Araweelo News Network.

Washington(ANN)- Maraykanka, ayaa sheegay inuu siyaasada cusub ee Madaxweyne Joe Biden wax kaga bedelayo Afrika iyo hawlgalada ciidamada loogu yeedho la dagaalanka argagixisada.

 

Hase yeeshee markii Maamulka Biden sheegay in uu wax ka bedelayo hawgalka duqaymaha ay ciidamada Maraykanku ka fuliyaan gobolka geeska Afrika, gaar ahaan Soomalaiya, waxa durbadiiba ka dhashay walaac dhanka amniga ah.

Soomaaliya ayaa ahayd halka ay ciidamada Maraynkanku ka fuliyaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka hawlgala saldhiga weyn ee ay ku leeyihiin dalka Djibouti.

Diyaaraddaha ayaa hawlgalo loogu yeedho la dagaalanka argagixisada ka fuliya guddaha Soomalaiya, iyadoo hawlgaladaa loo adeegsado duqaymo diyaataddaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bar tilmaamameedsada meelo cayiman.

 

Diyaaraddaha nooca Drone-ka  ee aan duuliyaha lahayn waxay inta baddan fuliyaan duqeymaha  ay ciidamada Mareykanka ka fuliyaan guddaha Soomaaliya, wallaw marar baddan Maraykanku kala kulmay canbaarayn, iyadoo lagu eedeeyay in duqaymahaa oo ahaa kuwo aan loo maara deyin ay qaarkood galaafteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

 

Hase yeeshee xilligan Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddelka  Maraynakan ee maamulka Madaxweyne Biden u arka kuwo fursad siinaya Al-Qacida iyo kooxda xidhiidhka la leh ee Al-shabaab fursad siinaya, isla markaana ku dhiirinaya in ay hawlgalo ka dhan ah amniga Soomaaliya iyo gobolkaba fuliyaan.

 

Joe Biden, ayaa tan iyo markii uu xukunka  la wareegay  20 January  2021, aannay wax hawlgal ah  dowladda Maraykanku ka fulin Soomaaliya, taas oo noqonay in wax duqaymo ah aannay ciidamadda Maraykanku la beegsan Al-Shabaab, wallaw Madaxweyne Trump kusii sagootiyay Sooomaaliya toddoba duqaymood oo la fuliyay 1-dii illaa 19-kii January 2021.

Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jihaynta cusub, oo xakameynta xooggan kusoo rogtay duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya, taas oo  lagama maarmaan ka dhigaysa in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.

Saraakiil Xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa durbadiiba dhaliilay qorshahan Madaxweyne Biden, waxayna ku tilmaameen mid fursad siinaya cadawga Maraykanka.

“Duqayn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

“Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu raaciyay.

“Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya keliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.” ayuu ku dooday sarkaalku.

Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida.

“Xaaladda siyaasadeed ee ixilligan, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” sidaa waxa  tidhi, Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqaymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times,soo weriyay, ayaa qayb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah.

“Ujeedka jihaynta cusub ee ku-meel gaadhka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tidhi, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Maraykanka Emily Horne.

Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo.

“Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tidhi Samira Gaid.

Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,”  sidaa waxa lagu sheegay bayaan laga soo xigtay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Maraykanka.

“Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yidhi, Odowaa.

Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin.

“Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.

Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab.

Balse, dhinaca kale, waxa xaqiiq ah in ay jiraan in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan goboladda iyo deegaamada inata badan laga sameeyo hawlgalada duqaymaha in ay soo dhowaynayaan tallaabada Madaxweyne Joe Biden.

 

Si kastaba ha ahaatee tallaabada Madaxweyne Joe Biden ayaa ah mid muddo dheer doodo ka taagnayd, iyadoo marar baddan lays weydiiyay khasaaraha ka dhasha duqaymaha diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo weli dadka loo tuhmayo in ay yihiin kuwa la bar tilmaamameedsaday kuwi denbiilayaal ah, maadaama aan la hor geyn maxkamad.