Sh. Cabdirisaaq

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Faa’iidooyinka timirta (2)
Ka hor-tagidda cudurro badan: Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaan; timirtu waxa ay baabiisaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hor tagtaa madax-wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada, iyadoo u horseeda deganaan ku-meel-gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba.
Cunnida timirtu waxay faa’iido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si degdeg ah u daajisaa muruqyadooda, iyadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. (Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.
Faa’iidada koritaanka carruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan degdeg ah ayay bilaabaan carruurta cunta timirta. Faytamiin A-da ku jirtaa wuxuu dardargaliyaa aragga carruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sida oo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.
Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?
In aad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira abaal-marin aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey, kuna dhiirigaliyey.
Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, “Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maaye ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed, waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.
Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo mida ilmaha yar jaqsiinaysaa?
Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa amma ilmaha ay jaqsiinayso amma iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is dhinto.
Sida daraadeed, ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taas ayeyna culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Mida labaad; culimada qaar waxa ay yidhaahdaan haddii aanay karayn in ay soo qallayso dad bay afurin kartaa amma sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowgu hayey iyo kii xannuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com