Mashaariicda Loo Qoondeeyay Dagaalka Shiinaha Ee Afrika $ 22.7 bilyan

Araweelo News Network.

Sidee Mashaariicda Loo Qoondeeyay ?

Brussels(ANN)- Dawladdaha xubnaha ka ah naadiga Midowga Yurub, ayaa shaqaynayaa mashaariic waaweyn oo la doonayo in wax lagaga qabto qaarada Afrika.

Qorshahan ayaa qayb ka ah mashaariic gaadhaya 60, kuwaas oo la doonayo in qaaaradda Afrika lagaga saaro maalgelinta Shiinaha, iyadoo xilligan gebi ahaanba dalalka Afrika intooda baddan ay ku hanfteen maalgelinta Shiinaha oo dalalka reer galbeedku si weyn uga soo horjeedaan.

Mashaariicda aan weli bislayn ee Midawga Yurub oo ah gacan uur-ku-jirta , ayaa qoondada la sameeyay gaadhaya 20 bilyan-euro $ 22.7 bilyan, iyadoo maaliyadaa lagu taageerayo isku xidhka  gaadiidka Afrika, iyo sidoo kale casriyaynta tamarta,  waxbarashada iyo mashaariicda caafimaadka.

 Warbixin ay Bloombergs daabacday, iyadoo soo xigganaysa saraakiisha Midawga Yurub, waxay sheegtay in qorshuhu yahay si looga hortago gaaritaanka Shiinaha ee qaaradda.

Basle waxay warbixinta ku xustay in dawladdaha xubnaha ka ah,  aannay weli u muuqan kuwo ku go’aan qaatay inay maalgeliyaan qorshayaasha kaabayaasha, sida ay ku doodayaan saraakiisha aqoonta u leh arrimahan.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in qorshaha kooxda ay qayb ka yihiin waddooyin istaraatiijiyadeed, xadhkaha badda hoosteeda mara ee caalamiga ah (Fiber Optic), waxaana dalalka sida gaarka ah loo xusay in ilaha maalgashiga dib loo cusboonaysiin karo ka mid ah Senegal, Cote d’Ivoire, Masar, Morocco iyo Kenya, sida ay xaqiijisay Bloomberg oo aragtay qabya-qoraalka qorshaha mashaariicda.

Maalgelintan ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga cusub ee Midowga Yurub iyo Afrika, waxaana lagu soo qaaday shir-madaxeedka 17-18-ka February ee Brussels.

Dhinaca kale, Madaxda Afrika waxay mudnaanta siiyeen waddooyinka, jidadka tareenada iyo buundooyinka. Laakiin qaar ka mid ah dawladaha EU-da ayaa la kulma caqabado miisaaniyad qaran oo ku adkaynaya inay ballan-qaadaan maalgelin weyn ka hor kulanka, halka kuwa kale, oo uu ku jiro Jarmalka, ay weli shaki ka qabaan diyaargarowga qaar ka mid ah soo jeedinta, ayay mas’uuliyiintu raaciyeen, sida ay xustay warbixintu.

Liiska EU-da waxaa ka mid ah ilaa 60 mashruuc oo loogu talagalay in dib loogu soo celiyo xiriirka, kaddib xannibaadaha safarka ee loogu talagalay in lagu joojiyo masiibada Covid-19.

Inta baddan dhaqaalaha ku jira qorshaha Midowga Yurub wuxuu mari doonaa Global Gateway, hindisaha Yurub si uu ugala hortago qorshaha maalgashiga ballaadhan ee Shiinaha ee qaaradda. Sidoo kale Ururku waxa uu raadinayaa inuu 150 bilyan oo Yuuro sannadka 2027 ka ururiyo ilo kala duwan.

Midowga Yurub wuxuu bixiyaa “horumar tiro iyo tayo leh oo ku saabsan maalgelinta kaabayaasha,” sida ku cad dukumeentiga Kooxdu waxay ballan qaadaysaa, ayaa lagu yidhi, warbixinta , “maalgelin la taaban karo” si ay u maalgeliso mashaariicda iyo kaalmo farsamo si loo aqoonsado kuwa cusub.

Sidoo kale, Midowga Yurub waxa kale oo uu rabaa in uu soo jiito lacag gaar ah isaga oo u isticmaalaya hantida dadwaynaha dammaanad ahaan iyo ka qayb qaadashada bangiyada horumarinta Afrika.

Dhinaca kale, Beijing waxay ballan qaaday 2018 ku dhawaad $60 bilyan oo amaah ah muddo saddex sano ah si ay u maalgeliso waddooyinka iyo buundooyinka Afrika. Laakin qorshaha Shiinaha ee Belt and Road ayaa muran ka dhashay bilowgiiba sababo la xidhiidha musuqmaasuqa iyo caqabadaha ka dhashay ee in ay deyntu sii taagnaato, taas oo ah mid ay dalalka reer galbeedku dacaayad uga dhigaan maalgelinta Shiinaha ee ku waajahan Afrika.

Midowga Yurub waxa uu soo xushay mashaariic diiradda lagu saarayo goobaha ganacsiga ee muhiimka ah ee ay kasoo xushaan dalalka Afrika iyadoo loo eegayo heerka diyaargarowga, saamaynta ay ku yeelan karaan iyo suurtogalnimada in ay soo jiitaan lacagaha dalalka xubnaha ka ah iyo maalgelinta gaarka ah, ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Midowga Yurub.

Hase yeeshee Liiska waxaa ku jira marinka Dakar-Abidjan ee Galbeedka Afrika; aagga Libreville-Kribi-Douala-N’Djamena ee isku xidha Gabon, Cameroon iyo Chad; iyo aagga u dhexeeya Mombasa iyo Kisangani ee Kenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxa ay muuqata in dalalka kale ee Afrika la xisaabiyay in ay gacanta u galeen Shiinaha.

Ururka ganacsiga ayaa doonaya in ay muujiyaan in ay lacag ka dambeeyaan ballan-qaadkooda iyaga oo bixinaya shuruud adag inta lagu jiro shirwaynaha. Laakin komishanku waxa uu dadaal ugu jiray sidii uu u keeni lahaa wadamada xubnaha ka ah gollaha in kasta oo ay jiraan doodo adag. Saddex meelood laba meelood oo ka mid ah maalgelinta waa inay ka soo baxdaa khasnadda qaranka, sida ay komishanku sheegeen.

Sidoo kale Yurub, waxay soo jeedin doontaa in la dhiso xadhig caalami ah oo fiber-ka badda hoostiisa mara si loogu xidho Midowga Yurub iyo Afrika, kaas oo ku teedsan xeebta Atlantic, iyo sidoo kale, kobcinta helitaanka tamarta nadiifta ah ee qaaradda oo dhan.

Dhinaca kale, Midowga Yurub wuxuu kaloo bixin doonaa sida lagu xusay warbixinta iskaashi amni oo cusub, kaas oo qayb ka ah dadaalka dheeraadka ah ee lagu taageerayo ciidamadda Afrikaanka ah, wadamada Yurub waxay keeni doonaan qalab milatari bilaha soo socda “oo ay ku jiraan walxaha loogu talagalay in lagu bixiyo awood dilaa ah,” sida ku qoran qoraalka qabyada ah.

Mashaariicda waxa qayb ka ah arrimaha socdaalka oo noqon doona arrin kale oo sare inta lagu jiro shir madaxeedka toddobaadka soo socda. Wadamada Midowga Yurub waxay abaabuli doonaan 4.4 bilyan oo lacagta Yuurada ah,  si ay ula dagaalamaan dadka tahriibiya, dhaqan gelinta mutadawacnimada iyo soo celinta qasabka ah, iyo xoojinta maamulka xuduuddaha. Mid ka mid ah dalabaadka reer Yurub ayaa ah in la sugo door weyn oo ay ku leedahay Hay’adda ilaalinta xuduudaha iyo xeebaha Yurub (Frontex(, ee wadamada Afrika.

Marka laga yimaado qorshaha Midawga Yurub ee u muuqda teel-teelka , waxa muuqata in Maalgelinta Shiinaha ee Afrika ku istaagtay 2.96 bilyan oo doolarka Maraykanka ah sanadka 2020, kor u kac boqolkiiba 9.5 ah, sannadba sanadka ka dambeeya. Waxaa ku jira 2.66 bilyan oo doolar oo qiimihiisu yahay maalgashi toos ah oo aan ahayn mid maaliyadeed, sida lagu xusay Warbixinta Sannadlaha ah ee Xidhiidhka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika (2021) ee la daabacay.

Saamiyada Shiinaha ee FDI ee Afrika waxay kordheen ku dhawaad 100 laab muddo 17 sano ah – laga soo bilaabo $490 milyan 2003 ilaa $43.4 bilyan sanadkii 2020, taasoo sare u kacday 2018 $46.1 bilyan. Taas ayaa ka dhigaysa Shiinaha kaalinta afraad ee maalgeliyaha ugu badan Afrika, isagoo ka sarreeya Maraykanka tan iyo 2014.

Warbixin xilli hore ah, ayaa sheegay in qiimaynta dalalka maalgelinta ugu wanagsan uu ku sameeyay ay yihiin, Mexico., Indonesia, Lithuania, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo Portugal, dhinaca Afrika waxa laga xusay maalgelinta u wanaagsan ee Shiinaha dalka Masar.

Sidoo kale, waxa jirta shax muujinaysaa in marka laga yimaado maalgelinta Shiinaha ganacsiga ugu weyn ee ay kaalinta koobaad kaga jirto Afrika, Koonfur Afrika oo ay tahay meesha ugu saraysa ee maalgashiga Shiinaha, waxaana ku xiga DRC, Angola, iyo Zambia. Muddadii 2014-2018, Shiinuhu wuxuu Afrika ku maalgaliyay lacag ka badan $72 bilyan, taasoo abuurtay in ka baddan 137 000 shaqooyin ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com