Araweelo News Network

Mr Priebus waxa uu ku guuldaraystey in uu xajisto maamulka Aqalka Cad

Washington(ANN)- Tirada Madaxda Xilka laga qaaday iyo kuwa laga caydhiyay ee xukuumadda Washington, ayaa sii korodhay mudadii Lixda bilood ahayd ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu xukunka hayay, waxaana xilalkii ay ka hayeen Aqalka Cad iyo Hay’addaha kale ee dawladda ka tegey, ama laga erayay saraakiil badan oo loo arkayay qaarkood in ay yihiin baalasha Madaxweyne Trump.

Anthony Scaramucci oo ahaa Agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad oo muddo laba todobaad ka yar xilkaa, ayaa ugu danbeeyay, waxaana arrimahan lagu tilmaamay kuwo muujinaya khilaaf iyo jaahwareer siyaasadeed oo ka taagan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Sarkaalka u danbeeyay ee xilka iskaga tegey, Mr. Anthony Scaramucci, ayaa ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee Madaxweyne Trump, wuxuuna safka horre kaga jiray xiligii lagu jirey ololaha doorashada sanadkii hore dadkii guusha la doonayay Madaxweyne Trump, wuxuu si lama filaan ah isaga casilay Agaasimaha warbaahinta ee Aqalka Cad oo loo magacaabay toban maalmood ka hor.

Mr. Anthony, ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin caan ku ah xaga dhaqaalaha, gaar ahaan suuqa saamiyada ee Wall Street, isagoo ka mid ahaa dadka macaashka badan ka sameeyey ee ka tilmaaman, wuxuuna mudadii ka yarayd labada todobaad ee uu xilka hayay soo baxay sheekooyin ay ugu weynayd mid ka mid ah fariin uu soo dhigey boggiisa Twitter-ka Madaxweyne Trump oo loo fasirtay in uu ku eedeynayay Agaasimaha Aqalka Cad Reince Priebus in uu mas’uul ka yahay wararka hoosta looga dusinayo saxaafada ee sirta ah. Balse markii dambe waa uu tirtirey qoraalkaasi.

Waxa jira warar tilmaamaya in sababta shaqada looga eryay ay la xidhiidho iyo isagoo oo ku faanay in uu si toos ah uga amar qaato Madaxweyne Trump, balse aanu hoos tagin Agaasimaha Aqalka Cad , waxaana lala xidhiidhiyay in taasi ay ugu wacantahay sababta Agaasimaha cusub Jeneraal John Kelly uu xilka uga eryey Scaramucci, waxaana in xilka laga qaaday la shaaciyey saacado yar kadib markii xilka agaasimaha guud ee Aqalka Cad loo magacaabay Jeneraal Kelly oo hore u ahaa wasiirka amniga gudaha, waxa kale oo soo baxaya warar sheegaya in ay suura gal tahay in Madaxweyne Trump uu qoonsaday hadalkii Scaramucci Twitter-ka kusoo qorey.

Sidoo kale waxaa xilka laga eryay 31-dii July. Reince Priebus, oo ahaa Agaasimahii Aqalka Cad, kaasoo horey u ahaa guddoomiyaha guddiga qaran ee xisbiga Jamhuuriga, isla markaana ka mid ahaa dadka tirada yar ee siyaasiyiinta reer Washington ee xilka sare ka heley Aqalka Cad xiligan Madaxweyne Trump, balse waxa u suurtogali weyday in uu hanto shaqada, iyadoo sabab looga dhigay iska caabinta awoodaha is diidan ee ku dhex loolamayay Aqalka Cad , oo ay ka mid ahaayeen gabadha uu dhalay Madaxweynaha Trump ee Ivanka iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Mr. Jared Kushner, kuwaas oo saamayn ku yeeshay siyaasada Aqalka Cad.

Mr. Reince Priebus, ayaa la shegayaa in mushkiladaha ka horyimi ay ka mid ahaayeen markii agaasimaha warbaahinta loo magacaabay Scaramucci oo ay si shaqsiyan isugu dhacsanaayeen, kaas oo markii dambe diidey in uu ka amar qaato.
Arrimahaa, ayaa sababay in Madaxweyne Trump ku macneeyay in ay yihiin kuwo lumiyey kalsoonidii uu ku qabay Priebus , wuxuuna soo xushey nin jeneraal ah si uu ugu bedelo, waxaana xiliga la eryay ay kusoo beegantay xili xisbiga jamhuuriga uu ku guuldaraystay in uu meesha ka saaro sharciga caymiska caafimaadka ee Madaxweynihii hore Mr. Obama.

Sidoo kale Afhayeenkii Aqalka Cad Mr. Sean Spicer, ayaa xilka laga qaaday 28-dii July maalmihii lasoo dhaafay, isagoo xilkaa hayay muddo 6 bilood ah, wuxuuna ahaa shaqsiga ugu caansanaa dowladda Trump, isagoo ay maalin walba warbaahinta is waajahi jireen si uu u difaaco siyaasadaha Madaxwene Donald Trump oo duufaano siyaasadeed kaga socdaan gudaha iyo dibadaba.

Sean Spicer, ayaa si weyn ugu sii caanbaxay kadib markii barnaamijka majaajilada siyaasadeed ee lagu magacaabo Saturday Night Live uu ka sameeyey maadays isaga lagu canjilayo, balse Mr. Sean Spicer ayaa xilka iska casiley , iyada oo sida la sheegey uu arrintaa si fiican ugu qanciyay Madaxweyne Trump si ka duwan dadkii kale ee iskood xilallka uga tegey.

Waxaana xilkii uu ka tegey Sean Spicer 21-dii July, iyadoo ay buuxisay Haweenayda lagu magacaabo Sarah Huckabee Sanders oo ku xigeenkiisa ahayd.

Agaasimihii Hay’adda FBI-da Mr. James Comey, oo kaalin muran badan dhalisey ka ciyaaray maalmihii ugu dambeeyey ee doorashadii Maraykanka sanadkii hore loolankii adkaa ee dhaxmaray

Xisbiga dimoqoraadiga ayaa ku eedeeyey eex siyaasadeed kadib markii uu dacwad ku furey Hillary Clinton todobaad uun ka hor maalintii codbixinta doorashada loo dareerayay. Talaabadaasi darteed ayuu Trump amaan badan ugu jeediyey Comey.

Balse markii Comey uu baadhitaan ku furay Trump laftiisa eedeymo la xidhiidha lugtii Ruushku ku lahaa ololihii doorashada ee Trump , waxay arrintaasi keentay in Madaxweyne Trump aad u qoonsado Mr. Comey ee uu xilka uga qaaday 9 May, isagoo Madaxweyne Trump Afar bilood joogay xafiiska.
Madaxweyne Trump waxa uu sheegey in sababta Comey xilka looga eryey ay ahayd in uu si xun u maamuley baadhitaanka fadeexadii emailada ee Hillary Clinton, sidaasi darteedna aanu awood u lahayn in uu xilkaasi sii hayo.

Balse markii dambe hadalo isburinaya ayaa kasoo baxay Aqalka Cad, waxaana ka mid ahaa in sababaha loo eryey ay la xidhiidhay baadhitaanka fadeexada Ruushka ee saamaynta ku yeelatay guushii Madaxweyne Trump.
Agaasimihii Hay’adda FBI-da Mr. James Comey, waxa uu xilka hayay sedex sano iyo sideed bilood, isaga oo afar bilood keliya ka hoos shaqaynayay Madaxweyne Trump, ka hor intii aanan xilka laga qaadin 9-kii bishii May.

Sidoo kale La Taliyihii Amniga Mr. Michael Flynn, ayaa xilka iska casiley , kadib markii Madaxweyne Trump ka codsaday todobaadyo markii ay socotey fadeexad la xidhiidhay in Flynn uu been ka sheegey kulan iyo xidhiidh uu la sameeyey safiirka Ruushka ee Maraykanka Sergei Kislyak, iyadoo ay soo baxeen in uu safiirka kala hadlay arrimo la xidhiidha cunaqabataynta Maraykanka uu hore u saaray Ruushka.

Arrintan Michael Flynn xilka uga tegey, ayaa lagu sabeeyay in ay tahay mid waafaqsan sharciga Maraykanka ee sheegaya in arrin sharci daro ah ay tahay in dadka muwaadhiniinta ee Maraykanka ay farogeshaan arrimaha diblomaasiyadda Maraykanka, sidaasi darteedna markii la ogaaday in Flynn uu xidhiidh la sameeyey safiirka Ruushka, wax su’aal ah kama taagnayn in uu xilka isaga tago, mana jirin dariiq kale oo u furaa.

Mrs. Sally Yates, ku simaha xeer illaaliyaha guud ee Qaranka ayay ahayd, waxayna 14 February ka tagtay xilkaa. Kadib sadex todobaad markii ay haysay, iyadoo Madaxweynahu xilka ka eryay gabadhani oo lagu magacaabo Sally Yates kadib markii ay su’aal ka keentey amarkii Trump ee mabnuucista socdaalka dadka kasoo jeeda 7 dal oo muslimiin ah.

Mrs. Yates oo uu hore uu madaxweyne Barack Obama u magacaabay ayaa sheegtey in ay tahay arrin takoor ah in dadkaasi muslimiinta ah loogu diido socdaalka diintooda darteed.

Sababka Xilka Looga Qaaday, waxa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad in Sally Yates ay hagardaamaysay wasaaradda caddaalada kadib markii ay diidey in ay dhaqangaliso amar lagu difaacayo amniga dadka Maraykanka.

Dacwad Oogaha heer Federaal ee New York, Preet Bharara, ayaa xilka laga eryay 31-dii January wax ka yar 10 maalmood kadib markii uu xilka la wareegey Donald Trump.

Arrinta Dacwad Oogaha, waxa ka dhashay dodo sharci, waana wax qeyru caadi ah in dacwad ooge Madaxweyne hore uu magacaabay xilka laga qaado marka uu madaxweyne cusub yimaado, iyada oo ay sidaasi tahay ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu Preet Bharara u sheegey in uu xilkiisa haysan doono.

Ninkan ayaa waxa uu sumcad badan ku yeeshey kadib markii uu talaabooyin sharci ah ka qaaday ganacsato badan oo galay dambiyo maaliyadeed.

Markii xilka laga qaadayay waxa uu gacanta ku hayay dacwado waaweyn oo mid ka mid ah ay la xidhiidho duqa magaalada New York Bill de Blasio.

Mr. Bharara waxa uu ka mid ahaa 46 dacwad ooge oo uu Trump ka dalbaday in ay xilka isaga dagaan, balse xisbiga dimoqoraadiga ayaa sheegey in si gaar ah loo eeganayay Bharara maadaamaa meelaha uu xukunkiisa gaadhsiisanyahay ay ka tahay xaafadda New York ee uu ku yaalo dhismaha Trump Towers, taasina ay madaxweynaha walwal galisey, balse markii danbe soo baxday in ninkani uu baadhitaan ku hayay shirkadaha Trump.

Waxa uu xilka hayay todobo sano iyo todobo bilood, isagoo wax ka yar labo bilood ka hoos shaqaynayay madaxweyne Trum oo xilka ka qaaday 11-kii March.
Agaasimihii ololaha doorashada Madaxweyne Trump oo lagu magcaabo Paul Manafort, ayaa loo xilsaaray in uu maareeyo qalalaasihii ku furnaa ololaha Trump, balse isagii ayuu galaaftay waxaana xilka laga eryey markii uu 5 bilood oo kaliya xilka agaasimenimada hayay, mana jirin sabab cad oo xilka lagaga qaaday, marka laga reebo war saxaafadeed kasoo baxay Aqalka cad oo guul loogu rajeeyey.

Balse warar kale oo saxaafadda kusoo baxay maalmo ka hor intii aanu xilka laga eryin 19-kii August, 2016, waxa ay tibaaxayeen in uu heley lacago sharci daro ah oo uu ka heley dad xidhiidh la leh Ruushka.