

Qaar kamid ah ilaalada hay’ada Qaramada Midoobey ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin dadka qaraxyada ku dhintay, iyadoo kuwa dhaawacmayna ay ka mid yihiin askarta Ilaalada qaramada Midoobay.

sidoo kale qaraxyada ayaa khasaare gaadhsiiyay Saldhigga Ciidamada AMISOM ee ugu weyn Soomaaliya iyo safaaradaha dalalka reer galbeedka oohalkaasi ku yaalla.

mid kamid ah Qaraxyada waxaa lagu dhuftay derbiga dhismaha AMISOM, midna wuxuu ka dhacay bar koontorool, waxaana markiiba hawada isku shareeray qiiq weyn oo ka soo baxay goobta qaraxu ka dhacay.