#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Hargeysa (ANN)- Kommishanka Qaranka Somaliland u qaabilsan HIV/AIDS, ayaa ku baraarugay warar lagu faafiyay bulshada dhexdeeda oo abuuray dareen cabsi ah, kaddib markii Sarkaal ka tirsan Booliska Somaliland sheegay in shan qof oo la doonayay innay dhiig ugu deeqaan haweenay qaliin lagu sammaynayay  laga helay fayraska dhaliya xannuunka HIV/Aids  kuwaas oo sida sarkaalku sheegay baadhista la nariyo ka hor qofka laga shubayo dhiiga lagu oggaaday.

Sarkaalka ayaa arrintaa sabab uga dhigay dadka ganacsiyada yar yar ee goobaha bunka ee ay dadka Ethopianka ah ka ganacsaadaan, isagoo xusay innay dadka laga helay ahaayeen kuwa ku shaqaysta baabuurta tagaasida ee darawlada.

Hase yeeshee arrintaa oo shaki ku abuurtay in baddan oo Bulshada ka mid ah, isla markaana cabsi gelisay dadka Ethiopianka ah ee goobaha bunka laga cabo, waxa ka jawaabay  Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo arrintaa ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo been abuur iyo dacaayad ah.

Sidoo kale, waxay sheegeen Cisbitaalka guud ee Hargeysa in 17 sanadood kaddib aannay arag shan qof oo wada socda oo laga helay HIV/AIDS, kaddib markii la baadhay, waxayna bulshada uga digeen wararka aan jirin ee la xidhiidha arrimahaa, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo la doonayo in dad gaar ah lagu waxyeeleeyo, sidoo kalena Bulshada lagu abuuro shaki iyo khal-khal.

“Hargeisa group Hospital gaar ahaan Qaybteed Keydka Dhiigu waxay Halkan ku beeninaynaa Warar been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in dhalinyaro gaadhaysa 5 qof oo dirawalo ka ah Tagaasida, amma Caba Bunka Ethiopianka in laga helay Xanuunka Hiv/AIDSka. Mudo 17 sano Maanu arag 5 qof oo HIV qaba oo laga wada helay Halmar.” ayaa lagu yidhi, warka Cisbitaalka Hargeysa kasoo baxay.

Waxaan looga digay  bulshada innay dhegaystaan dadka Bulshada la wadaagaya wararka aan jirin, isla markaana waxaanay Xog (data) ka hayn amma aannay Cilmi u lahayn faafinaya,  taasoo sababaysa Jahawareer bulsho, Nacayb qoomiyadeed iyo dacaayadayn Ganacsi.”

Dhinaca kale, Kommishnka Qarankaa ee  xakamaynta HIV/AIDS ee( Somaliland National AIDS Commission) oo loo soo gaabiyo SOLNAC, ayaa ku baraarugay arrintan, waxaana warbaahinta la hadlay maanta Agaasimaha waaxda wacyigelinta Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in aannay waxba ka jirin wararka uu fa faafiyay Sarkaalka Booliska oo laga sugayo caddaynteeda, wallow uu carabka ku dhiftay in markii ay weydiiyeen warkaa uu ku af-gobaadsaday innay sheekadu la martay oo aannu hayn wax cad.

“Arrintan waa been abuur waxna kama jiraan, waana sheekadii sidan oo kale Boorama dhowaan lagu faafiyay” ayuu yidhi, Agaasime Maxamed Xaaji, balse ma uu sheegin marka laga yimaado wararka arrintaa la xidhiidha xaaladda Faafista xannuunka HIV/Aids iyo heerka uu marayo, iyadoo aannay bulshadu arag mudda dheer wax wacyigelin ah oo ku saabsan ka digitaanka bulshada ee xannuunka,  taas oo u muuqta in xilligan ay Hay’adda qaranka u qaabilsanayd wacyigelinta xannuunka oo ka gaabisay hawsha ay Qaranka u haysay ku baraarugtay warka la faafiyay ee bulshada ku abuuray walaaca iyo wer-werka.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com