“Cabdiraxmaan 12 Sannadood ayuu gollaha wakiillada Guddoomiye ka ahaa, Todoba sannadood ayuu ku fadhiyay mudda kordhin, markaa xalaal ayay ahayd” Maxaned KaahinWasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dood garnaqsi ah kaga jawaabay dhawaaqa kasoo yeedhay Hoggaamiyayaasha labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Hoggaamiyayaasha Mucaaradka, ayaa habeenimadii Isniintii soo saaray go’aamo ay kaga hadlayaan xaaladda murranka iyo khilaafka iyo dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 13 November 2022, iyagoo si badheedh ah ugu dhawaaqay in aannay aqoonsanayn muddada xukuumadda iyo Guurtida loo kordhiyay.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa go’aamada ay soo saareen labada xisbi mucaarad ku macneeyay kuwo gebi ahaanba sharciga dalka iyo dastuurka baalmarsan oo aan loo baahnayn.

Wasiir Kaahin, ayaa shaagay in Somaliland ay kaalmaha ugu horeeya kaga jirto Afrika marka laga hadlayo amniga iyo nidaamka geedi socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyiinka, “laga soo bilaabo sanadkii 2002, Somaliland waxay calaamku u markhaati fureen in ay ka jiraan doorashooyin xor iyo xalaal ah, nidaamka dawladnimo iyo dimuqraadiyadeed ee ka jira Somliland uu yahay ka geeska Afrika ugu horeeya.” Ayuu yidhi Kaahin.

Laxidhiidha: Mucaaradka Oo Go’aamo Kasoo Saaray 13 November

Balse wuxuu nasiibdaro ku tilmaamay in muwaadiniin Somaliland ah oo weliba doonaya inay dalkan iyo dadkan xukumaan oo ugu tartamaan Madaxweyne, horena Madaxweynayaal ugu soo tartamay inay Caawa (Isniin 13 November 2022, ay sheegaan Somaliland in aannay ahayn dal dawladi ka jirto).

“Dalka aan dawlad ka jirin macnihiisu waa dal aan sharci lahayn, madax lahayn, oo aannay jirin qawaaniin, kaas oo nin walba wuxuu ku xoogsan karo ku xoogsado, laakiin waxaan Bulshada Somaliland u sheegayaa in dhammaan 101 Degmo iyo 14 Gobol oo dalku ka kooban yahay ay ka jirto nabadgelyo taam ah.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Guddaha oo sharaxayay dhawaaqa go’aanka mawqifka mucaaradka ee ay ku sheegeen in aannay aqoonsanayn Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, taas oo uu ku sifeeyay in ay yeelanay sawirka uu ka bixiyay fawdada ah.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Kaahin,isagoo sharaxaya arrimaha amniga iyo nidaamka dimuqraadiyada, wuxuu sheegay in 14  Urur siyaasadeed oo madax –taabasho loo samaynayay, iyadoo ay ka qaybgaleen siduu sheegay ku dhowaad dhawr iyo sideetan kun oo qof iyo weliba dhawr kun oo ciidanka ah oo hawshaa amnigeeda sugayay, iyadoo ay jireen dhawr kun oo kale oo ciidan ah oo kayd u ahaa, iyadoo aannay jirin wax dhibaato ah, taas oo sida uu sheegay in aannay ka dhicin dalalka Afrika.

Wasiirka Arrimaha ayaa tusaale usoo qaatay khilaafka doorashooyinka Maraykanka oo ahaa dalkii is bidayay dimuqraadiyada, wuxuuna xusay in khilaaf siyaasi ah uu jiray, Isagoo yidhi, “Innagu waxaynu kaga duwanahay xilliyadan hadal ayaa ka jiray, xilliyo horena hadalaa ka jiray, laakiin ay Somaliland kaga gudbi jirtay wadahadal iyo in arrimaha la qaboojiyo,  si looga gudbo marxaladaa, wadahadaladii Madaxtooyadda Somaliland ka socday ee Madaxweynuhu wadayna waxanu ka sheegi doonaa xukuumad ahaan iyo xisbi ahaan markeeda tafaashiiseeda.”

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa xusay in ka hor inta aan mudda kordhinta la samayn ay Guddida Doorashooyinka Qaranka ee (NEC) soo saareen mawqifkooda doorashada, iyagoo sheegay in ay muddo sagaal bilood ah ku qabanayaan, isla markaana xilli kooban ka hadhay muddadii doorashada.

“Guurtida ayaa masuuliyada iska leh oo qaranka u haysa,  marka ay arrintu halkaa gaadho, si ay Madaxweynaha muddada ugu kordhiso, iyagoo raacaya qodobka Dastuurka ee 83,” ayuu yidhi, isagoo Wasiir Kaahin sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo shacbiga Somaliland uu xusuusinayo, “Cabdiraxmaan 12 Sannadood ayuu gollaha wakiillada Guddoomiye ka ahaa, shan sannadood ayuu mudda xileedkiisu ahaa, Todoba sannadood ayuu ku fadhiyay mudda kordhin, kordhintu markaa xalaal ayay ahayd, guurtiduna guurti wanaagsan ayay ahayd, qodoba ay cuskanaayan waxay ahaayeen kuwo aasaasi ah, waxaan ka sugaynaa Cabdiraxmaan goorta ay Guurtidu xaaranta noqotay, isaga ayaan ka sugaynaa xilliyada danbe inuu ka hadlo oo ka jawaabo.” Ayuu yidhi,Wasiir Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in marka la eego go’aamada ay soo saareen labada xisbi ee mucaaradka tilmaamayaan in aannay xukuumadda mucaarad ku ahayn ee ay qaranka mucaarad ku yihiin, sidaa awgeed wuxuu shaciga Somaliland ugu baaqay in aannay ilduufin nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonida, isagoo ka digay mudaharaadyo iyo rabshado qalalaase abuura, sidoo kale, wuxuu amray ciidamada inay ilaaliyaan nabadgelyda muwaadiinta iyo qawaaniinta iyo shuruucda dalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com