Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Saddex Madaxweyne ku xigeen oo Somaliland kasoo qabtay xilal, ayaa baaq ku waajahan xaalada dalka iyo xiliga doorashooyinka kusoo waajahan maalmaha soo socda geyiga Somaliland.

Qoraalka ay wada Jirka usoo saareen Madaxweyne ku xigeenadii hore ee Xukuumadihii u kala danbeeyay Somaliland, ayaa  u qornaa sidan:-

“Annagoo ah Madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu waqtigan xasaasiga ah ee dalkeenu marayo talooyin u soo jeedinaynaa madaxda saddexda xisbi qaran, gaar ahaan murrashixiinta iyo bulshoweynta reer Somaliland.

Sida aynu wada ogsoonnahay waxa innagu soo fool leh doorashadii madaxtinimada Somaliland oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi qaran; KULMIYE, UCID & WADDANI. Markaa waxa la gaadhay waqtigii ay madaxda xisbiyadu ka hadhi lahayeen hadallada xanafta leh ee naxliga abuuraya ee bulshada dartood u kala qeybsantay sii kala fogeynaaya, taas oo waxyeelo weyn u geysan karta nabadgelyada iyo midnimada ummadda ay madaxda u yihiin. Nabadgalyada oo ah raasamaalka ugu weyne ee dadka reer Somaliland maanta haystaan.

Waxa kale oo looga baahan yahay murrashiixinta inay tageerayashooda kuwaaniyaan inay tartan xallaala tartamaan oo ka madhan xummaan iyo xasarad horseedi karta kala fogaanshaha bulshada walaalaha ah, isla markaa madaxda tartamaysaa waa inay maanka ku hayaan sidii ay u hannan lahayeen hoggaanka dal, nabadda iyo bulsho walaalo ah.

Sida la ogsoon yahay Somaliland waxay horrey u soo martay doorashooyin dhawr ah, waxanay Illaahay mahaddii haka gaadhe kaga soo gudubtay wadajir iyo isku tannaasul. Maantana indhaha caalamku way ina dhawrayaan bal sida aynu tijaabadan agu soo baxno, saaxiibadeen waxay sugayaan war farxad geliya, cadowgeena mid kaa kulidi ah.

Haddaba, iyadoo Illaahay lala kaashanaayo waxaynu marxaladan kaga gudbi karnaa innaga oo iday-keen gacmaha is-qabsanna, xisbiyadeena oo si hufan u tartama, nabadgalyada oo kulligeen ciidan iyo shicib xilweyn la iska saaro.

Dadweynaha reer Somaliland waxa laga rabaa inay aad ula shaqeeyaan guddiga doorashooyinka iyo ciidamada ammaanka ee heeganka u ah dhawritaanka nabadgelyada, codkoodana u dhiibtansi hufan oo xasilloon. Sidoo kale bulshadu waa inay u diyaar-garooban in dhinac looga soo wada jeesto cid allaale ciddii ku kacda wax nabadgalyada iyo xasillooni dadka khalkhal gelinaaya.

Xisbigii Illaahay qadaro inuu badiyo ayaa badin doona, inta kalena waxa looga baahan yahay ku qancidda natiijada doorashada, hannaynta iyo hambalyeynta cidda guulaysata, sidii awalba caadada inoo ahayd.

Ugu dembayn, waxan Illaahay innooga baryeynaa inuu xaqa ina waafajiyo, hawlaha innagu soo aadana si nabadgelyo innoogu dhammeeyo. Dalka iyo dadka reer Somaliland waxaan u rajaynaynaa, Nabadgelyo, bashbash, barwaaqo, horumar iyo aqoonsi.

ALLA MAHAD LEH
Mudane: Xasan Ciise Jamac ​Mudane: Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax​Mudane: Axmed Yusuf Yasin