Araweelo News Network

Daahir Rayaale oo tilmaamay Laba Qodob oo uu Xusay in Lagaga Gudbi Karo Khilaafka Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Somaliland.

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin. Photo File Araweelo News Network.

Hargeysa (ANN)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa soo jeediyey laba qodob oo uu xusay in lagaga gudbi karo khilaafka ka taagan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada ee ay cabashooyinka ka qabaan bulshooyinka Gobollada Awdal, Sool iyo bariga Sanaag.

Md. Daahir Rayaale Kaahin oo waraysi siiyey telefiishanka Sahan TV isagoo jooga dalka Faransiiska shalay, waxa uu iftiimiyey in xalka ugu saxsan ee khilaafkaas lagu soo afjari karo uu yahay in guud ahaan dalka Somaliland laga sameeyo tiro-koob guud oo gobolkastaaba raali ku noqdo inuu tirada dadkiisu u goyso saamiga uu ku yeelanayo kuraasta Golaha Wakiillada, balse waxa uu soo jeediyey ilaa inta tiro-koobka la samaynayo in la sameeyo laba qodob midkood oo ah in tirada Golaha Wakiillada la kordhiyo, lagana dhigo 100 xubnood, iyadoo beelaha darafyada mid walba sagaal xubnood loogu darayo inta ay hadda ku leeyihiin Golaha Wakiillada iyo in ama saamiga lagu qaybiyo habkii ay beelaha Somaliland wax u qaybsadeen sannadkii 1993-kii.

“Xaaladda hadda taagan laba arrimood ayaa lagaga gudbi karayaa oo lagu qaban karayaa doorashada Golaha Wakiillada, waxayna kala yihiin;

  1. Si uu miisaanka Golaha Wakiilladu isugu soo dhawaadaan beelaha darafyada iyo inta dhexeba, in tiro lagu daro bariga iyo galbeedka oo tirada Golaha Wakiillada la gaadhsiiyo 100 xubnood, iyadoo tirada 18-ka xubnood ee la kordhiyey ah loo kala qaybiyo beelaha darafyada oo mid walba sagaal xubnood loogu daro, si uu isugu dhawaado dheeliga ku jira Golaha Wakiilladu, taas oo noqonaysa mid ku-meel-gaadh ah oo ku xidhnaanaysa tiro-koobka, marka tiro-koobka la sameeyana tirada Golaha Wakiillada dib loogu soo celiyo tirada hore ee ah 82-ka xubnood.
  2. Haddii aanay taasi ah in la kordhiyo tirada Golaha Wakiillada aanay suurtogal ahayn, waxa keliya ee lagu guuri karaa in dib loogu noqdo sidii wax lagu qaybsaday sannadkii 1993-kii oo ah in gobol walba uu ku galo doorashada tiradii la siiyey shirkii beelaha Somaliland ee Boorama ka qabsoomay sannadkii 1993-kii oo iyaduna noqonaysa ku-meel-gaadh inta laga gaadhayo tiro-koobka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah, markaa labadaas xal ayuun baan u arkaa in lagaga gudbi karo khilaafkan ka taagan saami-qaybsiga Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Waxa kaloo uu ka hadlay go’aanka ay Maxkamadda Dastuuriga ah ku laashay qodobkii cabaqadda ku ahaa in doorashada Golaha Wakiilladu qabsoonto badhtamaha sannadka soo socda ee 2021 haddii llaahay yidhaahdo, waxaannu yidhi; “Mar labaad ayaa loo qoray Maxkamadda Dastuuriga ah, in loo qorona sharci ma bannaynayn, go’aankii uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare-na waxa uu ahaa go’aan aan sharci ahayn, waayo Maxkamaddu xaq uma laha inay tidhaahdo; ‘qodob ayaan ka saaray go’aan ay Maxkamad hore go’aamisay oo badhna waan ka saaray, badhna waan ka tegay’ taasina waxay ahayd go’aan micno la’aan ka dhigaya oo Maxkamaddana qiimo tiraya, markaa taasina ma laha ku dhaqan sharci.” ayuu yidhi.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, ayaa sheegay in doorashadii Golaha Wakiillada ee qabsoontay sannadkii 2005 ay ahayd mid ku-meel-gaadh ah oo loogu talogalay in lagu qurxiyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaannu yidhi;  “Arrintan doorashada ee Golaha Wakiillada, waqtigaas doorasho kamay dhici karayn Sool ama Laascaanood iyo bariga Sanaag, markaa doorashadaas waxa aannu ka dhignay doorasho ku-meel-gaadh ah, maadaama aanan si simman oo xaq ah (fair) oo doorashadaas natiijadii ka soo baxday waxa ku yimi dheelli, dheeligaas oo ahaa in saddex xubnood ay ka go’een Awdal, Sool iyo Bariga Sanaag-na qayb badan ayaa ka go’day, kuraastii intoodii badnayd waxa ay ku soo urureen gudaha (beelaha dhexe), markaa 15 sanno ayaa la joogaa oo uu dheeligaasi ku jiray Golaheena Wakiillada.”

“Reer Awdal waa Somaliland oo waa aasaaskii, iyaguna kama maarmayaan Somaliland oo weligood way ahaanayaan Somaliland, waxase u baahan haddii uu Madaxweynuhu u yeedhay oo ay qoladii Salaadiintu iskhilaafeen waxa haboonayd in aan khilaafkaas lagu day nee laga daba tago oo Madaxweynaha laftigiisu u tago, illayn waa dadkiisii oo uu iyagana midnimadooda ka shaqeeyo, waxyaabaha ay sheeganayaana wixii uu ka qaban karo uu ka qabto, wixii aannu maanta qaban karina uu kala soo ballamo, taasina waa hawl u bannaan Madaxweynaha oo ilaa imminkana u bannaan,” ayuu yidhi Md. Rayaale.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, waxa uu sheegay inay gef ahayd in Ugaaska beelaha Samaroon loo diido inuu soo galo gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama, welibana xabbad lagu rido, isagoo ka codsaday Madaxweyne Muuse Biixi inuu arrintaas raaligelin ka bixiyo, waxa kaloo uu Md. Daahir Rayaale saluug ka muujiyey qaabkii uu saxaafadda ula hadlay Ugaaska guud, kadib markii laga celiyey inuu soo galo Boorama, waxaannu Ugaaska kula taliyey inuu u dhaqmo, una hadlo si waafaqsan meqaamka Ugaasnimo.