Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kula kulmay guddida la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre, waxay  guddida ka  wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa sida lagu sheegay qoraalka tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan waayaan dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha guddida  la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM