Araweelo News Network
qaraxamuqdisho2Mogadishu(ANN)Inta la xaqiijiyay 14-qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay magaalada muqdisho, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa isugu jira Ciidamo ka Tirsan Qaramada Midoobbay, kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya iyo sidoo kale dad shacab ahaa.

Qaraxyada, ayaa ahaa kuwo loo adeegsaday Laba gaadhi oo laga soo buuxiyay waxyaanaha qarxa, waxay ka dhaceen meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay meel ku dhaw Afaafka xerada Ciidamada Amisom ee Xalane, kasoo waxyeelo kasoo gaadhay Ciidamada ka Tirsan kuwa Amisom iyo kuwa Qaramada Midoobe oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale Qaraxa kale, ayaa ka dhacay Koontaroolka ciidamada Nabad Suggida ee Isgoyska Danwadaagta oo aan wax badan ka Fogeyn Garoonka Diyaaaradaha ee Muqdisho, kaasoo sida ay wararku sheegeen loo adeegsaday gaadhi yar oo nooca raaxada ah.
Ciidamo Soomaali ah oo Ilaalo u ahaa Xubno UN-ka ka tirsan iyo ciidamo ka tirsan Nabad Suggida iyo Dad shacab ah ayaa ku geeriyooday Qaraxaasi, kuwaasi oo ku dhintay Qaraxa ka dhacay Agagaarka afaafka Ciidamada AMISOM ay ka galaan Garoonka ee Madiina Gate.
Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyada ka dhacay meel ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Sida uu baahiyay Telefeshinka Al Jazeera ee Afka carabiga ku hadla.

Dhinaca kale Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Hay’adaha amniga oo loogu hadlaayo qaraxyada ka dhacay meel ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, balse goor sii horaysay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay inay ku geriyoodeen Ugu yaraan 13-qof oo dad shacab ah iyo Askar isugu jira.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Qaraxyada lala doonaayay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane ,laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen.