Araweelo News Network
“Siyaad Barre haduu yidhi guddi baan u saarnay oo annigaa libinta leh soo saarista AfSoomaaliga, waa BEEN, Boolina wuu ku dhaqmay….”
“Annigu waxaan ku bartay cajaladihiisii, sheekooyinkiisii, murtiduu allifi jiray, taasoo I gelisay hamuun iyo doonis inaan in kale helo.”
Wasiiru-Dawlaha Qorsheynta Mr. Maamuud J. Muuse Galaal

Qoyskamuusegalaal
Hargeysa(ANN) Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna faaqiday buug magaciisa la yidhaahdo “Malkadii Galaal” oo ka hadlaya taariikhd nololeedkii iyo weedhahii dhaxal uga hadhay AHN Aabahii Guddigii Qoraalka AfSoomaaliga Muuse Galaal ayaa xalay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.
bandhigabuugagalal
Xafladan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta Qaranka Mr. Maxamuud Jaamac Muuse Galaal iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa ayey ka soo qeybgaleen martisharaf sare u dhaaftay laba boqol, kana mid ahaayeen masuuliyiin goleyaasha qaranka Somaliland ka tirsan, abwaano, qoraayo, dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka kala yimi.

Munaasibada Xafladaa oo lagu qabtay Hoolka Casriga ah ee Green Plaza ee magaalada Hargeysa, waxaa lagaga hadlay muhiimada iyo taariikhda uu xambaarsan yahay buuga “Malkadii Galaal” oo qoraaga buugaa Maxamuud Xaaji Ibraahim soo bandhigay ayuu si balaadhan uga hadlay waayahii uu soo maray diyaarinta iyo daabacaada buugaasi, si weyna uga mahadceliyey cid kastoo ku taageertay soo saarida buugan.

Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta Qaranka, Mr. Maxamuud Jaamac Muuse Galaal, oo hadal ka jeediyey ayaa ka waramay sooyaalkii AHN Muuse Galaal ku lahaa bulshada AfSoomaaliga ku hadla, isagoo si qoto-dheer oo cilmiyeysan suugaan ugu soo bandhigay taariikhda AHN Muuse Galaal, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa,

“Rag badan oo AHN Muuse Galaal iiga aqoon badan ayaa caawa (habeen hore) halkan jooga, oo la soo shaqeeyey, lana soo saaxiibay. Habeen dhoweyn Abwaan Siciid Saalax ayaa igu yidhi ‘Annigoo aan arkin AHN Muuse Galaal ayaan Idaacada radio Hargeysa ka bartay, qoraalkiisana ku bartay.’

Wasiir Maxamuud Galaal ayaa sheegay inuu siffo la mid Siciid Saalax ku bartay AHN Muuse Galaal, maadama isagoo da’ yar ula wareegay qoyskooda carriga Ingiriiska, waxaanu yidhi

“Annigu waxaan ku bartay cajaladihiisii, sheekooyinkiisii, murtiduu allifi jiray, taasoo I gelisay hamuun iyo doonis inaan in kale helo.”
Sannadkii 1989-kii ayaan ku kulanay Ingiriiska Professor P W Andrawisky, oo ahaa macalin marwalba si weyn u jecel taariikhdiisa, una hayey, waxaanan kulankaa ku bartay weji cusub oo AHN Muuse Galaal, waaanu yidhi.

“AHN Muuse Galaal waxaan u haystay odey dhaqameed sheeko xariir ah oo gabyaa ah, balse waxaan ogaaday qoraalo kala duwan oo u ka qoray xidigiska iyo kuwo kale.”

Wasiiru-dawlaha Qorsheynta Qaranka Mr. Maxamuud Jaamac Muuse Galaal ayaa sheegay inuu buugaagtii yaalay jaamacada Ingiriiska ee AHN Muuse Galaal qoray ka mid ahaa buug luuqada AfSoomaaliga aynu maanta ku hadalo, taasina markhaati u tahay inuu ahaa aabahii AfSoomaaliga, waxaanu yidhi.

“Buug la yidhaahdo xikmat soomaali 1958-dii ayaa buugaa lagu daabacay Madbacada jaamacada Oford (Oxford Univesity Press), afsoomaaliga buugaasi ku qoran yahay waa luuqada aynu maanta isticmaalo, Marxuum Maxamed Siyaad Barre haduu yidhi guddi baan u saarnay oo annigaa libinta leh soo saarista AfSoomaaliga, waa BEEN, Boolina wuu ku dhaqmay.”

Mr. Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in AHN Muuse Galaal ahaa nin waddani ah oo qadiyadda waddanninimadu si weyn ugu jirto.
Martisharaftii kala duwanayd ee ka soo qeybgashay oo qaarkood ka hadleen, ayaa dhamaantood si weyn u amaanay dhaxalkii AHN Muuse Galaal uga tegay ummada AfSoomaaliga ku hadashay, kuna baaqay in wax badan laga korodhsado.

Gebagebadii xafladaa oo jawi wanaagsan ku soo xidhmatay ayaa dad gaadhayey lixdan qof oo ka tirsanaa qoyskii AHN Muuse Galaal xafladana goob-joog ka ahaa u soo jeediyeen xukuumada iyo shacabka Somaliland in goobo taariikhi ah loogu magacdaro AHN Muuse Galaal.