Araweelo News Network

Pakistan(ANN) Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Nawaz Sharif ayaa maxkamad lasoo taagtay,  isaga oo loo haysto labo dacwadood oo musuqmaasuq la xidhiidha.

Isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa, ayaa wajahaya dacwado la xidhiidha hanti ay ku leeyihiin magaalada London, balse eedaymahaa ayay diideen Iyo  in ay wax khalad ah sameeyeen, iyadoo  taageerayaasha Nawaz Sharif ay sheegayaan in dacwadahani ay siyaasadaysan yihiin.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay xilka Ra’iisal wasaaraha  bishii jun markii maxkamadda ugu saraysa Pakistan ay xilka ka xayuubisay, ka dib markii ay ku heshay in ay jiraan dhaqaale soo galay oo aanay caddayn meesha uu ka helay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baadhitaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif ayaa ka soo laabtay magaalada London Khamiistii, ka dib toddobaadyo la hadalhayay.

Subaxnimadii Jimcaha ayay maxkamadda isla xisaabtanka ee Islamabad  kasoo xaadireen Nawaz sharif iyo gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay.

Dhagaysiga koobaad ee maxkamadaynta Sharif ayaa si dhaw loogala socondoonaa gudaha Pakistan iyo dibaddaba, iyadoo Sidoo kale indhaha lagu hayo Natiijada dacwadahaa..