Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Dhawaaqyo dardaarwerin ahaa oo kasoo baxayay Labada Xisbi ee Mucaaradka, ayaa ahaa kuwo xanbaarsan hanjabaado ay kaga digayaan in wixii ka danbeeya dhammaandka shanta sannadood ee  la doortay Madaxweyne Biixi oo ku beegan 13 Novemeber 2022, aannay aqalayn, iyagoo gebi ahaanba daadafeeyay muddada labada sannadoo ee  dhiwaan gollaha guurtidu u krodhiyeen Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa.

Maalimihii lasoo dhaafay Xisbiga ugu weyn Mucaaradka, ayaa safari ku galaabixiyay gobollada Bariga Somaliland, kuwaas oo u muuqday in ay ku muujinayaan cuddudooda, isla markaana ahaa farriin cad oo ay doonayaan in ay Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa si dhab ah u tusaan taageerada ay haystaan, iyadoo kumanaan qof oo xidhan caalanka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, isla markaana ku dhawaaqaya, weedho ay leeyihin “Doorasho” iyo ereyo kale ku muujinaya dareenkooda.

Hoggaamiyayaasha Mucaaardka oo khudbado u jeedinayay taageerayaashooda, ayaa ku hanjabayay in aannay 13 Novemebar 2022, wixii ka danbeeya u aqoonsanayn Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa mid sharci ah.

Dhawaaqyadii ugu danbeeyay, waxay hoggaamiyayaasha mucaaaradku ku ladhayeen in la gaadho xal siyaasi ah ka hor Maalinta Axadda 13 November 2022, balse ma jiro ilaa xilligan wax xal siyaasi ah oo la gaadhay, iyadoo ay taagan tahay 13 November, waxayna dhawaaqyada mucaaradka iyo khilaafka soo jiitamay ee siyaasadeed noqdeen kuwo dad baddan oo bulshada ka mid ah ku abuuray walaac iyo cabsi.

Sidoo kale, waxa dareen cabsi ah u dheg taagaya Ha’yaddaha ka hawlgala dalka, kuwaas oo aan saadaalin karin xaaladda iyo waxa uu xalku noqonayo, maadaama aannay muuqan dhaqdhaqaayo sidan oo kale marka ay arrimaha khilaafaadka siyaasiga ah ka aloosmaan Somaliland u xusul duuban xal u helistooda.

Dhinaca kale, waxa meesha ka baxay kulan aan si dhab ah loo shaacin qorshayntiisa, balse la saadaalinayay inuu dhexmaro hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kaas oo la filayay ugu danbayn inuu suurtagalo Sabtidii 12 November, amma saacado ka hor Axadda 13 November 2022.

Wallow aan qorshaha kulankaa si dhab ah loo shaacin, isla markaana aan la xaqiijin karin inuu ahaa mid dhinacyada u qorshaysnaa, balse waxa jira xoggo la xidhiidha arrimahaa oo sheegay in Madaxweyne Biixi laga soo weriyay in aannu la kulmayn hoggaamiyayaasha mucaaradka ilaa la gaadho Desember 2022, taas oo ku beegan xilliga sharciyada saddexda Xisbi ay dhammaanay.

Arrinta ugu weyn ee shacbiga Somaliland aad u hadal hayaan ayaa ah 13 November, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn waxa u qarsoon mucaaradka oo aan ahayn weedhaha ah, “wixii ka danbeeya 13 November uma aqoonsanin Madaxweyne sharciya Muuse Biixi”.

In kasta oo aannay xilligan muuqan waxyaabo muujinaya xaalad nabadgelyodaro, balse  xukuumaddu waxay heegggan gelisay dhammaan ciidamadda amaanka, iyadoo indhaha ku haysa dhaqdhaqaaqa mucaaardka, isla  markaana waxa ay in baddan oo bulshada ka mid ah ka walaacsan yihiin sida jawgiga siyaasadeed ee cakiran isu beddeli karo, maadaama aannay weli u muuqan saaxad siyaasadeed oo degan iyo jawi muujinaya in dhinacyadu isku soo dhowaan karaan, iyagoo dareensan in ay jirto kala fogaansho sii siyaadaya iyo guuldarooyinka marar hore la doonayay in xal loogu helo khilaafka siyaasiga ah ee arrimaha doorashooyinka oo ku dhammaaday guuldaro iyo gamaco madhan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com