Araweelo News Network

 

 

#Muqdisho(ANN)-#Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen #Rooble, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Gollaha Qurba-jooga Soomaaliyeed ee GSD.

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa shirka kaga qayb galay aallada internetka ee maqal iyo muuqaal, iyadoo shirka lagu soo bandhigay fursadaha horumarineed ee ka jira dalka Soomaaliya, kuwaas oo ubaahan iskaashi iyo wadajir si looga faa’iidaysto kaalinta Qurba-joogta Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay saaka xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay saaka shebekaddaha Araweelo News Network, ra’iisal wasaare Rooble ayaa la wadaagay Qurba-jooga Soomaaliyeed horumarka Maalgashi ee dalka laga sameeyay iyo kobaca dhaqaale, wuxuuna tusaaleeyay fursaddaha shaqo ee loo abuuri karo dhallinyarada Soomaaliyeed oo door firfircoon ku leh dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.

“Qurba-joogta Soomaaliyeed waxaa ay door weyn ka soo qaateen dib-u-heshiisiinta, Dowladnimada iyo horumarinta bulshadeenna ku nool gudaha, waxaa xusid mudan tan iyo bur-burkii dalkeenna in ay jiraan xarumo Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsi oo ay ka hirgeliyeen dalkooda hooyo qurba-joogu, waxayna qayb ka tahay dadaallada ay ku bixiyaan soo kabashada dalkeenna”ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Sido kale, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto kheyraadka kala duwan ee dalka oo ay ugu horreeyaan horumarinta maalgashi xirfaddaha, Dalxiiska, Tamarta, kalluunka iyo hal abuurnimada ay dadka qaarkood hibada u leeyihiin.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Qurba-jooga Shirka kasoo qayb galay ku dhiirrigeliyay isku xidhnaanta iyo in ay hormuud u noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, isla markaana abuurraan mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed u herseeda barwaaqo waarta.

Qoraalka saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qurba-jooga Soomaaliyeed dhankooda ay dowladda ku bogaadiyeen dadaallada ay ku bixinayso xaqiijinta amniga, kor u qaadidda dowladnimada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.