Araweelo News Networ

guurkaKhubaro caafimaad oo dhawaan sammeeyey cilmi-baadhis qoto-dheer, ayaa sheegay in dadka xaaska leh amma qofka guursada uu ka badbaado inay ku dhacaan xannuunnada Kansarka iyo wadne-xannuunka, haddii Ilaahay (SWT) sidaa qaddaro.
Baadhitaan caafimaad oo ay ku sameeyeen xogta 60,000 (lixdan kun) oo bukaan muddo toban sanno ah, ayey khubaradan ku ogaadeen qofka aan guursan amma doob/gashaantida ah ay inta badan u dhintaan xannuunka kansarka.
Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in bukaanka cudurka kansarka qaba ee lammaanaha leh uu inta badan ka badbaado, maxaa yeelay inta badan qoyskiisu waxa ay kula tacaalaan in dhakhtar loola cararo oo la geeyo goobaha daawada si uu kaalmo u helo.

Waxa kaloo cilmi-badhayaasha oo ka socday Jaamacadda Universsity of California ee magaalada San Diego ee dalka Maraykanka, ay maxsuulka daraasaddooda ku soo bandhigay shir dhakhaatiir Maraykan ah isugu yimaaddeen (American Society for Clinical Oncology) toddobaadkan.

Culimada shirkaas ka qaybgalay, ayaa dib-u-eegis ku sameeyey xogta lixdan kun oo bukaan rag iyo dumar isugu jira ah oo cudurka kansarka (Lekaemia) iyo nooca dhiigga raaca qabay, iyagoo baadhitaankoodu socday intii u dhaxaysay sannadihii 2000 ilaa 2009-kii.

Celcelis ahaan bukaanka aan xaaska lahayn, waxa ay 21% ka mid ah u dhinteen xannuunka kansarka, marka loo eego asxaabtooda xaaslayaasha ah. Kansarka dhiigga raaca dadka aan guursan waxay halis ugu jiraan 43% in ay u geeriyoodaan, inkastoo geeri iyo nolol Alle hayo.

“Bukaanka aan xaaska ahayn amma aan guursan waxa ay is ogaadaan marka ay xaaladda u dambaysa marayaan. Haddii aad tahay qof aan guursan ma haysatid qof guriga kula jooga oo ku daryeela oo kugu qasba inaad dhakhtarka tego, taasina waa midda dhabta ah ee rag badan haysata. Inta badan haweenku taageero way helaan haddii xataa aan la guursan,” ayuu yidhi Dr. Metthew Wieduwilt oo ka mid ah khubarada daraasadda sameeyey, waxaannu intaa ku daray in dadka xaaslayaasha ah ay inta badan kaalmo ka helaan qoyskooda.

Sidoo kale, daraasad khubaro Ingiriis ah diyaariyeen, ayaa lagu sheegay in dadka qoyska leh amma guursaday ka badbaadaan wadne-xannuunka, iyagoo ku sababeeyey in lammaanuhu isku garab qabtaan daryeelka xilliyada xannuunka iyo caafimaadkaba, taasna aannu nasiib u helin qofka aan guursan.

Khubaradan oo baadhitaan 13 sanno ku samaynaysay 25,000 qof oo wadno-xannuun laga helay oo macluumaadkooda ay ka soo kala ururiyeen malaayiin cusbitaallo ah, ayaa ay ku ogaadeen in qofka xaaska leh ah uu xannuunkaas iska caabbin karo, daryeelka uu qoyskiisa ka helo aawadeed.