#Somaliland: Taliyihii Faafiyay Wararka Shakiga Abuuray Ee HIV/Aids Oo La Xidhay

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Gaashaanle Dhexe Cabdisalaan Diin-qale oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Somaliland, ayaa lagu xidhay Magaalada Hargeysa

Taliye Diin-qale, ma jiro wax war ah oo ay Taliska Guud ee Booliska Somaliland iyo wasaaradda Arrimaha Gudduhu kasoo saareen, laakiin ila wareedyo kala duwan ayaa Araweelo_News_Neywork u xaqiijayay in sarkaalkaa lagu xidhay Taliska Guud ee Booliska Somaliland.

Laxidhiidha: Somaliland: Kommishanka Qaranka Ee AIDS-ka Oo Ku Baraarugay Warar Lagu Faafiyay Bulshada Oo La Xidhiidha Faafista Xannuunka

Col, Diin-qale ayaa la rumaysanyahay in loo xidhay warar uu todobaadkan ku faafiyay Baraha Bulshada oo sheegay in shan ka mid dareewalada taggaasida oo doonayay innay dhiig ugu tabarucaan haweenay dhammaantood laga helay Fayriska HIV,AIDS, isagoo xusay in dhalinyaradaasu ay sheegeen innay xannuunka ka qaadeen goobaha Bunka Ethiopia lagu iibiyo ee Magaalada Hargeysa oo sida uu sheegay kusoo badanaya Magaalada.

Hase yeeshee wararka sarkaalka ayaa abuuray xassaasiyad iyo khalkhal, taas oo cabsi ku abuurtay dadka Ethiopianka ah ee haysta goobaha laga cabo bunka, sidoo kale bulshada Somaliland ayay wararka arrintan la xidhiidhaa ku keeneen wer-wer, balse Cusbaraalka Hargeysa iyo Kommishanka Qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS, ayaa si cadho ah uga jawaabay warka Taliyaha, iyagoo sheegay in aannay waxba ka jirin arrintaa loogana baahanyahay Taliyaha warka caddayntiisa.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com