#Araweelo_News_Network.

 

Duleedka Hargeysa:  Dugsi Ardaydiisu Sameeyeen Agabkii Iyo Farshaxankii Dhaqanka Iyo Hiddaha

Dhaqankii Awoowa iyo dhulkeenna hodanka ah waxaynu ku haysanaa, kayd dhaxaltooyo inoo ah, kaas oo ka turjumaya dhaqankeena soo jireenka ah, oo ina anfacaya dad ahaan, Diin ahaan iyo dal ahaanba.

Farshaxankii, dhaqankii iyo Hiddihii ay Bulshadu lahayd waa la baabiiyay, waxaana lagu dooriyay agabkii ay dhaqan ahaan isticmaali jiray iyo farshaxankii wax dibbeda laynooga soo waariday oo bulshooyin kale samaysteen.

Bylshadeenu waxay ahayd kuwo leh farshaxan cajiib ah oo u suurtageliyay in aannay wax agab ah, haday tahay waxa lagu dhisayo guriga, weelka iyo agabka kale ee loo adeegsanayo xoollaha dhammaantood ay ahaayeen kuwo ay si farshaxan ah u samaystaan.

Dhammaan agabka halkan ka muuqda iyo farshaxankan waxa sameeyay Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Balli Siciid Boarding School Degmada Sabo-wanaag ee duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa, Araweelo News Network. 5 Feb 2023.

Sidaa awgeed Dugsiga Balli Saciid, wuxuu ku hawlan yahay sidii dib loogu soo celin lahaa farshaxankii iyo Agabkii dhaqanka Bulshada ee farsamada, gacanta ee qoyska soomaaliga ah,tusaale ahaan halkan Dugsiga aan joogo oo aan ka ahay maamule, waxaan ahay macallin dhigga  maadada dhaqqanka iyo ababinta Farshaxanka ee Ardayda Somaliland.

Dhammaan agabka halkan ka muuqda iyo farshaxankan waxa sameeyay Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Balli Siciid Boarding School Degmada Sabo-wanaag ee duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa, Araweelo News Network. 5 Feb 2023.

Dhammaan agabka halkan ka muuqda iyo farshaxankan waxa sameeyay Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Balli Siciid Boarding School Degmada Sabo-wanaag ee duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa, Araweelo News Network. 5 Feb 2023.

Casharadda ay Ardaydu qaatan, kadib waxay soo bandhigeen waxyaalihii hiddaha ahaa iyo farshaxankii ay  ku qaateen casharadda manhajka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, in kasta oo ay tani tahay mid heer Tuullo ah oo ku kooban Dugsigan, laakiin waxay u baahanahay  in la gaadhsiiyo illaa heer,Degmo iyo Gobol si qaranka loo gaadhsiiyo arrintan oo aynu u helo jiilal cusub oo weliba si casri ah usoo bandhiga farshaxankii iyo dhaqankii Bulshada ee waayadii hore.

Dhammaan agabka halkan ka muuqda iyo farshaxankan waxa sameeyay Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Balli Siciid Boarding School Degmada Sabo-wanaag ee duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa, Araweelo News Network. 5 Feb 2023.

Kebbeda iyo dhammaan agabkan ka muuqda sawirada, waxa sameeyay Ardayda ka tirsan Dugsiga Hoose Dhexe ee Balli Siciid Boarding School Degmada Sabo-wanaag ee duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa oo oo ka tirsan Gobolka Maroodijeex.

Maamulaha Dugsiga Mawliid Xaaji Aadan Dirir.