“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa ma aqoonsanin , marxaladda cusub ee dalku galayna, Tallaabooyinka xigga  ee la qaadayo ayaa lagu Wargelinayaa Taageerayasha Axsaabta Mucaaradka”

 

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mucaaradka Somaliland, ayaa go’aamo kasoo saaray kulamo ay jilbaha is dhigeen oo dhawr iyo labaatankii saacadood ee u danbeeyay ku jireen, kuwaas oo ku waajahan dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee ku beegnayd  Axaddii 13 November 2022.

Laxidhiidha: Dhawaaqyadii Dardaarwerinta Ee Mucaaradka Iyo Dhammaadka 13Novembar

Gollaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muddo laba sannadood ah u kordhiyay Madaxaweynaha Somaliland dhowaan Oct 1,  2022, sidoo kale, waxay kordhisteen muddada ay kuraasta kusii fadhiyayaan, iyagoo ku darsaday Lix sannadood, laakiin Mucaaradka, ayaa hore u sheegay marar baddan in aannay marnaba aqobalayn oo aannay aqoonsanayn mudda kordhinta Madaxweynaha iyo Guurtida, waxayna ku baaqeen in haddii an xal siyaasiya la gaadhin inta ka horaysa 13 November in aanay aqoonsanayn sharciyada Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

ALt:Araweelo News

Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) Guddoomiyaha Xisbiga UCOD, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Afhayeenka UCID, Maxamed Cali Bilaal (Ayax), Image Araweelo News Network, 13 November 2022.

Maalinta ay bartilmaameedka ka dhigeen ee 13 November oo si weyn dadweynuhu ugu dheg taagayay, isla markaana laga cabsi qabay in duufaano siyaasadeed oo rabshado ah ay soo kiciyaan mucaaradku, ayaa ku beegnayd maanta, wallow aannay waxyaabo muuqda oo dhinaca aminaga wax u dhimaya ka dhicin geyiga Somaliland, balse xaaaladda ayaa ah mid weli cabsideeda leh, waxaana jiray ergo aan sidaa u cuslayn oo saacadihii lasoo dhaafay geed dheer iyo geed gaaban u fuushay inay is hor fadhiisyaan Madaxwyne Biixi iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka, laakiin isku daygaa ayaa fashilmay sida ay Ergooyin hore marar baddan isugu dayeen isku soo dhowaynta labada dhinac, kuwaas oo ugu danbayntii isku daygoodu ku dhammaaday guuldaro.

Ergadaii ugu danabaysay, ayaa keliya ku guulaysatay inay aannay wax ficil iyo qawl ah samayn mucaaradku ilaa hebeenimadii Axadda ee ay taariikhdu ku beegnayd maalinta ay ku dhollayaan mucaaradku ee 13 November, wallow ay Ergadaasi itaal kasta ha lahaatee dib u riixeeen dhawaaqa mucaaradka intii ay awooddaan, balse taasi meesha kama saarin inay hoggaamiyayaasha mucaaardku bayaamiyaan qorshahooda wixii ka danbeeya 13 November 2022.

“Mudda kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi, ma waafaqsanayn Qodobka Dastuurka ee 83, faqradiisa shannaad, xeerka doorashooyinka guud ee Xeer L/R 91, 2021, qodobkiisa Lixaad Faqradiisa 5aad, mana waafaqsayn Jadwelka Kommishanka Doorashooyinka Qaranka, mana ahayn mudda kordhin laysla ogolaa oo tallo laga weydiiyay Axsaabta qaranka, sababhaa awgood ayay axsaabta mucaaardku u diideen mudda kordhintaa.” Sidaa waxa yidhi, Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo caawa fiidkii la hadlay Warbaahinta, isagoo ay hareeraha ka joogaan masuuliyiinta kale ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID.

Madaxweyne Biixi, ayuu ku eedddeeyay inuu diiday dhammaan Ergooyinkii dooyay in xal siyaasadeed laga gaadho murranka iyo khilaafka, isagoo sidoo kaele ku eeddeeyay xukuumadda inay xabsiga ku gurtay qaarna laysay shacbigii muddaharaadayay iyo sidoo kale Suxufiyiinta, sidaa awgeed wuxuu yidhi, “Axsaabta mucaaradka waxa u muuqda in xukuumadda cimrigeedu dhammaaday dalka qas gelisay, dawladnimadiina hagaastay oo shacbigiina baahi iyo xannuun dhaqtarada la daadsan yihiin, waxaana muuqata in xukuumadda Maadxweyne ka warwareegtay in dalka doorasho ka qabsoonto, iyadoo mudda xileedkii sharciga ahaa maanta 13 November 2022, kaga egyahay, sidaa awgeed si loo difaaco sharciyada dalka, wadajirka Ummadda, dimuqraadiyadda iyo saraynta sharciga xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu waxay go’aansadeen qodobaadan ayuu yidhi.

  • Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa uma aqoonsanin kuwo sharci ku fadhiya, si waafaqsan qodobka dastuurka ee 88, faqradiisa 1aad, soo socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo keli talisnimo, illaa inta la helayo heshiis siyaasiya oo laysla ogolyahay oo lagaga baxayo khilaafka siyaasiga ah ee tagan.
  • Muuse Biixi waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii xilku ka dhammaaday, amma Madaxweyne aan haysan kalsoonida shacbiga iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
  • Axsaabta Mucaardku, waxay aqoonsan yihiin jadwalka doorashooyinka ee Kommishanka Qaranka, waxayna diyaar u yihiin in la galo doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ay ugu horayso doorashada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Axsaabta Mucaaradku, waxay marwalba diyaar u yihiin wixii wadahadal ah ee khuseeya arrimaha doorashooyinka, doorasho aan sharci ahayn oo aan lagu heshiina axsaabta mucaaardku way kasoo horjeedaan, mana aqbalayaan.
  • Xisbiyada Mucaaradku, waxay aqoonsan yihiin gollayaasha dawladda ee sharciga ku fadhiya, sida gollaha Baarlamaanka, Maxkamadda, Dawladdaha Hoose iyo maamulka addeega dadweynaha, sidaa awgeed Bulashaweynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerayasha Axsaabta Mucaaradka waxaan u sheegaynaa inuu dhammaaday waqtigii Madaxweynaha ee dastuuriga ahaa,, wuu ka baxay heshiiskii bulshadda ee Dastuurku jideeyay, guud ahaa n waxaan ugu baaqaynaa nabad, isku duubni iyo inay illaashadaan nabadgelyadooda, wixii sharcidaro ahna ay diidaan oo annay cidna ka aqbalin.
  • Xisbiyada Mucaaradku, waxay ugu baaqayaan Ciidamadda qalabka sida iyo Hay’addaha amniga inay u hoggaansamaan dastuurka oo keliya, si waafaqsan qodobka 123, faqradiisa 1aad, isla markaana ay ka digtoonaadaan qaadashada awaamiirta aan sharciga waafaqsanayn.
  • Xisbiyada Mucaaradku, waxay ku wargeilayaan taageerayaashooda in saraakiisha xisbiyadu si dhow ula soconayaan xaaladda dalku marayo, isla markaana kusoo wargelinayaan taageerayaasha axsaabta tallaabooyinka xigga ee ay qaadayaan, wixii ka dhasha marxaladda cusub ee dalku galay, waxaa masuuliyaddeeda qaadi doona Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com