Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.


New York( ANN) Shirkaddaha ugu caansan ee hormoodka u ah Tignoolajiyadda dunida ee Apple iyo Google, ayaa meel iska dhigay khilaafkoodii xafiiltanka ahaa ee la xidhiidhay tartanka ka dhexeeyay, waxayna sheegeen inay abaabulayaan nidaam cusub oo lagula xidhiidhayo sida loo raadinayo qofka qaba caabuqa COVID-19, iyo sida loo helayo dadka uu la maacaamilay, ama ay gaadiid wada raaceen.


Barnaamijkan, ayaa noqonaya mid si fudud qofku ugu oggaanayo xaaladdiisa caafimaad, waxaase shuruud ah inuu marka horre haysto Telefoonada casriga ah, taas u saamaxay inuu lasoo dego Barnaamijka, waxayna arrintan si weyn uga qayb qaadanay in si fudud loogu raadiyo dadka bukaanka cuddurka qaba iyo kuwii ay la xidhiidheen, si markaa kadib loo hubiyo oo loogu sameeyo baadhitaan, kadibna marka laga helo la geliyo karantiimo.

Labada xarumood ee Silicon Valley iyo qaar ka mid ah khubarada caafimaadka dadweynaha ayaa leh telefoonada casriga ah (Smartphones) ayaa naga caawin kara innaan isticmaalo si fudud barnaamijkan.


Raadinta iyo helitaanka dadka bukaanka cudurka qaba, ayaa markaa kadib noqnaya in la hubiyo, waxayna Shaqaalaha caafimaadka dadweynaha bukaanka weydiinayaan su’aalo taxane ah oo ku saabsan halka ay u safreen iyo cidda ay la kulmeen, si looga dabatago, balse waxay ku tilmaameen in uu yahay geeddi-socod muhiim ah, laakiin waqti u baahan in la fahmo oo la qaato.


Nidaamka Apple iyo Google waxay abuurayaan adeegsiga calaamadaha Bluetooth si ay uga caawiyaan ogaanshaha xidhiidhka iyo xaaladda caafimaad ee qofka, sida ay sheegen Apple iyo Google.

Teleefoonada casriga ah ee ku xidhan, ama leh Bluetooth waxay ku diri karaan macluumaadka Jibka yar ee qarsoon, waxayna awood u leeyihiin inay dhegeystaan fariimaha yar yar ee taleefannada kale,” sidaa waxa yidhi, Daniel Weitzner. oo ah nin saynisyahan ah oo cilmi baadhe ka ah MIT,isla markaana ka shqaynaay barnaamijkan.
Wuxuu sheegay Jibka yar ee Taleefoonadu ay siinayaan calaamadaha Bluetooth. sidoo kale ay duubayaan calaamadaha ay helaan haddii uu agtaada ama meesha aad fadhido ka helo macluumaadka.

Tusaale, ahaan Bob uu leeyahay COVID-19, wuxuu iskii isugu calaamadayn karaa inuu cudurka qabo , wuxuuna barnaamijka socda waaxda caafimaadka dadweynaha ee nidaamkani markaa u adeegsan karaa duubista calaamadaha Bluetooth-ka qarsoon si ay uga digaan qof kasta oo taleefankiisa usoo dhowaaday labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, kuwaas tusaale ahaan ay ku “hebel” iyo “hebel”. kuwaas oo markaa iska baadhaya inay qabaan cuddurka Coronavirus.


Hase yeeshee, waxay ku doodayaan in Adeegsiga Telefoonadda casriga ah aannay waxba ka beddelayn raadinta xidhiidhkii iyo macaamilkii caadiga ahaa, laakiin waxay arrintan fogaynaysaa raadinta sida loo helayo , sababtoo ah maxaa yeelay ma xasuusatid cidda aad baska la raacday, sidaa waxa tidhi, Dr. Louise Ivers, oo ah Agaasimaha fulinta ee Xarunta Caafimaadka Caalamiga ah. (Massachusetts General Hospital Center for Global Health), waxayna kula talinaysaa mashruuca Weitzner ee MI. in saraakiisha caafimaadka dadweynaha inay diiradda saaraan dadka aan lahayn taleefannada gacanta ama si gaar ah u nugul caabuqa COVID-19.

Barnaamijka Tignoolajiyaddu ma aha mid la soo afjaray. Astaamaha Bluetooth waxay gaadhayaan in kabadan lixda cagood ee naloogu sheegay inay kala fogaadaan dadku. Iyo in nidaamku noqdo mid wax ku ool ah, isla markana loo baahan yahay in dad badani u baahan yihiin inay ka qaybqaataan.


 “Waxaan u baahanahay saamaynta shabakadda oo ah qof walba in uu awooddo inuu maqlo dhamaan qeybaha,” ayuu yidhi, Professor Daniel Weitzner oo ka tirsan, qaynta siyaasada daraasaadka iyo cilmi-baadhista Internetka.
Apple iyo Google ayaa sheegay in aanay weli aqoon inta qof ee u baahan inay doortaan barnaamijkan si ay u arkaan saamayn. Dalka Singapore, hal milyan oo qof ayaa lasoo degey barnaamij ay dawladdu samaysay oo ku saabsan baadi goobkan. Laakiin Lawrence Wong, wasiirka horumarinta qaranka, ayaa u sheegay wargeyska ‘Straits Times’ in 75% dadweynaha ay khasab ku tahay inay u adeegsadaan app-ka si ay uga dhigaan mid wax ku ool ah.
Taasi waa sababta Apple iyo Google ay u wada shaqaynayaan si loo hubiyo in nidaamkooda Bluetooth-ka inuu ku shaqeeyo dhammaan talefoonadooda. Qiyaastii 3 bilyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa leh iPhone ama Android. Haddii qaar badan oo ka mid ahi ay doortaan, nidaamkani isbeddel ayuu ku sameyn karaa. sida ay sheegeen kooxda wada barnaamijkan.

Balse, waxa ay sheegeen in qaabka dadka looga dhaadhicinayo ee ay ku aaminaan kooxda farsamada ee wada barnaamijka cusub ee la socoshada ay nqonayso caqabad.

Walaw Wakiillada Apple iyo Google ay carrabka ku adkeeyeen in farriimaha Bluetooth-ka aannay muujin cidda soo dirtay, ama halka ay ka yimaadeen fariimaha.

Professor Daniel Weitzner, ayaa sheegay in fikradda Bluetooth ay ka shaqayso Barnaamijkan, wuxuuna tilmaamay isku soo dhawaanshaha, oo aan ahayn goobta. “Uma baahnin inaan ogaano meesha aad qof ugu dhow la joogtid, kaliya inaad ku dhowdahay qof, ayaa muhiim ah” ayuu yidhi.
Apple iyo Google sidoo kale waxay xadidayaan nidaamkooda hay’addaha caafimaadka dadweynaha. Shirkadaha ayaa sheegay in dowladduhu aannay ku khasbi karin dadka inay ka leexiyaan raadraaca Bluetooth.

Si loo ilaaliyo xogta qofka, calaamadaha Bluetooth waa lambar aan caadi ahayn oo ku jira taleefankaaga. Taasi micnaheedu waa xitaa xitaa Apple ama Google ma raadin karaan halka aad ku joogtay ama cidda aad la soo xidhidihay. ayay yidhaahdeen kooxda hagaysa barnaamijan.

Xitaa taxaddarradan, dadka qaarkiis waxay ka wallaaci karaan saamaynta ay ku yeelan karto soo saarista tignoolajiyaddan.

Ashkan Soltani, waa khabiir ku xeel dheer cilmiga farsamada ee Guddida Ganacsiga ee Dowlada Dhexe ee Federaalka Maraykanka, isla markaana wuxuu horre u ahaa Madaxii Tignoolajiyada ee ganacsiga guddida Federaalka (Chief technologist at the Federal Trade Commission).
“Walaaca ayaa ah haddii aan bilowno fulinta siyaasado ku salaysan macluumaadkan, Haddii aan u baahan nahay, tusaale ahaan, dadku inay adeegsadaan barnaamijkan oo ay u bixiyaan … natiijada ay ku leeyihiin barnaamijka si ay tusaale ahaan, ugu laabtaan shaqada ama ay u isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.”ayuu yidhi.

Wuxuuna farta ku fiiqay dalka Shiinaha, halkaas oo ay dadku ku muujinayaan natiijooyinkooda midabaysan ee app si ay ugu dhex wareegaan dadweynaha, iyadoo haddii ay kuu soo baxdo callaamada Cagaaran macnaheedu waa inaad xor u tahay noloshaada oo aanad qabin COVID-19, balse haddii ay kuusoo baxdo callaamadda Huruud, ama casaan ah, taas macnaheedu waa inaad ku xayiran tahay Bulshada, waana inaad karantiin is geliso, sababtoo ah Coronavirus ayaa jira.

Hase yeeshee shirkaddaha Apple iyo Google ayaa sheegaya inay sii deyn doonaan nidaamkooda bisha soo socota, walaw Xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa horre uga digay inay il gaar ah ku hayaan sida ay kooxda farsamada gacanta ugu maareeyaan xogta gaarka ah ee dadka, taas oo u baahan taxadir si loo ilaaliyo qaanuunka xoriyada iyo noloshiisa gaarka ah.