Araweelo News Network

Ottawa(ANN)Raysal-wasaaraha dalka Canada ee waqooyiga qaaradda Ameerika Mr. Justin Rudeau, ayaa laga duubay muuqaal isagoo afur la wadaagaya dad Muslimiin ah, muuqaalkaas oo ay arkeen dad ka badan afar milyan oo qof oo ka mid ah bulshada isticmaala bogga Facebook, isla markaana ku baahiyeen baraha bulshada.
Raysal-wasaare Justin, ayaa muuqaalkan ka muuqday isagoo cunto ku guranaya bileedh ay aad wax ugu cunaan Muslimiinta Bariga Dhexe u nool, waxaannu la afuray dadkaas soomman.
Waxa kaloo la sheegay in Raysal-wasaaraha Canada uu xidhiidh dhaw la leeyahay dadka Muslimiinta ah, marar badanna lagu arkay isagoo masaajid kula kulmaya imaamo iyo dad badan oo islaam ah, tusaale ahaan sannadkii 2013 waxa muqaal dhukumantari ah oo la soo duubay lagu arkay isagoo salaad makhrib la tukanaya dad aad u tiro badan.
Dadka facebook ku baahiyey ayaa aad u soo dhawaynayey tallaabooyinka uu hoggaamiyaha Canada ku kacay, maadaama waqtigan dalalka reer galbeedka iyo siyaasiyiintoodu aad u takooraan bulshooyinka Muslimka ah, una samaystaan xeerar ay iskaga xakameeyaan.