“Waxaa geeriyooday dhaqtarkii caanka ahaa ee Cali Birra, wuxuu ahaa fannaankii ugu caansanaa ee ka heesi jiray jacayl iyo xasuus hore.”

Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Warbaahinta dowladda Ethiopia oo soo xiganaysa Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Oromada ee Ethiopia, ayaa xaqiijisay geerida Fannaanka caanka ahaa ee Allah haw naxariistee Ali Birra oo kasoo jeeday Qowmiyada Oromia.

ALt: Araweelo News

Fagaaraha Addis Ababa ee friendship square oo lagu sagootiyay Marxuum Ali Mohammed Musa (Ali Birra), oo Maydkiisa lagu kafmay Calanka Ethiopia, 8 November 2022. Image ETV.

Heesaaga caanka ahaa ayaa dhimashadiisa la shaaciyay Axaddii November 6, 2022. Ali Birra ayaa muddo u jiifay xannuun halis ah, wuxuuna sida la sheegay ugu danbayntii ku dhintay Cusbitaal ku yaalla Adama (Nazret), halkaas oo daryeelkiisa caafimaad dhakhaatiirtu muddo kula tacaalayeen.

Halyeygii fanka, heesaa iyo Abwaan Cali Maxamed Muuse oo loo yaqaanay Cali Birra,  ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Diridhaba ee uu ku dhashay, kaddib markii uu ka Maydkiisa laga soo sagootiyay fagaaraha weyn ee magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kaddib markii Salaadii Jinaasada lagu tukaday (Muuqaalkan Ka Daawo).

ALt: Araweelo News

Fagaaraha Addis Ababa ee friendship square oo Salaatu Jinaasa lagu tu kanayo Maydka Marxuum Ali Mohammed Musa (Ali Birra), 8 November 2022. Image OBN Oromia.

Maydka Marxuumka ayaa subaxnimadii Salaasada la keenay fagaaraha Friendship, ee Caasimadda, halkaas oo Salaadii Jinaasada lagaga tukaday, iyadoo laga soo qaaday hoyga uu ka degan yahay magaalada Bishoftu, halkaasoo lagu sii sagootiyay, iyadoo ay ka soo qayb galeen qoysaskiisa, mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda, culimo awdiin, fannaaniin iyo kumanaan kun oo taageerayaal ah.

“Waxaa geeriyooday dhaqtarkii caanka ahaa ee Cali Birra. “Cali Maxamed Birra, oo ahaa fannaankii ugu caansanaa ee ka heesi jiray jacayl iyo xasuus hore, tan iyo sannadihiisii ugu horreeyay ee Afaan Oromo, ee maskaxdayada taabtay, wuxuu ku geeriyooday Cisbitaalka Adama.” Sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah warbaainta dalka Ethiopia ee wax ka qoray geerida fannaanka.

Lily Marcus  oo ka hadlaysay fagaaraha kagu sagootiyay Marxuum Ali Birra, ayaa tidhi, “jacaylka, wada noolaanshaha iyo nabadda dadka oo dhan” waxay ahaayeen dhaxalka Cali.

 

“Sida aan dhammaanteen u ooyno, u barooraneyno oo u ooyeyno inta aan u direyno meeshii uu ku nasan lahaa, waxaan hubaa inaad dhammaantiin aad xasuus qurxoon u haysaan isaga. Ilaali xusuustaa sababtoo ah waa inay sii noolaato. Aan sii wadno inaan u dabaaldegno noloshiisa iyada oo loo marayo dhaxalkiisa quruxda badan,” ayay raacisay, iyadoo la dardaarmaysa kumaan qof oo qoemiyada Ethiopia ah, kuwaas soo bixiiyay Fagaaraha Diyaaradda lagaga duuliyay Maydkiisa.

 

Ali Mohammed Musa, oo magaca uu ku caanbaxay ahaa Cali Birra, wuxuu muddo lixdan sannadood ah, kusoo jiray fanka, wuxuuna ku dhashay September 29, 1950, isagoo kusoo biiray fanka xilli uu aad u yaraa oo da’diisu ahayd 13 sanno, yaraantiisii ayuu noqday heesaa caan ah oo si weyn loo xiiseeyo heesihiisa.

Kooxda dhaqanka ee Afran Qallo oo xilligaa aan rasmi ahayn ayuu ku biiray, kuwaas oo qaban-qaabinayay qorshe ay ku doonayeen in lagu horumariyo fanka iyo dhaqanka qowmiyada Oromada.

Heestii ugu horaysay ee uu masraxa ka qaado waxa la odhanjiray “BirradhaBarii” waana sababta keentay in ay raacdo naanaysta uu caanka ku noqday ee “Cali Birra” oo macnaheedu yahay “Cali gu’.

ALt: Araweelo News

Fagaaraha Addis Ababa ee friendship square oo lagu sagootiyay Baanboyda Qaranka Maydka Marxuum Ali Mohammed Musa (Ali Birra), 8 November 2022. Image ETV.

 Ali Mohammed Musa, wuxuu ahaa Fannaan, Musican iyo qoraa ku heesa inta baddan Waddaniyadda,Jaceylka, waxaana lagu tilmaamay heesaha caanka noqday ee uu qaaday in ka badan 267 heesood. Waxa uu caan ku ahaa heesihiisa Afka Oromada, balse luqada kale ayuu ku heesi jiray,  sida Af-soomaaliga, Carabiga, Cantarta iyo Amxaariga.

Cali Birra, wuxuu soo maray nollol cajiib ah iyo marxalado waayohooda iyo duriifahooda lahaa, tusaale ahaan yaraantiisii markii uu ku dhashay Xaafadda Ganda Qore ee magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia wuxuu bilaabay ganacsiyo yar yar oo uu wadada dhexdeeda ku iibin jiray alaabo, si uu naftiisa ugu maareeyo nolol maalmeedkiisa.

 

Hase yeeshee, waxa jira warar sheegaya in Taliskii Boqortooyadii kusoo af-goday Boqor Xayle Salaase,  ayaa 1965, markii uu maqlay in Heestiiisa laga siidayay Ali Birra Idaacadda Ethiopia, wuxuu ogaaday inuu kasoo jeedo qowmiyada Oromia, sidaa awgeed ayuu amar ka bixiyay in laga mamnuuco, Boqorka ayaa ku andacooday in Idaacaddu khatar ugu jirto in ay jabto, amma cilad gasho mar haddii ay Orom ka heesayo, wuxuuna xilligaa u guuray dhinaca Magaalada Muqdisho, sida ay sheekooyinkaasi tilmaamayaan.

Boqor Xayla Salaase, ayaa mamnuucay kooxda, isagoo xabsiga ku guray qaar ka mid ah xubnihii ay saaxiibada ahaayeen Cali Birra, taas oo khasab kaga dhigtay in markii uu ka badbaaday xadhiga ka guuro Magaaladda Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Ali Mohammed Musa muddadii uu ku noolaa Addis Ababa, wuxuu ku jiray hawlo kala duwan iyo inuu sii wado xiisihii iyo jacaylkii uu fanka u hayay, halkaas oo ay isku barteen Waddani Axmad Taaqi, markii uu arkay maadayntiisa iyo jacaylkiisa fanka, ayuu  usoo iibiyay Gitaarkii horseeday inuu noqdo mid aad loo dhegeysto, iyadoo taasi suurtagal ka dhigtay in Cali uu caan sii noqdo oo magaaladda Caasimadda Ethiopia aad looga barto.

Xilligaa kaddib, wuxuu awood u lahaa in uu ku heeso Afafka Amxaariga, Carabiga, Harari, iyo Af-soomaaliga, marka laga reebo Afkiisa Hooyo ee Oromada, mid ka mid ah heesaha Soomaalida ee uu qaaday halkan ka daawo (Ali Birra Somali Song ).

Arrintaa ayuu si weyn ugu kasbaday shakhsiyaad kala duwan oo uu ka mid yahay Eyoel Yohannes, oo wakhtigaa madax ka ahaa Kibur Zebegna, sidaa darteed Eyoel wuxuu u qoray inuu noqdo heesaaga kaliya ee Oromo ah. Waxa uu ku biiray fannaaniinta kale ee caanka ahaa, sida Maxamuud Axmed, Tilahun Gessesse iyo Haweenaydii heesaaga ahayd ee Bizunesh Bekele.

Muddadii uu kooxda ku jiray, wuxuu u safri jiray dhammaan  gobollada dalka, taas oo sii kordhisay awooddiisa fannaanimo iyo inuu noqdo heesaa la jecelayahay oo la ixtiraamo.

Sidoo kale, wuxuu marar baddan u safray dalka Suudaan, isagoo la heesay Fannaaniin caan ah, sida Maxamed Wardi.

Ali Mohammed Musa (Ali Birra), wuxuu muddadii uu joogay Addis Ababa ka qaybqaatay bandhig-fanneedyo waaweyn oo lagu qaban jiray,  sida Hager Fikeriyo Ras Teyater, balse dooduu la yeeshay Aabihiis, waxa uu ka dhoofay Addis Ababa.

Horraantii 1970-aadkii, markii uu dillaacay kacaankii Ethiopia ee dergigii, waxa lagu dilay Bariga Ethiopia saaxiibkii Ahmad Taqi “Hundee” Sheikh Mohammed Rashid, September 6, 1974, isagoo la dagaallamaya ciidankii dowladda, balse qaabka dilkiisu u dhacay, ayaa su’aalo baddan ka taagnaayeen, wallow uu hoggaaminayay Jabhada dagaalka kula jiray Taliska,  Cali Birra, wuxuu aad uga murrugooday geerida saaxiibkii, isagoo oo aad u baroordiiqay, wuxuuna xilligaa qaaday heeso uu si sarbeeb ah ugu heesay oo ahaa.“Yaa Hundee Bareeda , “Yaa Finxee Midhaga”, (Xundee wuxuu ahaa magac kale oo uu lahaa AxmadTaqi.), kaas oo xilligii uu hoggaaminayay jabhada la baxay.

Birra, ayaa sii watay hawlihiisa fanka muusiga iyo heesaha,  wuxuu soo Albankiisii ​​ugu horeeyay 1971, kaas oo si weyn ugu muuqday taariikhda muusiga qowmiyada Oromada. Kaddib waxa uu duubay heeso guullaystay oo can noqday, sida “HinYaadin”, “Asabalee”, “Ammalelee”, iyo “Gamachu”. Album-nadiisa waxaa ka mid ahaa heeso Suudaani ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin “Al-xabiib Ween” iyo heesaha Harariga sida “Yidenqal”.

Gabadh Swedish ah oo aad ula dhacsanayd Cali Birra iyo heesihiisa, oo ahayd xoghaye ku xigeenka safaaradda Sweden ee Addis Ababa, ayaa si weyn u jeclaatay Fannaanka, waxayna  weydiistay guur, wuxuuna ugu danbayntii aqlabay dalabkeeda guurka ah  1985.

Haweenaydaa oo magaceeda la odhan jiray Birgitta Åström waxay ku dhalatay Stockholm, Sweden (21 July 1942 – 13 September 2009).

 Sannadkii 1986-kii ayaaxaaskii Cali loo beddelay dalka Sucuudiga, Calina wuxuu u raacay dalka Sacuudiga. Balse Cali ayaa dhibaato kala kulmay dalka Sacuudiga, wuxuuna usii gudbay dalka Sweden, halkaa oo uu ku noolaa muddo labo ah ilaa sannadkii 1988. Markaa kaddib, wuxuu Fannaanku u gudbay dalka Maraykanka, si uu uga qaybgalo Akadeemiyada Fanka ee Los Angeles.

Intii u dhacaysay, 1990- 1992, wuxuu Ali Mohammed Musa (Ali Birra), ka qalinjebiyay Akadeemiyada, isagoo muddadii uu halkaa joogay soo saaray labadiisii ​​Album ee ugu horreeyey meel ka baxsan dalkiisa Ethiopia, taas oo si weyn usii kordhisay sumcadiisa sidaana wuxuu kui noqday Fannaan can ah.

Sidoo kale, wuxuu riwaado iyo xaflado ku qabtay dalal baddan, kuwaas oo ay ku jirtay xafaladdii 2005, ee sannadka cusub ee Ethiopia (Enkutatash), taas oo lagu qabtay Addis Ababa Sheraton.

August 2009, Cali Birra, wuxuu sheegay in laga daweeyay kansarka mindhicirka, laakiin wuxuu sii qorsheeyay inuu siiwado fanka, inkasta oo ay soo baxeen warar sheegaya in Albankiisii ​​ugu dambeeyay uu soo baxay sannadkii 2018.

 

Allah ha u naxariistee, Ali Mohammed Musa, oo ahaa Fannaan Muslin ah, wuxuu ku guulaystay Abaalmarino Caalamiya iyo kuwo maxaliya intaba.

Sannadkii 1995, Marxuun Cali, ayaa lagu maamuusay abaal-marintii Toronto African Merits Award. Sannadkii 2010, wuxuu shahaado-sharaf derejada Doktor ka qaatay Jaamacaddaha  Jimma iyo Jaamacadda Diridawa. Intii uu noolaa ayaa lagu maamuusay Beer lagu nasto oo aad u qurux baddan, waxaana  Beertaa loo bixiyay Ali Birra Bark.

Wuxuu ahaa 75 sano jir. Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Diridhaba ee Koonfur Bari Ethiopia, Ali Mohammed Musa, wuxuu ahaa sida laga soo weriyay saaxiibadii Adoon Muslim ah oo ku fiican Cibaaddada, isla markaana sadaqo badan, isagoo sannadahan danbena ku hawlanaa arrima hakhayriga ah. Wuxuuna samayeeyay “Sanduuqa Waxbarashadda Carruurta ee Ali Birra”, isagoo doonaya in lagu taageero Carruurta baahan iyo Agoomaha.

Warbixintan ka hadlaya taariikhda AHUN Marxuum Ali Mohammed Musa (Ali Birra), waxa ka mid ah meelaha aannu kasoo xigganay warbaahinta dawlada Ethiopia. Shebekadda Wekibedia. EBSTV, W.Wararka  Ethiopia, waltainfo,Youtube-ka Artspage, warbaahinta addisstandard iyo Waraysiyo laga qaaday Marxuumka intii uu noollaa iyo xoggo kale.

Waxa Diyaariyay, Eng. Kayse Faarax, waxa Tafaftiray oo isku dubariday Carraale M Jama.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com