Araweelo News Network

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray kulanka madaxda sare iyo shaqaalaha dawladda oo lagu soo bandhigayey wax-qabadka shaqaalaha iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxdooda.

Sidoo kale kulankaa, ayaa ahaa mid lagaga hadlayay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha. Waxaana munaasabadda goob-joog ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Shaqaalaha dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka kulan-kaa oo ahaa mid muhiimka ah, sida uu sheegay, wuxuuna ku dhaaraaday dhibaatadii iyo daruufahii adkaa ee lagu soo shaqeeyay, iyadoo aanay horre u heli jirin shaqaaluhu xaquuq joogta ah.

“Waxaan ognahay inaad dalkan ugu soo shaqeyseen duruufo addag, iyadoo aan la mari karin jidadka amni xumo awgeed, waxaan dareen sanahay qaar kiin inaad soo shaqeyseen iyadoo laga faano dawladda, balse ugu dambeyn waxaad soo gaadheen inaad shaqaysaan, idinkoo ku faanaya shaqada aad qarankiina u haysaan”

“Haddii aynu rabno in aynu dhibaatada ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda, bulsho kastana sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayaa lagu qiimeeyaa, taasina waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan” ayuu yidhi, Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu qaaday jidkii horumarka, taasina ay keentay in ay dib-u-soo noqoto sharaftii Soomaaliya ku lahayd adduunka. Wuxuuna faray in qof walba looga baahan yahay in uu ka soo hor-jeesto musuq-maasuqa, si loo helo sinnaan iyo caddalad, dalkuna u gaadho horumarka uu higsanayo.

“Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha mudadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in bil walba heli doono xuquuqdiisa, isna laga rabo shaqo dheeraad ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia